Kolba Xukuumadda Waqtigu Gabo Gabada Ka Yahay Ee Ka Baqaysa In Doorashada Lagaga Adkaado Ayaa Waxay Taliye Axmed Dacawo U Soo Magacawdaa

Mid Ka Mida Taliye Saldhigeedyada Gobolka Gabiley Si Uu Bulshada Uu Uga Aar Gudo Xukuumada Talada Haysa Marka ay kasoo horjeestaan Bulshadaasi Reer Gabiley.

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Hore Xilal Kala Duwan Uga Soo Qabtay Saldhigyada Gobolka Gabiley, isagoo Taliye Ku Xigeen Hore Uga Soo Noqday Saldhiga Dhexe Ee Degmada Gabiley , Waxa Kale Oo Uu Taliye Ka Noqday Saldhiga Degmada Wajaale Oo Markii Xukuumada Talada Haysaa Xilka La Wareegtayna Laga Tuuray .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Waxa Lagu Yaqaanaa Digtaatoore-Nimo Waxa Kale Oo Lagu Yaqaanaa Cabudhin Iyo Cago Juglayn Uu U Gaysto Bulshada Uu Taliyaha U Yahay .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Sababta Loo Soo Magacaabay Ee Kali Ahi Ay Tahay In Uu Bulshada Reer Gabiley Ku Khasbo In Ay Qasab Ugu Codeeyaan Xisbul Xaakimka Kulmiye , Cidii Ka Soo Hor Jeedsatana Uu Xabsiga U Taxaabo Walibana Uu Ugu Daro Jidh-Dil .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Waxaa Lagu Xasuustaa Wakhtigii Uu Ahaa Taliyaha Saldhiga Wajaale Oo Ku Beegnayd Ololihii Doorashada Madaxtooyada Somaliland 2010, In Uu Cabudhin Iyo Cago Juglay U Gaystay Mas’uuliyiintii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Uu Kow Ka Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Uu Ka Kala Jabiyay Camera Uu Ku Soo Duubtay Qashin Buux Dhaafiyay Toga Degmada Wajaale  Isla Markaana Uu Taliye Axmed Dacawo Ugu Cago Jugleeyay Gudoomiyaha Xisbiga In Hadii Uu Dacwad Kala Daba Yimaado Uu Xidhi Doono ( Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ) .

Waxa Kale Oo Taliye Axmed Dacawo Lagu Xasuustaa Cabudhinta Saxaafada Madaxa Banaan Oo Uu Wariyayaasha Qaarkood Xidhi Jiray Qaarna Qalabka Ay sitaan Ka Kala Jabin Jiray Si Aanay Ugu Soo Saqajaamin Magaalada Uu Taliyaha Ka Yahay Ee Wajaale Oo Uu Gabi Ahaanba Ka Mamnuucay Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Ta Maxalig Ah-ba  , Waxaana Kow Ka Ahaa Dhacdooyinkaasi Isku-Duwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Gabiley Ahna Wariyaha Telefishanka Qaranka Iyo Radio Hargaysa U Jooga Gobolka Gabiley  Nimcaan Dheeg Ibraahim Oo Uu Ka Kala Jabiyay Camera-d Uu Ku Duubayay Barnaamijyo Dawladeed Xadhigna Uu Kula Kacay Camera-Man-kiisii Cawil Cabdi Kaahin Iyo Rag Kale Oo Suxufiyiin Ah Halka Ay Dirqi Kaga Fakadeen Wariye Nimcaan Dheeg Ibraahin Iyo Tifaftirihii Hore Ee Wargayska Haatuf Maxamed Cismaan Dube Oo Dhinaca Xuduuda Itoobiya Uga Talaabay .

Isku Soo Wada Duuboo Taliye Axmed Dacawo Ayaa Ah Taliyaha Dumiya Rajadii Bulshada Gobolka Gabiley U Qabtay Xukuumada Hadba Talada Haysa Ka Dib Marka Loo Soo Magacaabo Isagoo Bulshooyinkaasi Ku Nacaan Digtaytar Nimo , Iyo Cabudhin Joogto Ah , Isagoo Kol-kolka Qaar Maagaalooyinka Ku Soo Roga Bandoo Ka Bilaabma Kolka Ay Cadceedu Dhacdo Kuna Dhamaada Kolka Ay Cadceedu Soo Baxdo .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Ku Sifooba Marka La Soo Magacaabo In Ay Isku Dhex Milmaam Mas’uuliyiinta Xisbul Xaakimka Hadba Talada Haya Isagoo Xabsiga U Taxaaba Qof Bilaa Danbiye Oo Kaliya Ka Soo Hor Jeestay Habdhaqanka Xisbiga Talada Haya .

Dhanka Kale Waxaan Ka Digayaa In Ay Gacan Saar Wada Yeeshaan Taliye Axmed Dacawo Iyo Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Oo Labadoodaba Xukuumada Dhexe Si Toos Ah U Adeegsato Kana Soo Wada Jeeda Isku Beel Kaliya Oo Ay Cida Ay Doonaan Xabsiga Dhigaan Cida Ay Doonaan Jidh-dilaaan Cida Ay Doonaana Sharaf Dilaan .

Gabagabo Iyo Gunaanad .

Gabagabadii Iyo Gunaanadka Waxaan Ku Soo Afmeerayaa baaq Aan U Dirayo Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Iyo  Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xasan Oo Aan Leeyahay Labadiinaa Mas’uul Waxaad Tihiin Laba Mas’uul Oo Aqoon Iyo Waayo Aragnimo Leh Ee Ha Ku Dul Ceeboobina Bulshada Reer Gabiley.

Reer Gabileyna Yaanay Idinku Dhufan Shaambad Madaw Ee Ka Digtoonaada Sharaf Dhaca Iyo Ceebta Uu Idiin Soo Jiidi Dono Taliyahaa Ay Xukuumada Dhexe Ramuudka Ku Hagayso Ee La Idin Dul Keenay Oo Aan Hubo HAdaad Ka Digtoonaan Waydaan In Uu Sharaftiina Iyo Karaamadiina Hoos U Dhigi Doono .

Baaqa Aan U Dirayo Xukuumada .

Dhanka Kale Waxa Aan Baaq U Dirayaa Xukuumada Dhexe Ee Somaliland Oo Aan Leeyahay Gabiley Ma Waxaad Kaga Aargoosanaysaan Taliye Axmed Dacawo Markii Ay Xisbiga Ucid Idinka Raacday Waxaanan Imika Idiin Sheegayaa In Aan Kolna Bulshada Reer Gabiley Laga Hor Joogsan Karin Cida Ay Doonayaan In Ay Taageeraan , Bulshada Reer Gabileyna Waa Mawjad Oo La Iskuma Soo Jeediyo Dhag Kaliya Ayay Wax Ka Wada Maqlaan , Go’aan Kaliyana Way Wada Qaatan ,  Cid Kaliyana Way U Wada Codeeyaan Waana Meesha Lagu Kala Baxo Tartanka Doorashada Ee Hoy Ka Feejignaada .

WABILAAHI TAWFIIQ .

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *