Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka tacsiyeeyay shacbiga Somaliland geerida Marxuum Yaasiin Salaan Jirde oo ahaa Suxufi  ruug-cadaa ah iyo siyaasi si weyn looga yaqaanay geyiga Soomaalida iyo bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha dhexdeeda.
Marxuumka oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladii Somalia ayaa ku geeridyooday Dalka Britain.
Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u qoraan sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde  oo ku geeriyooday 15/04/2014, Dalka Ingiriiska, gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Qoyska Reer Xaaji Ismaaciil Jirde Aw Cali.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, iyo Erey bixinta Somaliga, oo uu ku soo kordhiyey kelmedo badan oo soomaali ah, waxa uu ahaa siyaasi iyo Suxufi ruug-cadaaya, Xilal badana ka soo qabtay Dawladihii Soomaalida.
Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *