Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa saman yeedhmo ah usoo qortay maanta  Tafaftiraha shebekada wararka ee Araweelonews, Carraale M. Jaamac, kaas oo ku taariikhaysan 01/12/2010,   iyadoo Maxkamaddu ku wargelisay suxufigaa inay u taalo  dacwad ka dhan ah. Sidaa

 awgeed uu maxkamadda horteeda ku yimaado mudada loo cayimay oo ah 02/12/2010 . Haddii uu ku iman waayana laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintaa.
Qoraalka samanka ee loogu yeedhay  Tafaftiraha shebekada Araweelonews, ayaa la xidhiidha  Kadib markii Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom dacwad u gudbisay maxkamadda gobolka Hargeysa. Sida ku xusan Arjiga dacwada ee uu Maxkamadda u gudbiyay Qareenka magaciisu yahay Ibraahin Iidle Saleebaan oo sheegay inuu yahay Qareen u doodaya Shirkaddaa.
Arjiga Qareenku  u gudbiyay maxkamadda ee uu u cuskaday dacwada oo ku taariikhaysan 23/11/2010 ,  ayaa u qornaa sidan:- “ Ujeedo  Dacwad ku saabsan Sharaf Rid lagula kacay shirkada Isgaadhsiinta. Anigoo ah garyaqaan Ibraahin Iidle Seleebaan, isla markaana ah qareenka shirkada Telesom, waxaan halkan maxkamadda sharafta leh uga soo gudbinayaa dacwadan shirkadu ku oogayso dacweysanaha oo si badheedh ah oo khilaafsan ujeedooyinka saxaafada, isla markaana jebinaya Qod. 161XHM.
1- Dacweysanuhu wuxuu yool ka dhigtay in uu ku eedeeyo shirkada arin aan sal iyo raad toona lahayn  oo ah in shirkadu, adeega Zaad  ee ay qabato dadweynaha ku dhacday, ama kaga lunsatay lacag dhan $ 100, 000 USD, mudo ku siman 8-9 bishan sagaalaad. Kadib markii khal-khal ku yimi adeega telefoonada gacanta ee shirkada. Sidaana wuxuu ku qoray cadadkii 10 Nov, 2010,   ee kusoo baxay  shebekada wararka ee Araweelonews, arrintaa oo aan sal iyo raadtoona lahayn haba yaraatee.
Dacweysanuhu  wuxuu sheegay inuu warkaa kasoo xigtay ilo ku dhow dhow shirkada , arrintaasina Af-gobaadsi  marag ma doon ah, isla markaana muujinay in warkaasi yahay been loo sheegay macaamiisha shirkada oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo sumacada shirakada, isla markaana lagu beero macaamiisheeda kalsooni daro la  xidhiidha adeega cusub ee Zaad, laguna qanciyo macaamiisha in aan shirkada telesom la aamini Karin, adeega zaadna wax la dhigan Karin, isla markaana lagu kalsoonaan Karin. In xaqiiqdu sidaa tahayna waxa cadaynaya in qaraagu maqaalka ku sheegay inuu kasoo xigtay warka dad u dhow-dhow shirkada, waxaana macquul ahaan lahayd inuu sheego dad wax ka maqan yihiin oo uu la kulmay.
Sidaa awgeed wuxuu garyaqaanku qoraalkiisa kaga dalbaday Maxkamadda inay u qadarto shirkada tacwiid caadil ah oo u dhigma sumcad  ridka loo geystay oo ay ugu xukunto dacweysanaha, lana saaro kharashka dacwada.” 
Dacwada ka dhanka ah Tafaftiraha wararka ee Araweelonews,  ayaa u muuqata mid la doonayo iyadoo dhaqaale badan la isticmaalayo in lagu hor istaago xoriyada saxaafada iyo  xaqa ay bulshadu u leedahay inay ogaato dhacdooyinka iyo wararka la xidhiidha nolosha ee ay saxaafadu soo gudbiso, taas oo ah waajib dastuuri ah.

warka ay shebekadu baahisay halkan ka akhriso

Shirakada Ugu Weyn Isgaadhsiinta Ee Telesom Iyo Adeega Zaad Oo Mar Kale Maalintii Labaad Khal-khal Galay Waqti Kooban Iyo Sababaha Lala Xidhiidhiyay Lacag Kumanaan Dollar Ah Oo La Xaday
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *