Dubai(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdiga uu hogaaminayay oo maalmahan booqasho ku jooogay dalka Imaraadka carabta ayaa shalay loo sameeyay casuumada balaadhan, taas oo wasiirka waxbarashada dalkaa Sheekh Nahyaan sheekh

 

Mubaarik Al-Nahyaan u sameeyay madaxweynaha Somaliland iyo ilaa lixdan shiradood oo degan dalkaa.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-   “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Gaar ahaan Magaalo Madaxda Abu-Dubai ayaa maanta waxa lagu Martiqaaday Qasriga Wasiirka Tacliinta ee isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al-Nahyaan.
Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay Halkaa kula Kulmeen in ka badan 60 Xubnood oo uu Wasiirku Qado Sharaftaa Casuumadaa ugu yeedhay si ay ula kulmaan Weftiga kuwaas oo ka kala Socday Shirkadaha ugu waa weyn ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga oo ka kala yimid Caalamka oo dhan kuna Sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.


Shirkadahaas oo ay Masuuliyiinta Ka socday Madaxweynaha ku Hambalyeeyeen sida uu dalka Somaliland u yahay Dal Diyaar u ah Maal-gashi Debadeed waxaanay Madaxweynaha u balan Qaadeen in ay Dalka u soo diridonaan Wuhuud kala duwan kuwaas oo dhawaan iman Doona Dalka Daraasadna ku Samayn doona Waxyaalaha ay ka Ganacsadaan ama ay ka Shaqeeyaan Kambaniyadaasi (Company)-yadaasi oo kala Duwani.
Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-Nahyaan oo ah Wasiirka Wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu waa weyn Imaaraadka Carabka Waxa uu Madaxweynaha u sheegay in ay Imaaraartu Diyaar u yihiin inay Somaliland kala Shaqeeyaan Dhinaca Nabad-gelyada, iyo Weliba Dhinaca Ganacsiga sidoo kale ay Shirkadaha, Kambaniyada ( Company)-yada ugu Waa weyn  Caalamka ay ku soo Xidhaan Dalka, Nahyaan waxa kale oo uu sheegay in uu Diyaar u yahay inuu dhinaca waxbarashada Tacliinta Sare ka Caawiyo Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna u sheegay Sheekha in uu Dalka Somaliland yahay Dal Dimu-quraadi ah, Nabad ah  ku Kalsoon in uu Caalamka kale wax la qabsado aadna u danaynayo inuu Caalamka Islaamka ah iyo Caalamka kaleba ay yimaadaan Dalka oo ay Maal-gashi ku sameeyaan, Madaxweynuhu waxa uu u sheegay Sheekha in ay Somaliland Dooratay Shuruucda iyo maal-gashiga Dalka Somaliland Gudihiisa haatana uu dalku u baahan yahay oo keliya in wax lagala Qabto dhinaca dhaqaalaha, Wax-barashada, Caafimaadka iyo wax-yaalaha kale ee la xidhiidha Adeeg-yada Bulshada ee Magaalooyinka iyo shaqo la’aanta ku Habsatay Dhalin yaro aad iyo aad u badan kuwaas oo doonaya markay Wax-barashada Dhamasytaan Shaqo, sidaa Awgeed madaama oo uu Dalkayagu yahay Dal aanu imika uun Abuurnay, Yab-yabnay oo ku Guulaystay inuu noqdo Laambad (Lamp)-ka iftiimaysa Geeska Mandaqada uu ku yaalo waxa aanu doonaynaa oo aanu walaalahayaga aad ka midka tihiin ka Codsanaynaa in aad wax nagala Qabataan si aanu Dhalin yaradaas Shaqo ugu Abuuri karno, si ay taasi suurta gal u noqotana shirkadihiina tirada badan ee halkan fadhiya waxa aanu idinka Codsanaynaa sida aad balan qaadeen inaad Dalkayaga Soo gaadhaan qiimaysaan meeshii Maal-gashigiina ku haboon shirkad walba gaarkeeda waxa aanu diyaar  unahay in aanu anaguna idiin fudaydino oo ay suura gal-noqoto dhinaca wixii  idiin dan ah oo anagaba noo dan ah kana wadda hadalno,
Waxa aanu Abuurnay Sharciyo, Shuruuc maal-gashiga Fudaydinaysa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo la hadlaayey Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-nahyaan wasiirka wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo martiqaaday Weftiga Madaxweynaha iyo in ka badan 60 Shirkadood ama Company oo kulankaa goob-joog ka ahaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday oo uu ku nuux-nuuxsaday Mushkilada Somaliland, Magaalooyinka iyo kuwa Baadiyahaba ka haysata Biyo la’aanta ku habsatay sidaa awgeedna madaama uu yahay dalkan Imaaraadka Carabtu, Dal Qoomiyad balaadhan kaga jira dhinaca ganacsiga iyo xidhidhka Caalmkaba Company-yo badan oo biyaha ka Shaqeeyana u leeyahay in ay suurto gal-tahay inuu wax nagala qabto dhinaca biyaha, ayuu Madaxweynuhu ku yidhi Sheekha.
Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al- Nahyaan ayaa isaguna waxa uu dhinaciisa balan qaaday inay isu-tagga Imaaraadka Carabtu inay Somaliland wax kala qabtaan Dhismaha iyo Dedaalka ay ugu jirto inay noqoto Qaran ku guulaysta in Mushtamaceedu mahadiyo, waxa kale oo uu sheegay in Walaaltinimada iyo Wada Dhalashada iyo Muslin-nimada ka Dhaxaysa labada Wadan khasbayso in ay iyaguna kaalin wayn ka Ciyaaraan oo ay wax taraan Somaliland,
waxa kale oo uu balan qaaday Sheekh Nahyaan in uu waxbadan  kala qaban doono Somaliland dhanka wax-barashada oo uu xil wayn iska Saari doono Balanqaadkiisa kuwajahan Wax-barashada.”
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta ka qaybgalo kulan caalami ah oo lagaga hadlayo mushkilada Budhcad-badeeda oo ka dhacaya halkaa, waxaana dib u dhac ku yimi booqashadii Madaxweynaha ee dalka Kuwait, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo maalinta Khamiista dalka dib ugu soo laaban doono.

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *