Addis -Ababa(ANN)Dr. Moha Farah Jire oo ah Wariye Reer Somaliland ah,  isla markaana muddo sadex sano ah ahayd Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Qaarada Afrika (JAR) ayaa la gudoonsiiyey shahaado doctorate ah oo ay u garteen  garteen dawladda iyo jaamacadaha

 

dalka Mauritius.
midowga Africa ayaa  soo Qabanqaabiyey kadib markii loo sameeyay xaflad ay xilka ku wareejinaysay Guddoomiyaha cusub ee Ururkaasi oo sanadkan loo doortay Mr, Francaise John oo kasoo jeeda Galbeedka Africa .
Waxaanay Moha Faarax Jirre Qudbad ay ka jeedisay wareejinta Xilkaasi iyo Guddoomida Shaahadadaasi ku bilowday “Waxay ii tahay karamu,sharaf iyo maamuusid xad dhaaf ah oo ay igu maamuseen qayb weyn oo noloshayda ka mid ah inaan manta halkakan idinkula wada kulmo, anigoo ogsoon in Aqoon waayo aragnimo iyo khibradba la iga badsado ayaa hadana waxa mudo 3 sanadood kahor ah halkan aan ku gudoomey Xilka gudoominta walalahayga sharafta mudan ee aanu isku jilibka nahay dhinaca mihnadan warbaahinta, waxay ahayd rutnii howl culeyskeeda leh, Allah se waa igu guuleyey oo waxay noo ahayd howl laga midaysanyahay waxtarkeeda ,iyo dhibkeedaba, waxanan uga mahadcelinayaa dalka Xarunta guud aanu ku lahayn ee sida qiimaha leh noo socod baray,barbaariyay nagana yeelay in manta ay JAR cagaheeda ku istaagto, inkastoo weli waxbadani dhiman yahiin.
Waxan Dowlada Ethiopia si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa anigoo ku hadlaya idil ahaan warbaahinta Qaarada sida ay u dhiiri galisey warbaahintii Africa ugana yeeshey mid kalsooni, karti iyo waxqabad ku talabsata Qaarada gudaheeda. waxanan marlabaad ugu hanbalyaynayaa Ra’isal Wasare Ato. Meles Zenawi oo aanu u aragney inuu Qaarada aad isaga xil saarey guud ahaan, Magaca Itoobiya, Geeska Africa iyo welibana sumcad uga yagleelay guud ahaan caalamka, Halkani(Ethiopia waa halkii uu ku dhashey ururkii Midowga Africa 1964kii, waxaana marag madoon ah in hogaamiyayaal badani wax kusoo barteen ama kusoo jabhadeeyeen cariga Ethiopia oo mantana ah hogamiyayaasha Qaaradan, markaa taariikhda qawiga ah ee Dalkan ayuu kor u qaadey anagana ka warbaahin ahaan xukumadu waxay haben iyo malinba noo garab istaagtey si hagar la’ aan ah. Waxan filayaa halyeyadii xoriyada ee Qaarada oon ka xusi karo Kwame Nakruma oo wakhtigaa u halgamayay sidii ay Africa uga madaxbanaanaan lahayd Gumaystaha sidisii ayuu manta Hogaanka Ethiopia ugu halgamaa sidii qaaradu ay uga madaxbananaan lahayd Faqriga, Dib usocodka iyo Macaluusha ay degaaladu sababaan oo warbaahintuna ay qayb ku leedaahay oo siday dhismaha ugu leedahay ayay burburkana waliba kaalin weyn ugu leedahay, Moha Farah Jire waxay u Mahad celisey wasiirka warfafinta Mr. Bereket Simon oy xustey inuu si furfurnaani ku dheehantahay ugala howl galay ,heelanaana hadh iyo habeen howlahii warbaahineed ee ay JAR waday 3 dii sano e u danbeyey

Waxan jeclahay anigoo ku faraxsan Shahadadani la I siiyey inaan ku gudoomo magaca warbaahineed ee saxafada Qaarada oon aanan la’ aantood kaligay meel na gaadhen, waxan u mahad celinaya Xukumada Koonfurta Sudan oo si adag noo garab istaagtey xiliyo ay nagu cakirnaayeen duruufahu, waxanan jeclahay in minhadan Qurxoon ee warbaahintu ay sii kobacdo anigoo goor walba garab iyo gaashaan la ag istaagi doona howlahooda siday u hirgalin lahaayeen
Mudane Madaxweyne, Mr. Jery Rawlings Gudoomiyaha Parliamentka Africa Mr. Mousa Idris, wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya, Ato Bereket Simon, Diplomasiyinta iyo masuuliyinta Warbahinta ee midowga Africa iyo guud ahaan Qaarada idil ahan waan idin mahad naqayaa waanan idin duceynayaa in Allah idinku asturo dhamaan xilalka xasaasiga ah eed Qaarada u haysaan ,Shirwaynahan Midowga Africana Waxan ku hanweynahay inuu noqon doono mid isbedaladii Qaaradu ay saamayn sax ah ku yeeshaan oo Africa lagu horumariyo” ayay kusoo gabo gabaysey Moha Farah Jire Khudbadeedii Xilwareejinta Jagada Gudoomiye nimo ee Saxafada Qaarada .  Dr. Moha Dahir faarax Jire ku wareejisay xilkii madaxtinimada ee ururka dib u noleeynta suxufiga Afrika ee Journalist for African Renaissance oo ay  madax  kasoo ahayd 3dii sanno ee la soo dhaafay,nin suxufi ah  oo lagu magcaabo Mr, Francaise John oo u dhashay dalka Galbeedka Africa Cameron.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *