markay fagaarayaasha caalamka joogaan inay dimuqraadiyaddu biyo-dhigtay, waxay jebisay faankii u yaalay dunida.
Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo oo hiilinta ugu weyn ka heshay saxaafadda, ayaa noqotay dawladdii intay Somaliland jirtay ugu xidhigga iyo tacadiyada badnayd dhinaca saxaafadda, waxaanay xidhay ugu yaraan dhawr iyo kontan wariye.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo awooddeeda ugu badan saarta siday cududeeda u tusi lahayd shacabka iyo saxaafadda, ayaan haba yaraatee awood badan ku lahayd marka la joogo fagaarayaasha cadawga.
Xukuumadda uu soo dhisay KULMIYE ayaa awooddeeda dhuula tus ee xagga saxaafadda iyo shacabka kaga bilawday xidhis, garaacis iyo cagtay mariso shacabka danyarta ah iyagoon wax qorshe ah loo samayn,looguna marmarsoonaayo in hantidoodu soo gashay dhul dan guud oo u baahnayd in qorshe loo sameeyo si aan xuquuqda muwaadiniinta loogu tacadiyin, dhib iyo fawdana u dhalan sida dhacday.
Inagoon xadhigga iyo tacadiyada saxaafadda lagula kaco gudaha u sii galay, waxaan u soo noqonayaa tafaftiraha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad oo maalintii lixaad sharci-darro ugu xidhan jeelka dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo sida ururka suxufiyiinta SOLJA xaqiijiyeen inuu u xidhan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale Duur.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinta damaanad qaadaya ayaa xaqiijinaaya in qofka uu xaq u leeyahay in maxkamad la horkeeno muddo 48 saacadood ah, xaqna uu u leeyahay inay booqdaan qareenadiisa, eheladiisa iyo cid kasta oo uu codsadaba, sidoo kalena waxa uu dastuurka ka hor imanayaa in la cabudhiyo xorriyatul-qawlka.
Weriye Curad iyo Khadar Maxamed Xuseen, ayaa xabsiga la dhigay 15 May, kadib markay sawirro ka qaadeen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha gudaha oo ku sugan goobtay ka dhacday shaqaaqadii lagu weeraray ciidammada qaranka.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qaybtiisa 3aad oo ka waranta xuquuqaha aasaasgia
ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan qodobka 27aad farqadiisa 1 iyo 2aad oo tilmaamaya
1.Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay inuu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
Sidoo kale isla qaybtaas qodobka 32aad ee ka hadla xorriyadda bannaan-baxa, Ra’yi-dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kale, gaar ahaan farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa; “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”
Xeerka saxaafadda Somaliland oo in badan xukuumadda iyo barlamaankuma isu abaabuleen siday meesha uga saari lahaayeen, una samaysan lahaayeen miday ku cabudhiyaan, waxa uu jidaynayaa qodobkiisa 3aad madax-bannaanida saxaafadda in dastuurku aqoonsaday, cabudhinteeduna aanay bannaanayn.
Isla xeerkaas oo la yidhaa xeer lrm, qodobkiisa 8aad oo ka hadla awoodda helitaanka iyo fidinta wararka, farqadiisa 1aad waxa uu sheegayaa inaan suxufiga loo xidhi karin hawlgal saxaafadeed, iyadoon xalaalayn maxkamad awood u leh. Markaa Wasiir Duur iyo Xirsi ma iyaga maxkamaddii awoodda u lahayd noqday oo xidhaya, kana aargudanaya wariyayaasha hawlmaalmeedkooda ku jira?
Dhammaan xeerarka dalka u yaala, iyagoo sidaa tilmaamaya, ayaa wariyayaashan waxa lagula kacay cabudhin iyo xaq-darro, markaa su’aasha aan ku soo gebagebaynayaa waxay tayahay Wasiirro sharci jebin, dastuur baal marid iyo awoodda afraad ee dawladeed tunka kaga fadhiya maxa u xeer ah?