Ummad kasta marka ay hogaamiyaheeda doorato isna wuxuu sii doortaa rag iyo dumar la door biday oo u maamula wasaaradaha iyo hayadaha dawlada ee tirada badan sida ugu hufan ee suurta gal ah, Hase ahaatee dunidu waa qabyo mar walba waxbaa dhiman xataa
dawladaha waaweyn ee horumaray kama badbaadaan in loo soo jeediyo dhaliilo aad u baan oo dhinac kastaba leh sida dhaqaalaha, siyaasada, arimaha bulshada, IWM.Hadaba Dalalka dunida sadexaad guud ahaan gaar ahaan S/land maxaa laga fili karaa?
Waxa hubaal ah masuul kasta oo reer S/land ah, ha sareeyo, ama ha hooseeyo waxa mar walba agtiisa yaala dhaliilo badan iyo baylah tiro badan waayo waxa aad iyo aad u kala badan waajibaadka iyo shaqada laga rabo iyo imkaaniyadka uu u hayo ee ay yahay in wax lagu fuliyo.
Sidaa daraadeed haddii uu yahay wax ma tare taab gaaban iyo haddii kaleba waa canaan u joog .
Dadweynuhu kama dareen la’a haynta iyo awooda dawladooda waxayse dareemayaan in la hagraday oo haddii la dedaalo wax badan loo qaban kari lahaa.
Waxay arkaan dhaqaalihii yaraa oo si xun loo maamulayo, waxay ka war hayaan hay’addo tiro beelay oo madax banaan oo been been ah, ama magac u yaal ah oo haba yaraatee aan dadka iyo dalka toona waxba u qaban kharash badana lagu qaato, qaarkood waxay ka miisaaniyad badan yihiin wasaarado muhiim ah, ujeedada loo abuurayna keliya waxay tahay in dad lagu naas-nuujiyo, ama mansabyo loogu sameeyo .
Si kastaba ha ahaate S/land dhaliishu waa ina daan-weyne ama duruuftu ha keento ama xil gudasha laaanta madaxda ha ka timaado, sidaas oo xaaladu tahay maalin walba waxaad maqlaysaa masuul ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo siiba wasiirada oo ka qaylinaya ama ka gubanaya dhaliil saxaafadu ka sheegtay oo si cadho leh ugu hanjabaya in uu xidho doono wariyaha ama wargeyska soo tebiyey dhaliisha ee farta ku fiiqay.
Wasiirada kacaanka ah ee madaxweyne Siilaanyo mid kasta oo ka mid ah maxkamadaha waxa uga furan kiis ama laba kiis oo uu ku dacweynayo qof saxaafada ka shaqeeya ama hayad ka mid ah hayada warbaahinta.
Qaarkood eedaha loo soo jeediyo oo uu musuqmaasuqu ka mid yahay waxay kaga jawaabaan waxaan loo fadhiyin ama meesha qaban, waxay abaaraan shakhsiyada qofka dhaliisha tilmaamay qaarna waabay dhaafan shakhsiga oo waxay eeda dusha ka saaraan wariyuhu beesha uu ka soo jeedo waayo ma laha kartii uu iskaga leexiyo eedaha loo soo jeediyey, mana laha ku dhac uu ku sheego runta iyo sida ay wax uga jiran, mana aha siyaasi bisil oo xamili kara culayska xilka iyo gujo gujeynta mucaaridka ama qanjiidhada saxaafada.
Waxa laga yaabaa madaxda qaarkood in ay saxaafadu kula dul kufto eedaymo aan jirin (unjust criticism) ama ay la kulmaan dacaayado suuqa ama mafrashyada lagu sameeyey oo been abuur ah sidaa oo ay tahay qofka masuulka ah waxa looga baahan yahay dul qaad iyo in uu fahmo in xilka iyo kursiga la xagxagto, somaaliduna horeba waxay u tidhi nin xil qaaday eed qaad.
Madaxweynihii 33-aad ee maraykan ee Mr. Harry Truman mar uu ogaaday in rag ka tirsan golahiisa wasiiradu u caban yihiin in wax laga sheego, markii uu arkay in shaqalaha sarsare ee aqalka cad qaarkood in ay sas iyo madax xanuun ka qaadeen mawjado dhaliilo ah oo kaga imanayey saxaafada awooda badan ee maraykanka wuxuu yidhi: If you cant stand the heat, get out of the kitchen macnuhu wuxuu yahay haddii aanay naftaadu u adkaysan Karin kulayka iyo uumiga madbakha in aad ka baxdaa ka roon.
Ujeedaduna waxay tahay culayska masuuliyada haddii aanad u adkaysan Karin banaankaa laga maraa.
Fanaan ka way nee reer Masar Cabdixaliim Xaafid wuxuu si sarbeeb ah heestiisa caanka ah ku yidhi : haddii aan ogahay baddu in ay sidan u dheer tahay kuma aan dabaasheen.
Labadan tusaale waxay fariin iyo cashar kooban u noqon karaan siyaasiinta S/land gaar ahaan masuuliyiinta qaranka .
Cabdiraxman cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
Hargaisa-Somaliland.