Waxaa soo if-baxaya fool-xummo siyaasadeed iyo mid shakhsiyadeed oo dul hoganaysa Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhamaan meelihii uu ka soo shaqeeyey

 

looga soo eryey musuqmasaq badan iyo wax is weydaarin.
Wakhtigii uu ka shaqayn jirey Baanka Afrika ee uu mamuli jirey xafiiska shaqaaleynta (Human resource) ayey baanku ka eryeen markii lagu arkay waxyaabo badan oo is dhaafdhaafin oo ku saabsan dad ay isku ehel yihiin  oo uu shahaadooyin been ah u meel mariyey. Markii lagu qasbay inuu shaqada ka tago ayuu cararkii ku noqday jaamacad oo uu u doontey Manchester, kadibna wax uu shaqo ka helay Jamciyadda quruumaha. Markii la keenay xarunta Darfur ee Sudan Wasiir Biixi muu bedelin dhaqankii musuqmaasuq, isagoo halkiisii ka waday shaqo gelinta dadka ay isku jilibka yihiin.

Waxa ay gaadhay heer inuu isagu u tilmaamo meelaha laga soo qaato shahdooyinka beenta ah ee ay ka mid yihiin Hindia iyo bariga Yurub.
Qof aan ahayn bahdiisa mooye wuu ka dhaariyey dadka kale ee reer Somaliland inay ka shaqeeyaan.

Dhalinyaro badan oo shahaadooyin waangsan haysta oo aan la wadaagin haybta ayuu qashinka ku riday dalabkoodii. Dadkaa shaqooyinka loo diidey oo ay ka mid ahaayeen dad reer Somaliland iyo dad ajaanib ah ayaa u ashkatooday qaybta jamciyada Quruumaha ee la yidhaahdo (UN Department of Field Support).
Gabadh reer Bagistaana oo la yidhaahdo Amiirah Xaq  oo ku waanisey dadkii cabanaayey inay la xidheedhaan qaybta loo yaqaan (Internal Audit Division), ayaa u yeedhay Maxamed Yoonis  ogeysiiyeyna inaanay raali ka noqonaynin qaaraba kiilka uu ka wado (UNAMID),  badditaan dheerna loo diri doono.
Iloo u dhuun daloola waxay shegeen intaanu shaqadi siideyn inuu tegay Xamar oo la fadhiistay madaxweynaa Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weydiistay wasiir khaaraji, balse  Madaxweynaha Somalia wuu  kaa diiday, waxaanu ku yidhi hada booskaasi ma bannana.
Markii uu arkay inay ku xuntahay arimhu ayuu Jilibkiisa  iyo Waiirro ay xukuumadda isku dhowyihiin la soo hadlay oo u sheegay inuu diyaar u yahay jagada khaarajiga . Maxamed ma sugin badhitaankii ee baqdin u ka qabo qaddiyadan wuxu miciin biday inuu shaqadii iska casilo oo uu qaatay wasiirka khaarjiga Somaliland.
Somaalidu waxay ku mahmaahdaa “ Nina caadii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo”. Maxamed halkii ayuu ka sii waday muqumaasuqa markii loo dhiibay khaarjiga. Halkii looga baahnaa inuu isku  taxaluujiyo arimha ictraafka iyo siyaasadda debeda ee Somalilnd, wuxu markiiba u baydhay arimahiisa u gaarka ah. Waxa uu bilaabay inuu wixii mansabbo sare oo dhan inuu ka buuxiyo jilibkiisa oo keliya dadka kalena u doono docfadhiisi iyo xoghayn inuu la doondoono.
Hada waxa uu wada isku shaandhayn safiirrada debedaha u metela Somaliland. Waxaanu rabaa in meelaha ugu muhiimsan inuu ka buuxiyo docdooda.

Nin ay aad isu xigaan oo la yidhaahdo Cabdulxakiim Xaaji Siciid “Sanyare” oo ku magaacaban la taliyahiisa kowaad ayuu beryahnba u goobayey safiirka Itoopia. Isagoo ninkan inaadeerkii la raba Itoobia oo ay gabdhiisu ka shaqayso halkaa si uu xaaskiisa ula joogo lacagna ugu qaato ayuu wasiirku ugu dagaalamayaa. Iyada oo uu inaga joogo safiir dalka Ethiopia ahna  nin u qalma mansabkiisa. Haseyeeshee Maxamed Biixii wuxu dagaal adag u galay inuu ka wareejiyo safiirka itoobia oo uu inaadeerkii geliyo, nasiib wanaag Madaxtooyadu ganafka ayey arinkaa ku dhufatay,  waanay la yaabtay.
Hadda waxa uu u raadinayaa inuu ka dhigo Safiirka inoo fadhiya Turkiga. Ninkan inaderkii oo muddo is daba socdeen oo uu ka soo kaxeeyey Sudaan oo uu shaqadaas ku siiyay wakhigii uu joogay UNAMID.
Waxa nasiib daro ah in Wasiirka Khaarjiga Soomaliland shaqadii qaranka uu ka door biday docodocayn qaraabo kiil aan xad lahayn wasaaradiisa iyo meeshii uu gacan la gaadhi karo.
Waxa laga war qabaa in docdiisa ku jirta dawalada in uu hadh iyo habeen ku gubaabinayo inay dareen badan u yeeshaan danaha Nuux Ismaaciil.

Jaamac Faduul Axmed
Tell:063-456213

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *