Ilaa Maalintii lagu dhawaaqay go’aankii taariikhiga ahaa ee gooni isu taaga, Somaliland waxa ku socday dagaalo kaga imanayey dhinacyo badan iyo siyaabo kala duwan oo aan kala joogsi lahayn ugu socday Somaliland, kuwaas oo ujeedadu tahay in
lagu khasbo in ay ka noqdaan ama ka hadhaan sheegashada in ay yihiin dal madaxbannaan.Xoogaga Somaliland dagaalka kula jira waxa ka mid ah dawladaha maqaar saarka ah ee laga dhiso Somaliya, Maamul goboleedka Puntland, qaarka mid ah dawladaha jaarka ah, dhamaan dawladaha carabta iyo kuwo ka mid ah wadana reer galbeedka, waxaan iyaguna dagaalka u yaraysan ururo caalami ah, waxaan iyagana la hilmaami Karin doorka canaasiir u dhashay S/land oo loo kiraysto ama loo adeegsado debindaabyada dalkooda hooyo oo lagu tilmaami karo in ay yihiin rag iyo dumar calooshooda u shaqaysta ( Mercenary). Hadaba inkasto oo ay S/land ka itaal yar tahay Xoogaga ka soo horjeeda, inkasta oo dhibaatooyin badan la gaadhsiiyey hadana ismay dhiibin umanay liicin cadaadiskii kaga imanayey kooxaxan isku bahaystay.
Hadaba su’aashu waxay tahay maxay S/land ugu dhabar adaygta dagaaladan mudada dheer ku socday? Jawaabtu way fududahay : waxay ahayd midnimo, wadajir iyo isku duubnida shacabka reer S/land. Lama sheegi karo awood kale oo ay S/land iskaaga caabiday gulufka cadawga iyo shirqoolada qarsoodiga ah ee loo maleegayo. Si kastaba ha ahaate intii Madaxweyne Ahmed Mohamed Silaanyo iyo xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegay wuxuu dildilaac ku yimid midnimadii shacabka, waxa laga sii socdaa qaranimadii waxa dib loogu noqday beelaysigii, haddii shalay bulshada S/land uur iyo indho wada jira ku eegaysay cadawga maanta iyagaa isku jeeda ama iska soo horjeeda .
Somalidu waxay ku maahmaahdaa Rag isku qaybay rag kuma qaybaan. Umad jahawareertay ayaan loo taag heline in badan waxa laga digay ama la odhan jiray Kulmiye laguma aamini karo masuuliyada dalka sababta oo ah xisbiga markuu mucaaridka yahay masuul noqon waayey markuu talada qabtana masuul ma noqon karo.
Runtii dawladihii ka horeeyey xukuumada Kulmiye waxay lahaayeen dhaliilo tiro badan, dadweynaha waxa soo maray duruufo iyo xaalado adag wakhtiyo kala duwan hase yeeshee waxay u midaysnaayeen ilaalinta qaranimada iyo xaqiijinta madaxbanaanida S/land, marna shaki kama gelin kamanay werwerin masiirkooda . Akhriste bal dib u dhugo khudbadihii Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land Mudane Ahmed Silaanyo gaar ahaan khudbadiisii ugu dambaysay ee ku beegnayd sanadka cusub 2013 oo aanu haba yaraatee wax garawshiiya ah ka bixin khaladaadkii iyo khasaarihii ka dhashay doorashadii dawladaha hoose balse wuxuu ku dheeraaday amaanta iyo sida wanaagsan ay ku dhamaatay.
Dadku waxay iswaydiinayaan madaxweynuhu miyaanu la socon wixii dalka ka dhacay? Haddii aanay arrintu sidaas ahayn madaxweyne dadkaaga ayaad been u sheegaysaa ama adigaa been lagaaga sheegay wixii dhacay (either you are lying to your people or some one is lying to you).
Mudane madaxweyne waxbaa khaldan wadankuna kuma sii socon karo wadada la hayo sidaadaradeed waxaan ku soo jeedinayaa in aad magacaabato rag aad ku kalsoon tahay ama nasteexaaga ah oo kuu soo qiimeeya xaalada dhabta ah ee dalku ku sugan yahay waxna kuu sheegi kara si aad dib u eegis iyo dib u habayn ama sixid ugu samaysid siyaasada xukuumaadu ku socoto.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com