Harimo-cadyoHargeysa(Araweelo News Network)XukuumaddaSomaliland, ayaa qirtay jiritaanka warbixin Ururka Daryeelka Noolayaasha sii Dabar Go’aya ee Adduunka (Convention on International Trade in Endangered Species (Cites),  kasoo  saaray toddobaadkan

 

ugaadhsiga sharci-darada ee xayawaanka sii dabar go’aya.
ururka ayaa warbixintiisa ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland xuddun u tahay ka ganacsiga iyo dhoofinta sharci-darrada ah ee xayawaanka Harimo-cadka oo ka mid ah noolayaasha adduunka ka sii dabar-go’aya.wamarwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa qirtay in ugaadhsiga duur-joogta, gaar ahaan xayawaanka harimo-cadku ka jiro dalka, lagana dhoofiyo degaannada xeebaha ah dalka Somaliland.

Sidoo kale Ururka ayaa warbixintiisa ku sheegay in xayawaanka Harimo-cadka laga dhoofiyo Somaliland loo tallaabiyo dhinaca waddanka Yemen, laguna qaado doonyo ka taga dhulka xeebaha, kadibna loo sii gudbiyo dalalka Gacanka Carabta oo iibka sharci-darrada ah ee xayawaankaasi ku xooggan yahay, iyadoo warbixintu xustay in ilaa 10 kun oo qudha oo xayawaankaas xilligan ku nool yahay daafaha dunida, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa inuu caalamka ka dabar go’ay.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa qirtay warbixinta lagu sheegay in Somaliland xudun u noqotay dhoofinta sharcidarada ah ee Ugaadha, gaar ahaan Harim-cadka oo ka mid ah xayawaanka dunida kasii dhamaanaya,  wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo saxaafadda ka hadashay  shalay magaalada Hargeysa, waxay xaqiijisay in Harimo-cadka iyo ugaadh kaleba sifo sharci-darro ah looga dhoofiyo xeebaha Somaliland, laakiin ay muddooyinkii u dambeeyey arrintaas wax badan ka qabteen, digniino adagna ka soo saareen, iyadoo cidda arrimahaas lagu qabto ciqaab adag la marsiin doono.

Marwo Shukri waxay iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi, “Waxaad mooddaa in lixdii bilood ee u dambaysay inay isa soo taraysay arrintani, run ahaantiina horta waxna waa ay ka jiraan oo marka la leeyahay waa la dhoofiyaa (Harimo-cadka) waa la dhoofiyaa oo Harimacadkuba wuxuu ka tagaa (laga dhoofiyaa) xeebaheenna qaar ka mid oo uu ka baxaa. Marka la soo qabto amma soo qabsadaan halka ay inta badan u sii dhoofiyaan waxay noqotay inta badan waa dalka Yemen, kadibna waddamo kale ayaa loo sii dhoofiyaa.” ayay tidhi Marwo Shukri.

Shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com ayaa marar badan warbixino qaylo dhaan ah ka qoray dhibaatooyinka iyo xaalufinta lagu hayo ugaadha iyo khayraadka kale ee dalka, balse xukuumadda Somaliland ayaa ka dhega adaygtay in ay wax ka qabato warbixinahaa oo xanbaarsanaa xoggo iyo macluumaad dhab ah oo la xidhiidhay arrimaha deegaanka ee dhirta iyo Ugaadha sida sharci-darada ah looga dhoofiyo xeebaha Somaliland.

halkan ka akhriso wrbixinaha hore/Riixhttp://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3323:xaalada-ciidanka-ilaalada-xeebaha-sanaag-oo-laga-dayriyay-boobka-khayraadka-badda-iyo-beriga-ee-doonyaha-maraakiibta-iyo-diyaaradaha-ajaanibka-doorka-hayadda-unicef-iyo-jawaabta-taliyaha-ciidanka-badda-warbixin&catid=1:article&Itemid=7

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *