ku colaadiyay gooni isku taaga Jamhuuriyada Somaliland, sidaas oo kale sucuudigu wuxuu ka mid ahaa dawladahii indhaha ka qarsaday ama ku daawanayay ama la odhan karo ku taageeray rajiimkii Siyaad Barre xasuuqii iyo tacadiyadii shacabka Somaliland loo gaystay Sanadihii Sideetanaadkii iyo Sagaashanaadkii.
Sucuudigu gacan binu’aadanimo ama Muslinimo midna uma ay fidin shacabka Somaliland markii si ula kac ah looga baro kiciyay Magaalooyinkii iyo Deegaanadii ay ku noolaayeen iyaga oo qaxoonti ku ah xeryo looga yagleelay barriga itoobiya .
Dhinaca kale sucuudigu mudo dheer wuxuu hortaagnaa in shidaal laga sahamiyo ama laga soo saaro Somaliland,arrintan laguma sheegi karo cadaawad balse waxay u arkaan in aanay sucuudiga dan u ahayn hadii shidaal badan laga helo Somaliland.
Madaxweynihii hore marxuum maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inkasta oo uu ogaa mawqifka sucuudiga hadana waxa uu goostay inuu ku quusto iyo inuu xoog u garaaco Albaabka Sucuudiga ee xidhan, wuxuu u diray wafti culus oo ka kooban wasiirkiisii beeraha marxuum Yaxye Xaaji Ibraahim,Wasiirkii Ganacsiga Mudane Rashiid Xaaji Cabdilaahi iyo Marxuum Muuse Bashiir oo ahaa la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta.
Nuxurka fariinta Madaxweynaha ee waftigu qaaday waxay ahayd: “Taageero Siyaasadeed idiin kama fadhino umana socono, waxaanu walalahayga muslinka ah ula soconaa in naga caawisaan dib u dhiska dalkayga burburay , soo celinta iyo dejinta Dadkayga xeryaha qaxoontiga wali ku sii nagi oo dawlado kale oo Madaxbanaanidayda ka soo horjeedaaba ka qayb qataan madaama ay yihiin arrimo samafal”.
Jawaabta Madaxdada Sucuudigu waxay ahayd mid kooban oo qayaxan waxay ku yidhaahdeen “ waxaanu idin caawin karnaa oo keliya haddii ka noqotaan gooni u goosadka”.
Mawqifka adag ee waftigu kala soo kulmay sucuudi Arabiya wuxuu u quus gooyay Maamuladii iyo madaxdii ka danbeeyay Madaxweyne cigaal.
Si kastaba aha ahaatee waxa maalmahan isa soo taraya tibaaxo iyo xogo hoose oo sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyada somliland md, Axmed Maxamed Maxamuud uu Casuumad ka helay Boqortooyada Sucuudi Arabiya.
Haddii warkani noqdo mid xaqiiqo ah iyo wax jira waxa lays waydiinayaa Su’aal ah maxaa dawlada sucuudiga ku kalifay inuuu mawqifkiisii hore bedelo?
Waxa lala yaabo ma aha in labada dawaladood hada xidhiidh dublamaasiyadeed wada yeeshaan laakiin maxaa wakhtigan loogu soo beegay oo muran iyo khilaaf ka taagan yahay Isticmaalka biyaha wabiga Nile-ka oo u dhexeeya Masar iyo dalalka Carabta oo dhinac ah iyo Itoobiya iyo Dalalka bariga Africa oo dhinaca kale ah.
Dad badan oo la socda siyaasada mandaqadu waxay aaminsan yihiin in u jeedada Madaxweynaha loo casuumay ama loogu yeedhay wakhtigan tahay in Somaliland lagu qanciyo inay ku soo biirto xulafada ka dhanka ah Itoobiya ama ugu yaraan hoos loo dhigo iskaashiga xaga aminiga iyo xidhiidhka sokeeye ee ka dhexeeya labada dal ( Somaliland iyo Itoobiya) sidaa daraadeed Madaxweyne martiqaadka sucuudigu kuma haboona wakhtigan, Mudane Madaxweyne adigoo tixgelinaya rayul caamka dadkaaga iyo danaha dalkaaga iyo adiga oo dhawaraya xaalada kacsan ee gobolka iyo dareenka saaxiibada Somaliland oo isha ku haya dhaqdhaqaaqyada Diblomasiyadeed ee la bilaabmay xiisada biyaha Nile-ka, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad wakhti kale dib ugu dhigato casuumada iyo inaad hubisid ama faahfaahin laga helo ujeedada ka danbaysa martiqaadka.
Waxaan kaaga digayaa in culays lagugu saaro inaad tagto iyo inaad aqbasho talada rag danaha iyo sharafta dalka ka doorbidaya sooryada amiiradu u laaban ama u fidiyaan madaxda dawladaha saboolka ah.
Cabdiraxmaan Caddami
abdirahmanadami@yahoo.com