Runtii Waxaa dhamaan umada reer Somaliland saaran waajib sidii loo adkayn lahaa nabada iyo dawladnimada, islamrkaana looga talo bixin lahaa sidii lagu heli lahaa Dawlad Wanaag. Sidaad la socoteen markii aan xilka ka tegayey

waxa hadaladeydii ku jiray in Madaxweynaha Qaranka Somaliland aanu helayn warbixino dhab ah oo ku go,aan qaato, arinkaa dad badan baa usoo noqday in ay dhab tahay, markii Badhasaabkii gobolka Maroodi Jeex, iyo Agaasimihii Wasaarada dib u dejinta iyo lataliyihii Madaxweyne xigeenka si fool xun lagu wanjalay Raashin, illaa 3 maxkamdood oo lakeenay ayaan fadhiyey, waxaana dhegeystay 15 marqaati oo police u badan, illaa hada Waxaa la layahay Cadeyn denbiga madaxdaa lagu soo eedeeyey, Sidoo kale denbiga lagu haysto Boqor Cismaan oo kusoo ururay Aflagaado , Mase idinla tahay in Madaxweyne Axmed raali ka yahay sida Foosha xun ee loo dulmiyey Gudoomiye Cabdirahmaan Cabduqaadir, Waxaa wax laga damqado ahaa weedhihii taariikhda ku dhigmay ee kasoo yeedhay Gudoomiye Cabdirahman cabduqadir, oo ahaa AAN KA JAWAABO AAN KA JAWAABO, WAAN IDINKA BAXAYAA WAAN IDINKA BAXAYAA, ISII DAAYA, WAATAA SOMALILAND, KU QUUSTA , WAAN SOO HALGAMAY, KULMIYE AYAAN DHABARKA KU BEELAY, BILLAAHI BAAN IDINKU DHAARIYEY , MIYAANAY DHAB AHAYN IN MAGACII IYO SUMCADII MADAXWEYNE SIILAANYO RAG YARI U TASHADEEN AY ODEYGII TAARIIKHDIISA GUBAYAAN.
Hadaan usoo noqdo halbowlaha maqaalkaygan Waxa ay bulshada reer Somaliland ka dheregsan yihiin in sidii kulmiye loogu lisay aan shacabkan Somaliland loogu hanbayn, Waxaa kale oo aynu isku raacsanahay in aan nabadgelyo xumo, iyo dawlada oo dunta aan dan inoogu jirin, hadaba waxaan ku talo bixin lahaa in 35 nin oo isugu jira dhamaan qaybaha bulshada ay madaxweynaha u tagaan oo weydiiyaan bal in uu isagu qiimeyn ku sameeyo xaalada dalka, lana weydiiyo in uu talo ka ogol yahay, sidii isaga wax loola qaban lahaa?
Anigu aniga oo yaaban baan idinka dhoofay, aniga oo warbixino dhawr ah gacantayda ku haysta oo layga qaadi waayey, waxaan la hadlay rag badan oo ku dhow dhow dawlada oo aan idhi waar bal warbixinadan ma gaadhsiin kartaan madaxweynaha, waxay iigu jawaabeen MAYA. HADII WEBSITE LOO MARIYANA LAMA JECLAYSANAYO, MARKAA LA SOCDA BUUGA LA MAGAC BAXAY KhIYAAMO QARAN, IYO WARBIXINTA AAN UGU MAGAC DARAY SOMALILAND LEADERSHIP AND LEADERS.

MAXAMUUD RAAGE IBRAHIM
FORMER DG JUSTICE
FOREIGN AFFAIRS AND INTERNATIONAL COOPERATION

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *