qoraal2Marka hore waxaan salaam kal iyo lab ah salaamaya waayeelka ,ganacsatada, marti sharafta noo timi ee reer xamar,salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu. Waxaanu idinku soo dhowaynaynaa

gacmo furan,waxaynu nahay dad isku diir,isku diin ah,isku af, waana tii ina mideeyasay ,waa jirtay xili hore oon is aaminay oo isku darsanay  dheef iyo dhaqaale labadoodii gobol ee ka xoroobay gumaystayaashii Ingiriis iyo Talyaaniga waxaana taas sabab u ahayd aragtidii 1960kii ay qabeen siyaasiyiintii,waayeladii,ganacsatadii iyo dadwaynihi labadaas gobol,oo cuqdad  ka qabay gaaladii gumaysanaysay ee diinta islaamka tirtiraysay,iyagoo taas ka duulaya ayaa waxa xiligaas loo midoobay sidii looga xorayn lahaa gacanta gumaytayaashii sadexdii gobol ee ku hadhay gacantooda, shantaas gobol la midayn lahaa,fikirkaas halkuu ku danbeeyay manta is waydiin mayno oo dadkanii dadkoodii la xasuuqay ee ciidanka  dhulka,bada iyo cirkaba laga buufiyay sidii xasharaadkii ma ilaawi doonaan weligood, bal eega aduunyada waxa weli laga xusaa iyadoo laga wada murugaysan yahay xasuuqyadii loo gaystay Yuhuudii Hitlar laayay ,bamamkii lagu raday Nikasaaki iyo Hirooshima, sidaas darteed dadkanu ma ilaawi doonaan raad raac taariikhdooda. 

Dadka reer soomaliland burburkii dawladii xamar ka hor iyo ka diba waxuu lahaa dhaqan soo jireen ah waana ka ilaa iyo hada ay ku caano maaleen ,waana ka noo horseeday isu tanaasilka is maqalka kala danbaynta xushmada iyo ciska dhexdayada iyo aduunkaba,  waxaase Ilaahay mahadii ah dhaqan xumadii iyo wacad daradii anu idiinka tagnay ee soomali burburisay inaad maanta dareentaan . 
Hadaba madaama oo aynu nahay dad wax badani ka dhaxayn jireen,hadana ay inaga dhaxayso diinta iyo afku ileen geeska afriika waa wadaaga midabka iyo dhaqan nololeedka,waxaanu idinku biirin doona insha allaahu talo iyo tusmo waafi ah.
Waxaa  naxdin ah inaad manta dareenteen in magaaladiini xamar iyo dhulkiiniba   gacanta u galay ciidamo adoon afriikana oo calooshood u shaqaystayaala oo weliba aduunyadu ku masruufto haysashadooda,waaba dhowayd xiligii Milis sanaawii idin haystaye hada mala waa Yuweeri ka Yugaandha baa xilka idiin haya.
Dadka reer Soomaliland rabitaankooda ayaa idinka maarmay  taladoodiina  gacantooday ku jirtaa oo cidna uma daba fadhiistaan ,halkan awooda ugu saraysaa waa shacabka halka xamar awoodu ugu saraysaa  tahay qoriga, dadkani iyaga  doorta ciday rabaan,waa mahad ilaahay waxaanu ku noolahay nolol xor iyo nabad gelyo ah,dareenka shacabka 18ka May indhihiina ayaa idiin macalin noqon.
Anagu waxaanu nabad gelinay dadkii muqdisho ka soo qaxay,taajir iyo danyare labaduba si xor iyo nabad gelyo ah bay noola noolyihiin,dadkuna cidna ma dulmiyaan idinkana sidaas iyo si ka fiican baanu idiin soo dhowaynaynaa,waxanu diyaar u nahay wixii talo iyo toodimo ah eed u baahantihiin waa idin taraynaa inkastoo la yidhi dhegihii ilaahay waansho ayaa waansan.
Walaalayaal ugu danbayntii waxaan idin leeyahay riyaad ku jirtaan toosa,waayo inagu afar iyo labaatan sano ka hor baa wax inaga dhaxeeyeeno wixii inaga dhaxeeyayna bal cida cunta is waydiiya markaad toostaan,,waxaana fiicantahay in loo wada noolado sidii deris is xushmeeya ma fiicna mana rabno deris is xagxagta hadii ay idinkala fursan waydo,waaba loo joogi.
Jiif Caaqilka Beesha Muuse Abokor Maxamed Cawed Gacanlaw

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *