Hargeysa(Araweelo News Network)Xoghayaha Gobalka Maroodi-jeex Xamse Abu Ciise Cabdi oo ay weheliyaan Guddoomiyaha degmaada Daarasalaam, Isu-duwaha wasaarada Deegaanka ee gobalka Maroodi Jeex iyo

Taliyaha booliska ee degmada Daraasalaam, ayaa safar shaqo oo ku saabsan Ilaalinta deegaanka ku tagay deegaanadda  Illinta Bari, illinta Galbeed iyo Illinta dhexe hoos taga degmada Daarasalaam ee Gobalka Maroodi-Jeex.

Masuuliyiintan ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaanadan kulan balaadhan la qaatay odayaasha, waxgaradka iyo madaxda deegaanadda kaas oo lagaga hadlay sidii loo daryeeli lahaa illaalinta deegaanka oo ay xaaluf ba’an ku hayaan Iska -rogooyin deegaanadda ka qaada dhirta qoyan oo xaabo ahaan loo isticmaalo.
Xoghayaha Fulinta ee Gobalka Maroodi-jeex, Xamse Ciise Cabdi, ayaa warbaahinta u sheegay in dadka deegaanadaa degani ay muujiyeen dadaal weyn oo ay iskood si wadaninimo leh isugu soo xilqaameen sidii ay dadaalkooda isugu geyn lahaayeen illaalinta xaalufka ba’an ee lagu hayo deegaanka, gaar ahaan dhirta qoyan ee loo isticmaalayo dhuxusha, waxaanu Xoghayaha gobalku uu si weyn ugu ammaanay dadaalkooda, waxaanu u balan qaaday in masuuliyiinta gobalka Maroodi-jeex ay hiil iyo hooba la bar-bar taagan yihiin ollolaha ku dayashada mudan ee ay dadka deegaanadan degani ay isla garteen iyaga oo aan cidna waxba ka sugin in ay ku illaaliyaan deegaanka.

Xoghayhuhu, waxa kale oo soo dhaweeyay qorshe ganaax ah oo ay dadka deegaanadda degani ay isla qaateen in lagu fuliyo cid kasta oo ku kacda falal ka dhan ah xaalufka deegaanka lagu hayo iyo cid kasta oo ku gacan siisa fulinta danbiyada noocan oo kale ah.

Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex, waxa kale oo xusay in Haydh Tuuluha deegaanadda Illinta Dhexe Cabdi Qodax, uu sheegay in dadka deegaanadda ku nooli ay si wada-jir ah u meel mariyeen si looga gaashaanto aafadan deegaanka lagu xaalufinayo in cid kasta oo lagu qabto iyada oo dhirta qoyan goynaysa oo u isticmaalaysa xaabo ama dhuxul in la xidho Lix bilood oo xadhig ah iyo Seddex Milyan oo Shillin oo Somaliland ah oo ganaax lacageed ah, halka cid kasta oo lagu qabto in ay gacan siisayna ay dadka deegaanadaa ku nooli ay isla qaateen in la xidho Seddex bilood oo xadhig ah, iyo ganaax lacageed oo dhan Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Shilinka Somaliland ah xeerkaas oo dhaqan-galkiisu uu bilaabmay 11/3/2014-ka.
.
Dhinaca kale, Xoghayuhu waxa uu sheegay in deegaanka Illinta dhxe uu yahay dhul daaqsimeed aad u muhiim ah oo ay ku nastaan dadka reer miyiga ah ee ka yimaada jihada HAWD-ka, marka u sii dhaadhacayaan dhinaca xeebta, sidoo kalena ay ku sii nastaan dadka reer miyiga ah ee ka imanaya jihada xeebta ee ku socda jihada HAWD-ka, Sidaa daraadeedna waxa uu kula dar-daarmay baahida xoogga leh ee loo qabo sidii awooda la isugu geyn lahaa guud ahaan illaalinta deegaanka gaar ahaan Deegaanadda IIIimaha oo 80% noqday meelaha ay baabuurta iska-rogooyinka ahi ay ka jaraan dhirta qoyan ee loo isticmaalyo iyo weliba.deegaan dhawrista iyo baabinta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *