Hargeysa (Araweelo News Network) Allah ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo suxifi caan ah

 

oo ka mid ahaa haldoorka saxaafada Somaliland ee dhidibada u taagay xoriyada saxaafadda Somaliland.

Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, waxa uu waqtigan ahaa Maareeyaha Wargeyska Maalinlaha ah ee Ogaal oo kasoo baxa Hargeysa, wuxuuna kasoo shaqeeyay waraabhinta kala duwan sida jamhuuriya Telefishanka Somaliland Space oo uu muddo dheer ka ahaa soo saare Barnaamijyo kal duwan, wuxuuna ahaa Marxuum Cabdiweli Qoraa iyo muturjum ku xeel-dheer turjumaada iyo qoraalkaba oo illaahay hibo u siiyay.

 

Marxuum Cabdi Weli Faarax Jaanbiir wuxuu ahaa suxufiyiinta qalinkooda ugu addeega Bulshada ee aan ku danaysan, wuxuuna ahaa Nin axlaaq iyo anashax saxafinimo leh oo dhawrsoon, isla markaana ka mid ahaa Odayaasha saxaafadda Somaliland ee kasii nool halyeeyadii naftooda, maskaxdooda iyo noloshoodaba u huray hirgelinta iyo taaba-gelinta saxaafadda Somaliland ee maanta soo gaadhay heerkan, isagoo lasoo kifaaxay xiliyo addag oo ay saxaafadu si weyn uga duwanayd muuqaalka maanta ay leedahay saxaafadda Somalialnd.

Marxuumka oo aan la alaawi doonin kaalintii uu ku lahaa saxaafadda Somaliland, wuxuu ku geeriyooday Hargeysa 6 August 2014, waxa lagu aasayaa 7 August 2014, xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga Magalaada Hargeysa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka  tacsiyeey geerida ku timi Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Marxmuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ahaa Maareeyihii Wargeyska Ogaal oo 6 August 2014,  ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadayay marxuumka Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah Odayaasha Saxaafada Somaliland.

Dhanbaalka tacsida Madaxweynaha oo ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed SaleebaanDhuxul, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Marxuumka ILLAAHAY uga beryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Sidoo kale Xoghayan Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Maxamed Rashiiid Muxumed Faarax oo ku hadalaya magaca Ururka Suxufiyiinta, ayaa tacsi u diray Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo ka mid ahaa xubnaha kasii nool Ruug-cadaayadii Saxaafadda Somaliland, waxayna Illaahay uga Baryeen Marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo  oo qabriga u nuuro dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo
Sidoo kale Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan weriyayaasha iyo hawlwadeenada shebekaddaha Araweelooyinka, waxayna tacsi u dirayaan Muuse Faarax Jaanbiir oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen,  Bahda Saxaafada,  dhamaan Qoyska reer Jaanbiir, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo ka mid ahaa xubnaha kasii nool Ruug-cadaayadii Saxaafadda Somaliland, waxayna Illaahay uga Baryeen Marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo  oo qabriga u nuuro dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

One thought on “Suxfiga Ruug-cadaaga Ahaa Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir Oo Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay”

Leave a Reply to #Somaliland: Mid Ka Mid Ahaa #Halyeeyadii Saxaafadda Oo #Siddeed Sannadood Kadib #Geeridiisa Lasoo Bandhigay #Buug Uu #Qoray - #1Araweelo News Network Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *