– “Xaajadii aan waynaynba waan, xarakadaynaaye.
– Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye.
– Xidaarnimo (tacliini) maxay tari hadaan, la is xilqaamaynin?” Dhoodaan, 1975.
– “Muquunada Illaahay baxsho ee, ina mihiibsiiyo.
– Mulki aadmi garashaa u roon, wadata meecaade.
– Madhalays hadduu yahay caqligu, muujin waa sharafe.” Dhoodaan, 1987.
Maanso-yahan, Oday dhaqameed, Siyaasi, Taariikhyahan, Xidigiye, qaamuus luqadeed, maktabad iyo, waliba, geesi hal adag buu ahaa. Intaas iyo in kale oo ka sii badan buu ahaa. Faynuus bidhaamaayay buu ahaa. Nin kaliya ma ahayn ee nimanyaabo ayuu ahaa. Aleylehe, hadalku waa run kama raystee, Nin la jiray iyo nin ka jirayba, maanta ayay meeli ku banaanaatay. Booskii uu ka baxay, malahayga, cidi ma buuxin doonto. Ninka aan ka hadlayaa waa C/laahi Macalin Axmed, oo xoog loogu yaqaanay Dhoodaan. Soomaalida inta aan la kulmay, iyo inta dhegtaydu gaadhayba, Kaligiis uun baa naanaystaas lahaa.
Wuxu ku dhashay, kuna dhintay, deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Muddo haatan laga joogo 72 sano, nolol ka bilaabatay miyiga Degmada Wardheer, ayaa maantii Jimcaha ee bishan April 26 ahayd, 2013, ku idlaatay cisbitaal ku yaala magaalada Taariikhiga ah ee Harar. Geeri kaliya ma aha ee waa geeriyo badan oo kulmay. Maktabad dhan, oo kuwa aan qiimo loo yeeli karin ka mid ah baa gubatay. Waan hubaa in aan la cayminin wax sidaas u sii buuran oo aqoontii dhex taalay ka mid ah, sidaas darteed, waa geeriyo isu tagay. Waa gar inaynu baroor-diiqno. Intii uu noolaa inaynu qiimaynta iyo qiiradaba badino ayay ahayd, laakiin dhaqankeena ayaa sida ah. “Ha laguu baroortee, horta dhimo af maaha!” Waakii Rabi ha u naxariistee Gaariye sidaas lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Qoraalkan oo tacsi iyo, taariikh sheegid ba iga ah, waxan ku eegi dhawr amuurood. Abwaanka suugaantiisu waxa ay goonida ugu tilmaanayd ee qiimaha gaarka ah u yeelay, Soomaalida wixii uu ku yidhi, ama ka yidhi, is bedelkii ku yimid fikirkiisa siyaasiga ah kadib dagaalkii 1977 oo meelaha qaarkood lagu dhaliilo, iyo go’aankii geesinimada lahaa ee uu kaga hor yimid maanso yahanadii soo dhisay fikraddii Ergo-Daarood horaantii 1980gii ayaan ino koob-kooban ka odhan. Inta aanan faalada u galin, aan ka horaysiiyo laba erey, oo midkood afeef yahay, midka kalena, codsi culus yahay. Waatii la yidhi, “Ereygaaga hortiis, afeef baa la dhigtaa, aqalkaaga hortiisna, ood baa la dhigtaaye, ha la ogaado inaan Dhoodaan wax ka sheegiisa hal qoraal iyo hal buug toona lagu koobi Karin. Codsiguna wuxu yahay, mid horaantaba ku wajahan maamulka Soomaalida ee Jigjiga fadhiya, iyo guud ahanba maamuladda Soomaalida ee kale. Waxan ku talin lahaa, in la dhiso machad Abwaankaas loogu magac daro, oo afka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida lagu darso. Tani waxay dan u tahay Soomaalidu meel ay joogtoba, Abwaankaas na waxay u noqon qiraal yar, oo la qiraayo, inuu wax inooga tagay. Ha samaato oo ha la helo ii dhaha fadlan!
Ilaahay ha u naxariistee Abwaan Dhoodaan, oo mararka qaarkoodna, kartidiisa balaadhan ee curinta awgeed, “Macalin” loo raacin jiray magaciisa, wuxu ahaa nin gooni ah dhinac kasta oo laga eego. Naanaystiisa Dhoodaan ah oo kaliyi gooni uma ahayn, ee hab-curinta suugaantiisa iyo, luuqdiisa ba gooni buu ku ahaa. Sida aan ka maqlay Abwaanka qudhiisa, mudadii 15 ka sanno ahayd ee cimrigiisa ugu horaysay, Dhoodaan ma hadli jirin. Kolkii uu hadalka bilaabayna, gabay uun buu ku bilaabay. (Waraysi Cawke, BBC, 1996). Hadal barashadiisa, iyo gabaygiisu way wada socdeen, ama wax badan ma soo kala horaynin. Kolka laga yimaad 15 kaas sano ee aamusnaanta ah, muddo dhan 57 sanadood oo kale ayuu xagga hore kaga jiray raga calanka u siday suugaanta Soomaalida. Mudadaas nus qarniga ka badan ee uu Dhoodaan gabyaayay, waxay umadda Soomaaliyeed martay, meel ay joogtoba, is bedel dhinac kastaba lahaa, intaas oo dhan na wuu la maray. Duruuf kasta oo Soomaalidu ay martay, mid siyaasadeed, mid colaadeed, mid dhaqaale iwm, intaba wax buu ka yidhi, wax badan na wuu ka yidhi. Maansadiisa doc kasta wuu u dhigay. Dacwad iyo dagaal. Dood iyo dirir. Cabasho iyo calacal. Alla Bari iyo amaan. Guubaabo iyo garawshiinyo. Hanjabaad iyo habaar. Garnaqsi iyo ergo, iyo in kale oo ka sii badan ba wuu u adeegsaday.
Fiiro gaar ah: maalmahan yare e ka dambeeyay geeridii Dhoodaan, waxan maqlay, aadna dabcan uga xumaaday, dood ah: Dhoodaan wuxu can ku ahaa, oo lagu xasuusan doonaa gabayga nooca jacburka loo yaqaano. Taasu gar iyo daw toona ma aha. Qiimayntaas wuxuunbaa samayn kara, sida aan qiyaasaayo, cid aan suugaan-aqoon, iyo Dhoodaan-aqoon toona ahayn. Tanu waxay ka dhigantahay uun, nin taajir ah, oo mood iyo nool, nooc kasta oo aduunyo ku tahayba Eebe ku galaday, maalintii uu geeriyoodayna, lagu sheegay inuu can ku ahaa dameer dhagaha iyo sankaba go’an. Dabcan gabaygaas qosol-qosol ka ah ee jacburka loo yaqaano isaga ayaa curiyay, laakiin waxa Dhoodaan can-bixiyay jacbur ma aha.
Abwaan Dhoodaan wuxu can ku ahaa, oo aan suugaantiisa looga xiiso goynin, sidii falsamida lahayd ee uu maansadiisa u falkin jiray. Isagoo guud ahaan gabayga uga hadlaaya, waakii lahaa:
– “Dirqi gabaygu kuma fiicniyo, waan darooryamiye.
– Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone.
– Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe.
– Dardarsiintu way u darantahee, marin-daygaa u roone.
-Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye.
– War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ah’e.”
Hadii uu gabayga guud ahaan intaas ka yidhi, oo wax inooga sheegay, imikana wuxu inoo sheegayaa bal gabaygiisa iyo meesha uu ka doono:
– “Gabay aan abuuraa hadduu, aniga ii muuqdo.
– Meel soo abaadiyo ma rabo, sheeko oolin ahee.
– Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abaaraaye.
– Ruuxii aftahan loo yaqaan, ama abwaan sheegtay.
– Wax if jira, wax aakhiro jiriyo, waxaan la eegaynba.
– Waa inuu ogaadaa siddii, uur-ku-baalaha ee.”
Kolkuu sidaas u dhigay, mid buu ka dareen qabay, waana in dadka qaarkiis u qaadan karaan, inuu Abwaanku sheeganaayo awoodii ogaanshaha waxa maqan, si uu taas isaga baraxo na wuxu yidhi:
– “Odhaahdaa markaan jeediyay een, erayadaa sheegay.
– Ma inkirin Illaaha I khalqiyo, amaradiisiiye.
– Umana jeedin wali aadan iyo, awliyaan ahaye.
– Aadmiguna sidduu aawilaa, dhaaxba la arkaaye.
– Amin soo socdaa wuxuu ahaan, waan odorosaa.” Yaa salaam!
Abwaanku hadii uu inoo sheegay kolka ay gabay noqoto, inuu doonto meel ugub ah oo dhulka oolinka ahaa oo dhan iska dhaafo, su’aashu waxay tahay, kolka uu gabayga helo maxaa dhaca? Abwaanku wuxu leeyahay laabtayda ayuu ka soo buuxsamaa, mana celin karo. Isagoo taas inoo sheegaaya, wuxu mar kale lahaa:
– “Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman.
– Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba
– Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado.
– Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye.”
Gees kale aan ka joogsano maktabaddan. Mucjisooyinka Suugaanta Dhoodaan waxa ka mid ahaa, gabaygiisana mug iyo miisaanba u yeeli jiray, sida uu maahmaahda Soomaalida ugu ladho gabaygiisa. Maahmaahdu waa xikmad, waana hadal qurxoon, gabayguna waa xikmad kale, waana hadal qurxoon, kolka qof yaqaanaa labadaas quruxood isku ladho, ee isku iidaamo na, wax cajiib ah baa soo baxa. Bal hadda sida uu gabaygiisa u qabadsiiyay maahmaahda, “Nin is faanshay, waa r’i is nuugtay,” u fiirso
“Waloow abaahiisii dhintoo, gabay agoontoobay.
Maahmaah asaliyaa jirtoon, ciddi iloowayne.
– Abwaan hore miduu sheegay baa, ina odhanaysa.
– R’i isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye.
– Qof waliba ujeediyo markuu, hadal abbaaraayo.
– Aqligiisay meel uga ekaan, odhaahtidiisu.” Ogaysiis, (1982)
Mar kale, arag sida uu maahmaahda kale ee, “Geel duq baa loo tumaa” u qaatay:
– “Geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay
– Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe.
– Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene. Maxaa iigu jira, (1968.)
Intaas oo dhibic yar iyo dibno-qoyn uun ah aan kaga gaabsado tusaalayaashii aan u soo qaatay cajaa’ibkii maansada Macalin Dhoodaan. Aan u gudbo bal hadda wacdi iyo waano wixii uu Soomaalida ugu tiraabay, oo nooc kastaba lahaa. Abwaanku Soomaalida wuu ka dhashay, oo u dhashay, sidaas darted, meesha ay ka laangadhaynayso si wacan buu u yaqaanay. Wuxu isku dayay, marar aad u tiro badan, inuu ceebaha Soomaalida tilmaamo, rajona wuxu ka qabay inay ku dawoobaan. Gabaygii Dhugasho, oo aan kula talinaayo qof kasta oo Soomaali ahi inuu akhriyo, ujeedadiisana fahmo, aan in yar ka soo garoocdo. Wuxu Reerka Soomaalida la dhaho ku yidhi:
– “Dhimir iyo garaad waan qabnaa, fiiro dhumuc wayne.
– Oo qaarkeen murtiday soo dhuftaan, waabad dhaygagiye.
Dhabahaan marayniyo libtuna, waysu dhawdahaye.
Is xilqaanka noo dhiman, maxaan uga dhabcaalownay?” Dhugasho, 1973.
Dhinaca kale, maansadii Xulub-socod, oo iskeed u ahayd jaamacad dhan oo soconaysa, waa ka boogtii taabtay. Waa ka sidii mujtamac wax kala qaadanaaya wax ugu sheegay. Tixda uu dhextaal ka uga dhigay, “Xikmadaha asaageen bartay, ee xooga lagu yeesho, dad Alloow maxaa naga xayiray, waa xujiyo yaabe?” Bal u fiirso. Waxyaabo badan oo uu ka xanuunsaday baa ku jira, waxaana ka mid ah, inay Soomaalidu waxyaabo yaryar, oo aan macno iyo meeqaan toona lahayn, oo dhexdooda ah ku daasho, danaha waawayni na ku lumaan. Xulub-socod waxa ka mid ahaa:
– “Inagays xakaaree kolkaan, muran xiddaynayno.
– Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere.
– Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye.
– Xurguftii aan weynaynna waan, xarakadaynaaye.
– Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye
– Xidaarnimo[tacliini] maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin.”
Geesta kale, isagoo Soomaalida dareensiinaayay inay qani yihiin, Ilaahayna aanu u darnayn, oo ay tahay uun inay bisinka qabsadaan, hoos na u eegaan waxa ay haystaan, waakii gabaygiisii Xaawo iyo Aadam ku lahaa:
“Waxaan godollo waxaan gowracniyo, qaar an gadannayno.
– Iyo gurada qaar laga koroo, orodka gaw siiya.
– Iyo dhul aan gasiirado lahayn, gu’guna seegeynin.
– Oon dabeyli guri kaa rideyn, dahabna guurtaas ah.
– Durdur aan go’ayn goof birqod ah, webi gufaacaaya.
– Iyo beer dhaqsaba kuu go’doo, godadka loo jeexdo.
– Sow gorodda Eebbahay waxaa, nooma soo geline.”
Kalmad aan sax ahayni miyay ku jirtaa? Ilaahay indhaheeda Soomaalida waa tusi karaa waxa ay haysato, tawfiiq na waa siin karaa, waa se haday doonayso sidaas.
Qaybtaas iyaduna dibno qoynta ah aan ka gudbo, una talaabo dhinacii siyaasadda. Waa meelaha ugu xasaasi san, waana meesha ay dadku wax taageersan iyo wax diidan ugu qaybsamaan. Abwaanku wuxu ka mid ahaa, sida gabaygiisa ka muuqata, dadkii Soomaaliyeed ee horaantii lixdamaadki aad u cabay, calooshana galiyay rumaynta riyadii Soomaalida ee ahayd Soomaali wayn! Kaligiis kuma ahayn taas ee Soomaalida idilkeed ayaa sidaas qabtay. Sidiisa oo kale, waakii Ilaahay ha u naxariistee, Timacade lahaa, Maanta maantadeeda kaleeto, Soomaalood mid ka yeeshoo, meel ku soo wada ciidaan, macbuudkoow ku su’aalnay.” Abwaan Dhoodaan wuxu ka mid ahaa, oo safka hore kaga jiray, ragii dagaalka afka iyo adinkaba ah u galay qadiyadii waagaas loo yaqaanay Xoraynta Soomaali Galbeed. Abwaanku wuxu deegaan ka dhigtay Soomaaliya, gaar ahaan Xaruntii wadanka ee Muqdisho. Idaacadaha wadanka ayuu suugaantiisa marin jiray, dawlada na saaxiib buu la ahaa. Dagaalkii 1977 ee aakhirkii ay Soomaalidu ku jabtay, isagoo Amxaaradii Itoobiya la hadlaaya, waakii maansadiisii Digasho tiriyay. Waxay ahayd maanso rasaasta ka kulul, dhiiguna ka tif leeyahay, waxaana ka mid ahaa:
Amxaaradii wax badan daawada iyo, nabadda diidaysay.
– Darandoorigiyo weerarkaan, dhab u dabaalsiinay.
– Xabbadihii sidii roob ku da’ay, ugu darooraayay.
– Duloow hoose middaan ugu ridnay, ee ololka daacaysay.
– Uma dixin dixayno ee kolkaan, gowrac kala daallay.
– Ha la dooxo mooyee kolkay, diir u naxa weyday.
– Amxaaradii dabuurtiyo ahayd, gaalo dabaqleyda.
-Dafuufane wataa laga dhigay iyo, meyd dibiro weyne.”
Wixii dhacayba wuu dhacay, dagaalkiina Soomaalida ayaa ku jabtay. Jab kaliya ma ahayn ee, wuxu ahaa qaran-dun. Dagaalka si xun baa loo galay, six un na waa loo maamulay, six un na waa looga soo baxay Itoobiya. Soomaalidu dhinac kaliya uun bay wax ka eegtay, astaamihii tusinaayay waxa dhici kara oo dhan na dhagaha ayay ka awdatay. Ruushka oo la kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo Moosko tagtay, oo Gen Maxamed Cali-samatar hogaaminaayay wuxu ku yidhi, “Waa inaad kala garataan kolka aanu Itoobiya cagafyo beeraha lagu fasho siinayno, iyo kolka aanu taangi dagaal siinayno.” (BBC Somali, 1999 ilaa 2000). Calamado ay taasu ka mid tahay bay Soomaalidu akhriyi kari wayday, baaqyo wada hadal ahaa oo loo jeediyay xili ay Soomaalidu dhul badan oo Jigjiga ku jirto haysatayna, Muqdisho ayaa laga diiday. Abwaan Dhoodaan isagu arinta maamul-xumo kaliya uma arkin, kaligiisna kuma ahayn. Waxay isaga la ahayd, gabaygiisana ka muuqata, inay arintuba ahayd shirqool lagu lafo-jabinaayay dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku hoos jiray. Sababo ay taasu ka mid tahay, ama ugu mudantahay awgood, durbadiiba Dhoodaan safkii dirirta dhinaca kale ee Itoobiya ayuu ka soo galay, waxaanu idaacadiisii ku jeediyay Soomaalida, gaar ahaan maamulkii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad. Maanso uu u bixiyay “Halgaad”, oo uu curiyay 1979, Abwaanku wuxu si foolxun, oo dhiigu ka tif leeyahay, ugu tiiqtiiqsaday wiilashii Soomaaliyeed, ee naftooda Soo xidhay, ee talo-xumadii hogaamiyayaashii Muqdisho awgeed, fagaarayaashii dagalka lagu jabiyay, kuna haligmay. Maansada ‘Halgaad’ dhexdeeda ciidamadii Soomaalida ee la gumaaday wuxu ugu bixiyay magaca Fadhato, gabayadiisa kale na way ku jirtaa. Koleyba anigu qof ahaan in kastoo aan Dhoodaan aad u ixtiraamo, hadana waxan ka mid ahay dadka ka xun sida uu Abwaanku waagaas ugu tiiqtiiqsaday ciidamadaas Soomaalida ee meeshaas ku xasuuqmay, isagoo kala saari waayay nidaamkii Muqdisho fadhiyay, iyo wiilashaas uu mar guubaabiyahooda koobaad ahaa, ee dhiigooda huray. Waatii se horay loo yidhi, nin habari dhashay, hal ma seegi waayo. “Dadka xagal ka daaciyo, daldaloolka kuma naco. Hadraawi. Bal arag isagoo Abwaanku gantaalo ka daran, kana kulul kuwii Kuubaanka iyo Soofiyeedku Soomaalida la dhacaayeen ridaaya, noocyadii hubka iyo xataa sanqadhiisii na sawir-maskaxeed inaga siinaaya:
Haakaale waan rabey inay, fadhato hoogtaaye.
Madfac higliyo taangigaad, roob hanqadhi moodo.
Iyo holac dayuuraddu riddiyo, hawsar lagu boobye.
Kolkuu miig hadhkii aad u tumay, ammuu habeen laayey.
-Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, hoobatee oloshay.
-Waxay heeladkaba soo dhigtee, ciidanna u haysay.
-Shayna kalamay hoyan meeshanay, kaga hulleeleene.
-Hudh-hudhii badnayd iyo wixii, lays hiddiginaayey.
-Himbiriirsi oybaa xigiyo, dib u hashlayntiiye.
-Iyagoo hagoog foolxunoo, hayla jiidanaya.
-Oo heema duufliyo ilmadu, hibitiqlaynayso.
-Oo heedadaabayoo dagaal, hoorin kari waayey
-Kornaylkii habraha boobi jiray, dib u humbaalleeye.” Halgaad (1979
Intaas ku dhaaf wakhti tagay wax sheegii. Waax kale oo Dhoodaan ah na aan taabto. Sida aan bilawga qormadan ku tilmaamay, abwaan Dhoodaan wuxu ahaa, Geesi hal adag. Wuxu ku shaqeeyay fikir ka ah, Gari Ilaahay bay taqaan. Dhaqanka foosha xun ee qabyaaladda, ee gar iyo gardaroba la isku raaco, ayuu si qayaxan ugu yidhi ‘Maya’! Taas baa Dhoodaan taariikhda u gashay, marageedii na waakan. Horaantii 1980-yadii, waxa soo baxay koox abwaaniin ah, oo Muqdisho fadhiyay, oo loo arkaayay inuu Maxamed Siyaad ka dambeeyo. Kooxdaasu waxay tiriyeen gabayo ay u bixiyeen Ergo Daarood, Abwaan Dhoodaan rag uu ka mid yahayna inay beelnimo ku kaxaystaan oo uu soo raaco ayay jeclaysteen. Fikirkoodu wuxu ahaa, sida gabaygooda ka muuqatay, inay dawladda beeli leedahay, beeshaas iyo dawladana ay Soomaalida kale duulaan ku yihiin, ayna tahay in laga daafaco. Maansooyinka Ergo Daarood waxa ka mid ahaa:
– “Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkii baa dagan leh.
– Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane.
– Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe.
– Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama dubaax hooey.
– Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane.
– Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye.”
Maansadii kolkii ay Abwaan Dhoodaan gaadhay, ee uu dhugtay, aad buu ula yaabay sida jawaabtiisa ba ka muuqata. Wuxu si waadix ah u dareemay, inuu Maxamed Siyaad Soomaalida isku diraayo, si uu ugu cimri dheeraysto, qolyahan soo dhawaaqayaa na ay marinkii seegeen, dabinkii Ina Siyaad na ku dhaceen. Sidaas darted, Macalin Dhoodaan wuxu soo tiriyay gabay mug leh, uu uu “Duraaqsi” u bixiyay, oo 147 bayd ka kooban. Gabaygaas oo kii hore boodhka ku aasay waxa ka mid ahaa:
– “Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee.
– Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?
– Hadii se dacayda loo furay qabiil, sidanna loo daaco.
– Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?
– Mise roobab duufaan leh baa, daad iyaga qaatay?
– Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah.
– Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode.
– Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine.
Guntii iyo gunaanadkii, Abwaan Dhoodaan, sidaan horeyba u sheegay, suugaanyahan kaliya ma ahayn, ee siyaasi mawqifyo ka leh duruufihii dadka Soomaalidu mareen mudadaas uu ariminaayay buu ahaa. Mawqifyadaas siyaasiga ah ayay dadka Soomaalida ah qaarkood ku taageeraan, qaar kalena, waa siyaasad iyo caadkeede, aad ugu diidaan. Aniga malahayga, Is diidadaasu way jiri doontaa kadib geeridiisa. Sidoo kale, waxa iyaduna jiri doonta, oo aanay laba isku diidaynayn, inuu tiir bir ah ahaa dhinaca suugaanta. Waxan qabaa, inta uu qof Soomaali ahi ifka guudkiisa ku noolyahay, hadii uu doono iyo isagoo aan dooninba, hal-abuurka Dhoodaan inuu u baahan doono. Waxa iigu dambaysay kulankiisa sanadii 2003, bishii June oo Hargeysa uu yimid, aadna loogu soo dhaweeyay. Ilaahay ha u naxariisto C/laahi Macalin Axmed, Dhoodaan. Aan ku soo xidho tuduc aan ka soo qaaday gabaygii baroordiiqda ahaa ee Timacade uu mariyay 1969 kolkii Madaxwayne C/rashiid Laascaanood lagu toogtay, isagoo yidhi:
– “Tacsidiyo quraankaan akhriyay, way u tagayaan.
– Togagii janada, Eebahay tiisa haw furo’e.
– Inaka iyo ubadkuu ka tagay, samirku waw toos.”
Qalinkii: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com