Hargeysa(Arraweelo News) Xus loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde, kaas
oo ay tartankiisa ka qayb qaateen dhawr kooxood oo kubadda Baskitka.
Koobka lagu xusayo Ciyaartoygaa oo ka mid ahaa dhalinyaradii sida weyn uga qaybqaatay sidii dhalinyarada loogu jihayn lahaa Ciyaaraha, wuxuuna xiligii horaantii sanadkii 2000 ka sameeyey magaalada hargeysa dhawr kooxood oo Ciyaaraha Baskitka ah, kuwaas oo uu tababaro siiyay, isla markaana Juhdi badan geliyay.
Marxuumka xuska loo sameeyay ayaa geeriyooday sanadkii 2006, isagoo si tabaruc ah tababaro dhinaca Ciyaaraha ah u siin jiray Kooxo dhalinayaro ah, kuwaas oo hada noqday kooxaha ugu caansan Ciyaaraha fudud ee Baskitka.
Tartanka xuska Koobka loo sameeyay Marxuum Maxamed Cali Obsiiye (Callo), waxa soo qaban qaabiyay Keyse Haybe Higis (Camuu) oo ka mid ahaa dhalinyaradii Marxuumku tababaray, waxaana ugu danbayntii isugu soo hadhay tartankaa laba koxood ee Maxamed Mooge iyo Asluubta, iyadoo guusha Koobka ay qaadatay Kooxda Asluubta.
Aqoonyahan Najiib Axmed Shunuf (Maxamed) oo ka mid ah dadk dhalinyarada Ciyaaraha dhiiri geliya ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Cali (Callo) uu ahaa shaqsi wanaagsan oo wax badan iyo raad muuqda kaga tegey dhalinyarada iyo garoomada Ciyaaraha hargeysa ee Ciyaaraha Fudud.
Wuxuuna Illaahay Illaahay uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.