abdi hussen maraykan flosySi aynu uga jawaabno su’aashaa kor ku xusan, waxaynu tusaale u soo qaadan karaa muddo kordhintii u danbaysay ee Golaha wakiilada, balse inta aynaan u gudbin halka boogtu taal, waxaa

 

muddan in la xusuusto in xildhibaanada golaha wakiilada lagu soo xulay cod dadwayne sanadkii 2005kii, shacabka reer Somalilandna ka wakiil noqdaan muddo sugan oo ah 5 sanadood, waxay balantu ahayd, inta aanay dhamaan shanta sanadood in xildhibaanadu dib ugu noqdaan dadkii soo doortay si loo qiimeeyo oo la kala hufo, isla markaana loo kala shaandheeyo, intii sifiican u gudatay hawsha loo abaal guddo oo dib loo doorto, Qanjidhka iyo Qashaabiirkana laga saaro oo halkoodana lagu beddelo muwaadiniin shaqada hanan kara.
Nasiib daro dawlada qaybta fulinta oo ahayd in ay xildhibaanada hor geyso dadwaynaha oo doorasho u qabato ayaan xilkoodii gudan. Golaha sharci dejinta oo loo igmaday in ay la xisaabtamaan xil gudasho la,aanta fulinta iyaguna indhaha ayay ka qarsadeen.  Waxaa laysdhaafsaday odhaahda ah “aan dhabanka kuu xoqee kayga xoq. Haddaan si kale u dhigo, waa waxaan dhimo dhaafoo ha i faragalin, idinkuna dhamaan “xilidhibaanada waqtigoodu dhamaaday” shaqada ku noqda si hawlyar idinkoon dadkii idin doortay hor tegin.
Dabcan xildhibaano waqtigoodu dhamaaday waxaa beddeli kara qaar lasoo doortay  mar haddii aanay jirin xildhibaano la soodoortay  si looga badbaado fakaak ( vacuum), abuurma waxay golaha guurtidu ku dhawaaqeen muddo kordhin golaha wakiiladda oo is huwan.  Waxaan qoraalkaygan ku soo oodayaaa, muddo kordhin waxa marwalba dhala oo aabe u ah xil gudasho la,aanta fulinta. Waxaa loo baahan yahay in xil gudasho la,aanta lagu maareeyo waxay mudantahay oo aan loogu abaal gudin muddo kordhin oo aan dib danbe loo adeegsan kuwii horena laga istaaqfuranlaysto
cabdimaraykan@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *