Qoray: Cabdirisaaq Caqli
cabdicaqli@hotmail.com
Qormada 1aad: Araar.
Waxaa dhowaan la filayaa in dadweynaha Somaliland u kala codeeyaan murashaxiinta sadexda Xisbi Qaran, si loo doorto Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa, ee ka talin doona dalka shanta sanadood ee soo socda. Go’aan qaadashada dadka codeynayaana waa mid saamayn ku yeelan doonta nolosha dadweynaha Somaliland shantaasi sanadood ee fooda innagu soo haya. Hadaba si qofka codaynayaa u gaadho go’aan qumman oo toosan, waxaa lagama maarmaan ah in hawlaha wax qabad ee xukuumada talada haysay sideedii sanadood ee ugu danbaysay, la garab dhigo barnaamijyada ay xisbiyada la loolamayaa soo bandhigeen. Tiiyoo aanay hore u muuqan barnaamijyo cad, lana taaban karo, oo xisbiyada mucaaridku soo bandhigeen, ayey dad badani ka shaki qabeen halka ay codkooda marin doonaan. Waxayna dadkaasi qaar ka mid ahi ku tilmaami jireen Xisbiyada mucaaridka ah quraarad madow oo aan la garanayn waxay la iman doonaan hadii ay codkooda siiyaan.
Hase ahaatee bandhigii Barnaamijka Xisbiga Kulmiye ayaa aragtidaasi isbedel xoogan ku sameeyey, tiiyoo haatan xisbiga Kulmiye yahay mid himiladiisa hawl-qabad si cadaan ah u muuqato, tiiyoo uu banka soo dhigay waxa uu xisbigu damacsanyahay hadii la doorto. Waxaana barnaamijkiisa ka dhex muuqda ballanqaadyada hawl-qabad ee xisbiga Kulmiye ku hanan karo codadka dadka jecel in hawlahaasi hirgalaan. Arintani oo lagu tilmaami karo Axdi u kala qoran codbixiyaha iyo Madaxweynaha la dooranayo. Taasoo ah, hadii Axmed Siilaanyo ku guulaysto doorashada madaxtooyada, ay dadweynihii u codeeyey qoraal ahaan u haystaan hawlihii hirgelintooda uu ballan qaaday ee ay kula xisaabtami lahaayeen.
Barnaamijka Xisbiga Kulmiye qoraal ahaan u soo bandhigay kuna qeexan buug 54 bog ka kooban, waa barnaamij qofka si qotodheer u dhuuxa ugu muuqanaya mid la taaban karo, macquul ah oo la fulin karo. Islamarahaantaasina la qiyaasi karo wixii ballanqaadyadaasi laga fuliyey iyo wixii aan laga fulin. Hase ahaatee waxay dad badani isweydiinayaan inay Xisbiga Kulmiye ka go’an tahay hirgelinta ballanqaadyada barnaamijka ku qeexan iyo inkale. Shakigaasina waa mid ka abuurmay ballanqaadyo waxba kama jiraan noqday oo ay siyaasiyiinta reer Somaliland hore u soo caadaysteen. Hase ahaatee wuxuu barnaamijkani kaga duwanyahay ballanqaadyadaasi hore u beenoobay tiiyoo uu yahay mid qoraal ahaan u qeexan, islamarahaantaasina u muuqda mid macquul ah, la taaban karo, lana fulin karo.
Waxayse dad badani u dheg taagi doonaan, doorashada ka hor, sida ay hadalada masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Kulmiye u waafaqaan ama u khilaafaan ballanqaadyada si cadaan ah ugu qeexan barnaamijka uu xisbigu soo bandhigay. Waana mid suurtogal ah, in masuuliyiinta xisbiga qaarkood, sidii horeba loo arkay, inay isku qaldaan aragtidooda gaarka u ah iyo tusaalooyinka barnaamijka Xisbiga. Taasoo badanaa ka dhalata fududaysiga iyo u fiirsasho la’aanta barnaamijka Xisbiga u degsan.
Araartaasi kooban ka dib, bal aan sii iftiimiyo nuxurka qoraalkan taxanaha ahi xanbaarsanyahay. 22kii bishii April ee sannadkan 2010 ayuu Xisbiga Kulmiye soo bandhigay barnaamijkiisa Doorashada Madaxtooyada. Wuxuuna barnaamijkaasi qeexayaa qaabka uu dalka u maamuli doono hadii Xisbiga kulmiye ku guuleysto doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa. Barnaamijku waa mid si cadaan uga hadlaya qorshaha hawl-qabad ee xisbigu damacsanyahay tiyoo uu taabanayo dhinacyada kala duwan ee siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha. Waxaana barnaamijkaasi hawl-qabad ka dhex muuqda sida Xisbiga Kulmiye diirada u saaray galdaloolooyinkii iyo hawlihii ka baaqday inay hirgeliso Xukuumadii Udub ee dalka ka talinaysay sideedii sanadood ee ugu danbaysay. Taasoo uu banka soo dhigay qorshihiisa hawl-qabad ee galdaloolooyinkaasi iyo arimahaasi xukuumada ka baaqday uu ku buuxinayo.
Qoraalkani taxanaha ahi wuxuu si dheeli tiran, raadraacna ku salaysan, isku garab dhigayaa hawlqabadkii Xukuumada ee sideedii sanadood ee ugu danbeeyey iyo barnaamijkan hawl-qabad ee uu Xisbiga Kulmiye damacsanyahay, tiiyoo qormo walba arrin keliya, gaar ahaan loo lafa guri doono, hadii ay tahay difaaca, waxbarashada, nabadgelyada, garsoorka, caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada, siyaasada dibeda, nabadgelyada iwm.
La soco……. Qormada 2aad.