Hargeysa(ANN)Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somatel ayaa maanta tijaabisay barnaamij xagga baahinta wararka ah internetka ah oo toos ah [live coverage] kaasi oo ay shirkaddu ugu talo gashay inay si toos ah hawda u galaan ciyaaraya tartanka Gobalada Somaliland oo

 

ku beegan 15 ka bishan aynu ku jiro, isla markaana  ay daawadayaasha caaamkadaafihiisa ku sugani si toos ah uga daawan doonaan TV-ga Qaranka Somaliland aanay hadda kahor ku dhaqaaqin shirkadaha kale ee dalka uga
soo horeeyey Somtel.

Balse sida laga warqabo hadda ka hor sidan oo kale shirkadda Somtelwaxay u samaysay ciyaarihii sanadkii hore ee ay kooxaha Goballaduisku arkayeen kaasi oo lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta Gobalka Togdheer.barnaamijkaasi oo ah mid loogu talogalay inay saxaafadduwararkooda ugu tebin karaan xarumahooda si toos ah waxa uu warbaahinta
gaar ahaan inta isticmaasha qaybagaha kaladuwan ee TV-yada in goobaha ay wararka ka soo tebiyaan iyo xarumahoodu si toos ah isugu xidhmayaan sida warbaahinta kale ee caalamku hadda isticmaalaan taasi oo warbaahinta u suurto galinaysa inaysan hadhaw u haaban doonin wakhti dheeraad ah iyo shaqo hawlkale oo ay mar labaad galaan sida ay
hadda warbaahinta Somalidu ku shaqeeyaan.

Munaasibadda xafladda shaacinta barnaamijkaasi baahinta tooska ah ee shirkadda Somtel oo lagu qabtay hoolka dabaqa sare ee shirarka ee isla xarunta shirkadda Somtel waxaa ka soo qaybgalay Maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi,madaxa Iibka iyo suuqgeynta ee Somtel Iid Muuse Muxumed,maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Xasan Cali iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Somtel.

Ugu horeyn furitaankii xafladdaasi waxaa ka warbixiyey madaxa xafiiska suuqgeynta iyo Iibka ee shirkadda Somatel Iid Muuse Muxumed waxaanu sheegay ujeedada xaflada shirkaasi jaraa’id ay u qabteen  tahay sidii ay Somtel ugu soo bandhigi lahayd bulshada Somaliland daawashada ciyaaraha gobalada Somaliland ka dhici doona isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “xafladdan aanu galabta qabanaynaa waxa waxay hordhac u tahay oo aanu ugu talogalay inay bulshada reer Somaliland iyo kuwa kale ee dacalada aduunka joogaa  si toos ah ugala socdaan baahinta shirkadda Somtel iyo TV-ga qaranka oo aanu iska kaashanayno,  waana tijaabadii ugu hooreysyay” ayuu yidhi Iid MuuseMuxumed.

“Shirkadda isgaadhsiinta Somtel dadweynuhu waxay uga barteen sidii ay dadweynuhu uga haqabeelilahaayeen ciyaaraha iyo arrimaha kale ee khuseeya bulshada eel amid ah” ayuu yidhi markale Mr Iid Muuse waxaanu intaa ku daray inay shirkadda Somtel xoogga saarayso sidii uubarnaamijkaasi ugu najixi lahaa isaga oo Mr Iid arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan rajaynayaa inuu barnaamijkaasi noqon doono mid bulshada gaar ahaan inta xiisaysa ciyaaraha raali galin doono waxaanan idin leeyahay waa Somtel oo markale idin leh ballanteenu waa Garoonka ciyaaraha iyo annaga si toos ah idiinku soo gudbindoona tartanka ciyaaraha Goballada Somaliland oo dalka ka dhici doona 15ka bishan aan ku jiro.”

Waxaa isaguna madasha shirkaasi jaraa’id ka hadlay maareeyaha TV-ga Somaliland Khadar Xasan Cali Gaas waxaanu sheegay inay farxad u tahayka maamule ahaan inay shirkadda Somatel ku marti qaaday bilawga barnaamijkaasi tooska ah ee ciyaaraha lagu baahin doono isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa shirkadda Somtel oo noo fududayndoonta baahinta tooska ah ee tartanka ciyaaraha Gobaladda ee aanu dhawaan ugu wanqalidoono caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland o dhawaan dalka ka dhicidoona” Mr Gaas waxa uu maareeye Gaas waxa uu sheegay inay ka Telefeeshan ahaan dhinacooda sida shirkadda Somtel oo kale uga diyaar garoobeen siweyn baahinta ciyaaraha waxaanu sheegay inay tayada muuqaalka
sawirrada TV-ga oo markiihoraba fiicnaa ay hadana meel fiican gaadhsiiyeen “annagu ka TV ahaan waxaanu u diyaar garawnay sida shirkadda Somtel oo kale ugu diyaar garawday waxaanan sare u qaadnay tayada muuqaalada sawirrada aanu baahindoono” ayuu yidhi Mr Gaas.

“halkii uu markii hore ka ahaa barnaamijka lagu qiimeeyo tayada muuqaalka Telefeeshinka hadda waxaanu ka dhignay laba iyo badh”ayuu yidhi Mr Gaas, isagoo dhinaca kalana sheegay inay sare u qaadeen waxbadan tayada qalabkii warlaliska iyo wixii kale ee loo adeegsanjiray tayada baahinta muuqaaladooda “waxaan rajaynaa inuu  TV-ga qaranku noqon doono ka ugu muuqaalka wacan TV-yada ku hadla afka Somaliga” ayuu yidhi Mr Khadar Xasan Cali Gaas maareeyaha TV-ga qaranka Somaliland.

Maareeyaha TV-ga qaranka Somaliland Mr Khdar Cali Gaas waxa uu si balaadhan ugu mahad celiyey maamulka iyo madaxda sare ee shirkadda Somtel oo sida uu sheegay waxbadan ka caawisay TV-ga isla markaana siisay qalabka ay ku shaqeeyaan qayb kamid ah “markale waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa maamulka iyo shirkadda Somtel oo waxbadan naga caawisay qalabaka aanu ku shaqayno lacag badana galisay tayaynta qalaka TV-ga qaranka” ayuu yidhi Mr Gaas.

Maaryeeha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi  oo dhinacooda  ka hadlay ayaa  talaabada qorshahaa ayaa  mahad naqay madaxa TV-ga qaranka Somaliland, isagoo sidoo kale hanbalyada sanadka cusub ee miilaadiga ah u diray shacabka reer Somaliland gaar ahaan macaamiisha Somtel, wuxuuna  isaga oo arrimahaa ka hadlaya  yidhi,  waxaa kale oo uu maareeyuhu inay salaataasi wada gaadhayso macaamiisha hadda sida tooska ah ugu xidhan Somtel iyo kuwa kale ee dhexa ku soo jira si ay u soo gaadhaan adeegga laga daba dahcay ee shirkaddaasi isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “dhamaan waxaan salaamayaa macaamiisha shirkadda Somtel iyo kuwa kuwa hada ku soo jira oo aan rajaynayo inaanay adeegga Somtel cidiba ka maqnaandoonin adeegan casirga ah ee aanu soo wadno kaasi oo aan rajaynayo inaanu kaga gun gaadhi doomo hamigayagii ahaa inay macaamiishayadu raali ka noqdaan adeegayaga markastaba”

Dhanka kalana Mr Cawil Saalax waxa ka hadlay arrmaha ciyaaraha iyo kaalinta ay ka qaataan hormarinta arromaha bulshada waxaanu yidhi “sidii ay horeyba u soo sheegeen masuuliyiinta hadalka iiga horeeyey ciyaaruhu waxay kaalin mugleh ka qaataan hormarka bulshada sida isbarashada dhaqaalaha hawlaha hadda socdaana waxay caawinayaan arrimaha dadka reer Somaliland” ayuu yidhi Mr Cawil. Dhanka kalana maareeyahay Somtel waxa uu sheegay dhalinyarada reer Somaliland inay tahay inay iyagu dhexdood tusale fiican xagga ciyaaraha isugu noqdaan “dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay waxaad haysataan waxaad tusaale ka dhigataan oo aad dhediina iskaga dayataan ciyaaraha intii aad ku dayan lahaydeen kuwa aydaan aqoonin oo u dhashay wadamo kale oo shisheeye ah” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *