Waxaa beryahan ay dhibaatadu badatay dhegahayga si xoog ah ugu soo dhacaya ereyga siyaasadda iyada oo lagu muransan yahay “siyaasad ayaa loo baahan yahay, hebel siyaaso meesha kuma hayo ama hebel waa laga siyaaso batay, hebel siyaasi ma aha, hebel waa siyaasi iyo
wax la mida”.
Dhaqan badan iyo hab nololeed fara badan oo aynu gumaysiga gaalada ka dhaxalnay wuxuu na weydaariyey jidkii xaqa ahaa ee Alle raallinimadiisa iyo naxariistiisa lagu gaadhi lahaa. Waxaan maqaaladaydii hor ugu soo sheegay in dawladnimada tahay mushrignimo, in gumaysigu yahay qof qof xukumo, in xornimadu tahay qofkii Alle xukumo iyo madaxnimadu tahay Ilaah sheegasho. Cidda intaas na bartay ma aha Alle iyo rasuulkiisa ee waa gaaladii na gumaysatay waana hab nololeed ku soo dhex barbaaray dad gaalo ah oo aan Alle iyo rasuulkiisa midna ogolayn.
Allena cj wuxuu noo sheegay sida ku cad aayaddan hoos ku xusan in aynu ku dhaqaanno wixii Eebeheen noo soo dejiyey ee aynaan cid kale oo madaxnimo noo sheegata aynaan wax ka qaadan waayo haddii aad ka qaadataan waxaa yaraanaysa inta aad Alle xasuusanaysaan.
أاتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلًا مَا تَذَكَّرُونَ(الأعراف 3).
Sida ku cad xadiiskan wuxuu rasuulka yidhi qofna kuma galo camalkiisa jannada ee wuxuu ku galaa naxariista Alle, markaas ayaa lagu dhahay ma adigana rasuul Allaw markaas ayuu ku jawaabay xataa aniga, hase yeeshee Alle ayaa anigu ku shubay naxariistiisa.
حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَارِبُوا وَسَدِّدُوا وَاعْلَمُوا أَنَّهُ لَنْ يَنْجُوَ أَحَدٌ مِنْكُمْ بِعَمَلِهِ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا أَنْتَ قَالَ وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ و حَدَّثَنَا ابْنُ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ جَابِرٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِثْلَهُ حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ حَدَّثَنَا جَرِيرٌ عَنِ الْأَعْمَشِ بِالْإِسْنَادَيْنِ جَمِيعًا كَرِوَايَةِ ابْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ وَأَبُو كُرَيْبٍ قَالَا حَدَّثَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ عَنِ الْأَعْمَشِ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمِثْلِهِ وَزَادَ وَأَبْشِرُوا (مسلم).
Jannada oo keliya ma aha waxa aan camalka lagu gelin ee waa wax kasta oo qayr ah if iyo aakhiraba, sidaas darteed ruux waliba waa in uu garanayo in uusan isagu awood uu wax ku keensado lahayn. Halkaas waxaa ka muuqata in uusan qofna awood u haysanin uu ku meel mariyo ujeedadiisa, qofkii rumaysan in uu isagu wixii uu doono meel marsan karo waa gaal ay la noqotay in uu Alle maamulka adduunka la wadaago. Sidaas darteed waxaa muuqata in uusan qofna awoodin in dhibaato isaga laftiisa ama cid kale haysata uusan waxba ka qaban karin in uu Alle la hoos galo mooyee. Sida ay tahay in Alle loola hoos galaana waa in isaga jidkiisa toosan loo maro, markaasna adiga oo jidkiisa toosan ku socda dejiso qorshe isagana ka sug in uu ku siiyo ama kuu diido. Ruux jidka Alle ku suganina qorshe baadil ah ma samaysanayo.
Marka waxay su’aashu tahay ruuxa in Alle qorshihiisa u meel mariyo mooyee aan isagu waxba meel marsan karin oo wax gacan ugu jiraa jirin siyaasadda uu yeelan karaa maxay tahay?
Ruuxa mu’minka ahi ma doonayo qorshana u dhigi maayo in uu madax cidna u noqdo in uu dawlad u noqdo madax iska dhaafe.
Jawaabta su’aashaas waxaan u dhigayaa sidatan, ma dhici karto in uu ruux mu’min ahi uu yeesho siyaaso uu ku gaadho madaxnimo dawladeed ama in uu madax u noqdo cidba. Halkaas waxaan u arkaa in ay siyaasaddu mararka qaarkeed noqonayso xaaraan iyo gaalnimo hufan.
Siyaasiga maanta Soomaaliya ka jiraa wuxuu qorshihiisa siyaasiga ah uu doonayaa in uu ku gaadho in uu Alle cadaabo. Waxaan sidaas u lee yahay wuxuu doonayaa in uu gaadho dan adduunyo oo uusan weliba hubin in uu gaadhi doono iyo in kale waayo waxay ku xidhan tahay ma aha gacan kale ee waxay ku xidhan tahay gacanta Allaha aanay wax dhibin.
Qofka siyaasadda isagu dejisanaya ee aan ku talada gelayn Alle ee dejista siyaaso ku disan qayaamo, dil, dhac iyo boob wuxuu la mid yahay qof aan Alle in uu go’aanka iska lee yahay rumaysnayn sidaas darteed wuxuu qofkaasi noqonayaa gaal marka siyaasiyiinta maanta ka jirta Soomaaliya dhammaan sow lama dhihi karo waa gaalo.
Wuxuu Alle sheegay sida ku cad aayaddahan hoos ku xusan oo macnahoodu yahay:
قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ وَلَا تَقْرَبُوا الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ(151).
Waxaad nebiyaw ku dhahdaa dadka kaalaya aan idiin sheego waxa uu Eebihiin idinkula dardaarmayo oo ah in aydaan isaga mooyee cid kale caabudin, labada waalid oo loo roonaado, in aydaan ubadkiinna u dilin wax la’aan waayo idinka iyo iyagaba annaga ayaa wax idin siinna, wixii ceeb ahna midda muuqata iyo mid qarsoon toona ha u dhowaanina, ruux Alle dilkeeda idinka xaaraantimeeyeyna si xaq ah mooyee si kale ha ku dilina, wuxuu sidaas idiinku dardaarmayaa in aad wax u kala fiirsataan(151).
وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَى وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ(152).
Hantida agoontana wanaag mooyee wax kale ha la ag marina inta ay ka qaan gaadhayaan, beegga iyo miisaankana si caddaalad ah u fuliya qofkana Alle ma saarin wax uusan qaadi karin haddii aad wax sheegaysaanna cadaaladda ku suga hadalkiinna si kasta oo ay dhibaato ugu sugan tahay dad qaraabo kuu ah amarka Allena fuliya sidaas ayuu Alle idin kula dardaarmayaa si aad u waasantaan (152).
Markii uu Alle labadaas aayadood ku caddeeyey wixii uu dadka kula dardaarmayey ayuu dhahay haddana waa kaas jidkayga lagu gaadho raallinimdayda ee isaga ii soo mara.
وَأَنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَنْ سَبِيلِهِ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ(153).
Waa kaas jidkayga toosani ee isaga qaada hana qaadina jidad kale oo jidkiisa idinka weeciya, waa taas dardaaranka Alle idin siinayo haddii aad tihiin kuwo wax ku qadanaya (153).
Inta uu Alle csj noogu sheegayo labada aayadood ee hore waa inta uu siyaasiga maantu sameeyo, aayadda 153aadna wuxuu Alle nagu dareensiinayaa in labada aayadood ee hore yihiin jidkiisa xaqa ah ee lagu gaadho raallinimadiisa, sidaas darteed ruuxii doonaya if iyo aakhiraba in uusan hoogin ha maro jidkaas.
Waxaan shaki lahayn in siyaasiga maanta uu ku socdo lidka aayadahaas sidaas darteed iimaanka wuxuu uga dhow yahay gaalnimo.
GUNAANAD.
Ma aha siyaasadda oo keliya camal kasta oo aan waafaqsnayn kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka waa xaaraan wuxuuna kugu ridayaa jidka gaalnimada oo ku dhammaada cadaabta Alle if iyo aakhiraba.
Sida aan uga soo hadlay maqaaladaydii hore Alle mooyee ma jiro madax kale sidaas darteed ruuxii sheegta in uu dad u yahay madax wuxuu la mid yahay ruux Ilaahnimo sheegtay ama ruux Ilaah ku haysta Ilaahnimadiisa xaqa ah.
DIGNIIN.
Waxaan culumada Soomaaliyeed uga digayaa in ay indhaha ka qarsadaan xaqa lagu tumanayo iyo gaalnimada, ama nifaaqa ka socdo dhulka ay culumada u yihiin.
Waxaan kale oo uga digayaa siyaasiyiinta isu haysta in ay ku socdaan wax xaq ah in ay iyaga iyo xaqii kala jeesteen ee joojiya dagaalka aad ku soo bahaysateen gaalada iyo munaafaqiinta ee aad Allaah kula dagaalamaysaan, kuma guulaysan doontiin eh.
Siyaasaddu waxay dabada ku wadataa arrimo bara badan oo gaalnimo u dhow ee ka fogaada. Waana waxyaabaha ay gaaladu noo keeneen. Adduunku wuxuu ku kala socdaa jaangooyada Alle, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto. In uu qof ku aakhiro seego wax uusan isagu gacanta isugu haynin oo uu weliba ku doono jid aan kii Alle ahayn ee xaaraan ah waa maan gaabnimo. Waxaa la moodaa dhaqan qofkiisu uusan Alle iyo xisaab aakhiro toona rumaysnayn.
Waxaan dadka ka codsanayaa in haddii la ridinayo si xaq ah la ii ridiyo laakiin aan la iska caytamin.
Waxaan cadaabka Alle uga digayaa qofkii hadda ka hor ii soo qoray e-mailka uu ku sheegayo in uu uusan aakhiro doonayn ee uu adduunyo doonayo, wuxuu igu dhahay googleka aad wax ku qorto waxaa iska leh nin Yuhuud ah ee noo daa annagu gaalada iyo Yuhuudda ayaanu doonaynaa eh. Markaas ayuu dhahay Ilaahaw gaalada noo daa. Waxaan u arkaa ruuxaasi in uu naftiisa qatar geliyey haddii gaal yahayna ha is qabto haddii uu muslim isu qabana ha toobad keeno.
Waxa aan qorayo haddii ay diin ahaan qalad yihiin oo keliya ha la ii sheego laakiin yuusna qofku qof nacaybkiisa isaga hadlin waa arrin aan Alle agtiisa ku fiicnayn eh.
Waad mahadsan tihiin.
Digniinta waxaan ku soo gunaanadayaa labadan aayadood ee gaagaaban.
وَمَنْ يَتَوَلَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا فَإِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْغَالِبُونَ(المائدة 56). كَتَبَ اللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ(المجادلة 21).
56. Ciddii garabsata Alle, rasuulkiisa iyo mu’miniinta ayaa xisbiga Alle iyaga ayaan adkaanaya.
21. Wuxuu Alle waajibiyey in isaga iyo rusushiisu adkaanayaan waayo Alle waa xoog weyne aanay wax dhibin.
By, OMER SULEIMAN ALI