Qofka bini’aadamka ahi waxa uu baahiyo ama qalin ha ku gudbiyo ama hadal ha ku gudbiyee waxay naftiisa iyo dalkiisaba ku keentaa,
ama ay hurseedaa saameyn togan ama taban.
sidaa-daraadeed waxaynu milicsanaynaa weedho Madax-weynihii labaad ee Somaliland ee geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu kaga hadlay saameynta ay ku yeelatay xukumaddii uu hogaaminayey wakhtigaas eedaymaha kaga imanayey war-baahinta iyo siyaasiyiintii markaas ka soo horjeeday.
Weedhahaas oo ku jiray khudbad 12nd bishii Novenber Sannadkii 1997-kii uu kaga waramayo, xaaladda siyaasadeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo ka jeediyey Gurriga Mudanayaasha labada Golle (Guurtida iyo Wakiilada) taasoo ahayd xaf-ladii xidhitaanka kal-fadhigii labaad (2, aad) Golayaasha oo lagu qabtay xarunta maxkamada sarre (Ex-Goodirka)
Waxaanu ku bilaabay Madax-weyne Cigaal,”Sawirka maanta Somaliland laga haystaa waa laba, midi waa ka gudaha & midina waa ka Dibada.” Madaxweyne Cigaal gunaanadkii xog-warankiisa ka Gudaha ka bacdi, waxa uu ku dheeraaday sharaxaada mab’da shuuciga, kaasoo uu ku ladhay in hab-dhaqankiisii iyo caadeysigiisu ay raad ku yeesheen siyaasadda Somaliland.
Wuxuunu yidhi; “Nidaamka shuuciga la yidhaahdaa waxa u mab’da ah in meeshii xorriyadi taalo ay xorriyada isticmaalaan, si ay mansab ugu gaadhaan, oo wixii xor looga dhigaba ay u isticmaalaan sida khaladka ah. Lana dumiyo wixii dhisan, si wixii ay rabeen u dhismaan, xorriyadda shaqsigu leeyahayna loo isticmaalo, in nidaamka lagu dumiyo. Mabda’aa ninka aaminsan, waxa uu u isticmaalaa sidii uu u dumin lahaa, nidaamkii uu xoriyadda uu ku helay, Mab’da shuuciga la yidhaahdaa kaa weeye.”
Alle ha u naxariistee madax-weyne Cigaal isagoo mawduucaasi qaadaa dhigaya, waxa uu yidhi:- “maanta waxa aynu arkaynaa dad soomaali ah, oo waxay wadaan tahay wax dumin oo aanay dantoodii iyaga aanay ahayn, oo aanay mid dalkan qabata ahayn, oo aad leedahay haddii ay wax inaga qaloocdeen, Rayiga adna halkaa kaaga muuqda, annigana halkaa iiga muuqda, kaygii-baa loo yara batayee dee aan wado, adna igu caarid, oo waar ma hagaagsana, walee-kaasaan lagu meel gaadhin xaq-baad u leedahay, laakiin haddii kayga la diiday, waxba yey jirin, waar-dee ma gasho dadka.”
“Waxaasi waxa weeye wax innagaga soo duxaya dalkii, waana dhadhasanaysaan wax-qoran hadday tahay iyo wax-af laga yidhi hadday tahayba, waxa jira wax yaab badan oo garashadeeda, lagu buuxinayo, oo ay xariifyo ku yihiin. Qabaa’ilkeenii wada dhaqanaan jiray, waxay ku wada dhaqanaan jireen, isu burin, cun iyo cun, waxaad moodaa inta tii laga bay-dhay in ay innagu soo biirayaan, lavov iyo Lamumba oo ay moodayaan in ay siyaasadu sidaa tahay, oo haddii arrinkaaga meel marsan, waa inaad maroojisataa ah, maaha mab’da, maaha mab’da dhaqan soomaaliyeed, maaha mid caalamku ku wada dhaqan yahay.”
Madaxweyne Cigaal waxa kale oo uu khudbadaa kaga hadlay, arrin ku saabsan, sida indhaha caalamku u arkaan xiligan Somaliland, isagoo mudanayaasha u muujinaya day’mo siyaasadeed oo somaliland kaga timid dhinac kasta, Waxaanu yidhi; “Mid-weeyee, wax innaga baxay, innaga oo mab’da aan ka soo sheekeeyey iyagoo u jeedin, ka baxay oo wax xumee wax ka weyni meeshii joogay, doqoni marka la kaftamayo, in lagu kala-tagay moodaaye, kala tag gaadhsiiyey.”
“Sawirka la siinayaa dibadiina uu yahay, sida ay leeyihiin ee la xayeysiinayo meeshii (Somaliland) in ay jiraan wax caaqiladii dagaalka la mid ah, oo Digtaatooriyad ah, dowladda iyo dadkana afku duuban yahay oo gacanta la haysto, oo meel loo jiidanayo, wax aanay doonayna la’la hortaagan yahay. Taasi innaga ayey innaga baxday, halkan bay ka tagatay, ninkii tagey ee sheekeeyey ee caalamka tagayey oo la akhristo, oo qiimo aynaan lahayn, halkan innaynu innagu, weynu is wada og’nahay oo waxaa ninkii qoray hebel iyo hebel baynu u garanaynaa oo halkan bay iiga muuqdaan qaarkood, wuxuu qorayna isaga ayeynu ku miisaamaynaa.”
“Laakiin, marka Maraykan la geeyo lama yaqaano, jariiradii dalka ugu weynayd, ee Eithopia la geeyo, ee dibada lageeyo lama yaqaano, innanka inagu naqaano ee jarriirada dalka ugu weyneyd, ayaa waxaa tidhi, ayaa la leeyahay, ninkii madaxda ahaa baa yidhi, ayaa la leeyahay, iyaguna maxay caalamka geenayaan.
Madax-weynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata mar kale waxa uu yidhi: – Baarlamaaku markuu ansixiyey miisaaniyadii, Balaqoo-balaqoo baa la yidhi, cad baa loo tuuray.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ciigaal.
Waxaanu intaa raaciyey; “Halkan, waxa loo duulay intii aynu dal-dalooladeena qarsan lahayn ama haddeynu sheegayno inteeda ku sheegi lahayn, ayaa wax khatar loo qaato, loo sheegayaa markaa lagala soo dhex-baxo sawirka Somaliland laga qaadanayaa maxay tahay? Iska daa kii ajanabiga ahaayoo Somaligii Finland joogay, Holland, Canada, England & Mareykanka joogay telle-phone kooda ayaan khaatiyaan ka joogaa. Sawirka Ihdisaa’iga ah ee Axmed Siilaanyo markuu Mareykan tagay la kulmay ee raggii Carabta tegay la kulmeen, waa kaa lagala soo baxayo, ninka safarka tagaa waxa uu yidhi, Jaraa’idkaa la turjumaa wixii ka soo baxa.”
Mar kale Isagoo hadalkii sii wata waxa uu yidhi:- “In dublamaasiyadda caalamku tahay mid runta ku dhaqanta oo hadalka aan la qaawin, oo xarakada laga dhaafo (Don’t put the dots on the fingers) Taqaaliida caalamku, wallow aanay taayadii ahayn, waan la soconaa laakiin waxaan leeyahay, labada xaraf dhexdooda wax-baan ka urinayaa.”
In kastoo weedhahan madax-weyne Cigaal dadka qaarkood iyo siyaasiyiintii ka soo horjeeday ula muuqday Madax-weyne hogaamintiisa difaacaya haddana waxaynu odhan karnaa dhaliilaha, Eedaymaha, iyo wax-yaabaha sida khaldan loo dhigaa waa kuwo dal ahaa iyo dad ahaan inagu yeelan kara saameyn wanaagsaneyn.
Sidaa-daraadeed, waxaan u soo jeedin lahaa siyaasiyiinta iyo war-baahinta lafteedaba in laga dheeraado isla markaana laga dheeraado, wax kasta oo dhib inagu keeni kara qaran ahaan, wax kastoo aynu u aragno khalad ama dhaliil dowladu leedahay aynu sida ugu haboon u saxno ama u toosino.
Qalinka Maxamed Faarax Axmed
Madaxa Caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex.