Marxuumka oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladii Somalia ayaa ku geeridyooday Dalka Britain.
Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u qoraan sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ku geeriyooday 15/04/2014, Dalka Ingiriiska, gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Qoyska Reer Xaaji Ismaaciil Jirde Aw Cali.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, iyo Erey bixinta Somaliga, oo uu ku soo kordhiyey kelmedo badan oo soomaali ah, waxa uu ahaa siyaasi iyo Suxufi ruug-cadaaya, Xilal badana ka soo qabtay Dawladihii Soomaalida.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”