Hargeysa(ANN) Kooxda sheegata aqoonyahanada Soomaaliada, siyaasiyiin mudo dheer kusoo jiray siyaasada Somalia, balse hore uga dhacay salaanka siyaasada ayaa cariga dalka Britain ee  Magaalada London kaga dhawaaqay xisbi cusub oo ay ku sheegeen  inuu yahay  kii dhibaatada ka saari lahaa

 

Somalia.

Sidaana waxa Idaacada VOA u sheegay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar , isagoo xusay inuu si ku meelgaadh ah  madax ugu yahay golaha dhexe ee Xisbiga  cusub, laakiin wuxuu xusay inuu dhawaan xisbigu soo dooran doono xubintii hoggaamin lahayd. Prof Cabdi Ismaaciil wuxuu sheegay in xisbigan uu ka shaqeyn doono sidii xal loogu heli lahaa colaadda iyo mushkilada daba dheeraatay  ee ka aloosan dalka Somalia.

Prof. Samatar ayaa sheegay in  xisbiga  cusub  ee ay ku dhawaaqeen loogu magac daray “Hiil-Qaran”. Xisbigan waxaa dhisay siyaasiyiin uu ka mid yihiin Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cismaan Kalluun iyo aqoonyahanno kala duwan. Ayuu yidhi.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu sheegay in xisbigan uu wakiillo ku leeyahay gobollo kale duwan oo ka tirsan Somalia, balse muu xusin meelaha ay joogaan wakiilada xisbigaa iyo kuwa ay yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu xisbigoodu yahay Sadex qaybood, isla markaana  gudida uu ka mid yahay ka kooban yihiin  sagaal qof, kuwaas oo aan  iyagu xil qabanayn, . “Dastuurkayaga ayaanu maanta halkan ksuoo bandhinay, muqdishona waanu kusoo bandhignay, labada todobaad ee soo socda ayaa hogaankii xisbiga lagu dhawaaqayaa”.ayuu yidhi.

Shebekada Araweelonews ayaa ka qortay falanqayn la xidhiidha arrimahaa 6 February 2011, taas oo ciwaankeedu ahaa “Jaah-wareerka Beesha Beesha Caalamka Ee Qorshaha Siyaasada Somalia, Riyadda Prof. Samatar Iyo Yusuf Garaad Oo Isu Cimmaamadday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare”
Halkan ka akhriso falanqaynta Araweelonews ka qortay arrimahaa saddex todobaad ka hor.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *