Hargeysa(ANN) Weftigii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku gudo jira booqashadii  ay ku tageen  dalka China, ayaa heshiis saddex geesood ah la galay xukuumadda China iyo Ethiopia. Kadib markii ay   isku afgarteen heshiis iskaashi oo sadex geesood ah,  kaas

oo  ku saabsan in Gaasta ay China  Ethiopia  laga dhoofiyo marsada Berbera oo dawladda, isla markaana xukuumadda  China ay dhisto  oo maal geliso dhuumaha gaadhsiinaya  gaastaa magaaladaa Dekeda ah ee Berbrera.
Waxa kale oo heshiiska ka mid ah in dawlada China ay kaalin ka geysatay casriyayanta iyo balaadhinta dekada Berbera iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah hawlahaa ganacsi.


Sidaana  waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo  u dhignaa sidan:-
“Weftigii uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gudo galay hawlihii ay u tageen Wadanka Shiinaha ayaa ilaa imika waxa ay gaadheen guulo balaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawlada shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.


Waxyaalaha ugu waaweyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee ku jira waxa ka mid ah in gaasta Ethiopia laga dhoofiyo dekeda Berbera, isla markaana wadanka shiinuhu gacan ka gaysto sidii loo samayn lahaa dhuumihii qaadi lahaa gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekeda berbera.
Waxa kale oo laysku afgartay in dekeda berbera laga sameeyo xarun balaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliida Caydhiin iyo Gaasta labadaba.
Waxa kale oo heshiiska ku jira in wadanka shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo balaadhinta dekeda berbera oo mashruucaasi uu yahay mid dekeda berbera ka dhigaya mid u adeegi karta geeska afrikada bari oo dhan.
Waxa kale oo heshiiska ku jira wadooyinka xadiidka ah ee tareenadu Maraan iyo wadooyin caadi ah oo isku xidhaaya wadanka Ethiopia iyo Somaliland.
Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan-doonaa xaflad balaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Wadanka Ethiopia, China iyo Somaliland
Maalgashigan iyo mashaariicdan oo noqondoonta horumar laxaad leh oo lagu talaabsaday taasoo wax weyn ka bedelidoonta dhaqaalaha wadanka iyo nolasha bulshada guux ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.”
Dhinaca kale shirkad dhinaca shidaalka ah oo laga leeyahay dalka china ayaa si qarsoodi ah dhawrkii sanadood ee u danbeeeya hawlo shidaal qodis ah ka waday dalka Ethiopia, gaar ahaan kililka shanaad ee is maamulka Soomaalida deegaanka Apole oo qiyaastii 120km  dhinaca Koonfur bari kaga beegan magaalada Jigjiga ee xarunta caasimada Kililka Shanaad, waxaana sanadkii 2007 ka dhacay deegaankaa weerar ay goobta saliida laga qodayay ku qaadeen jabhada ONLF eek u kacsan xukuumadda Ethiopia, kuwaas oo xilgaa ku dilay  ugu yaraan 74 qof oo isugu jiray  65 askari oo Ethiopian ah oo   ka mid ah ciidankii ilaalinayay shirkadaa China iyo 9 u dhashay dalka China oo ka mid ahaa shaqaalihii ceelasha shidaalka, iyagoo afduub u kaxaystay 7 ka mid ah shaqaalaha China. Sida uu xilgaa u sheegay BBC-da  Cabdiraxmaan Mahdi oo ka tirsanaa saraakiisha ONLF oo waqtigaa deganaa London.
Hase yeeshee xukuumadda China  oo xiligaa  falkaa canbaaraysay  ayaa sheegtay inaany joojinayn hawlaha maalgashi ee ay ka wado deegaanka, waxayna mudadaa wixii ka danbeeyay China si badheedh ah uga waday dalka mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *