Hargeysa (ANN) Ciidamada  Booliska Somaliland ,ayaa gacanta ku dhigay sarkaal mihiim ah oo lagu eedaynayo inuu ka tirsanyahay xarakada Alshabaab ee xidhiidhka la leh Urur weynaha Al-Qaida, kaas oo ay xalay ciidamada Boolisku ka qabteen magaalada Hargeysa, isagoo

 

hubaysan.
warar arrintaa la xidhiidha oo shebekada Araweelonews ka heshay qaar ka mid ah saraakiisha amaanka oo ka gaabsaday magacooda, ayaa Araweelonews u xaqiijiyay qabashada Ninka oo u dhashay Somaliland ee ka tirsan Al-shabaab, kaas oo kasoo jeedo deegaanka Hargeysa, isla markaana la rumaysanyahay inay
wada socdeen xubino kale oo qorshaynayay falal argagixiso oo ka dhan ah amaanka Somaliland.
dhinaca kale ninkaa oo lagu magcaabo Ciise Aadan ayaa sida ay xoggahaasi sheegayaan  hore uga tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, ayaa dhawr sanandood ka hor u talaabay dhinaca magaalada Muqdisho si uu uga mid noqdo kooxda Al-shabaab, balse dhamaadkii September 2011, ayaa lagu arkay magaalada Berbera, isagoo doonayay inuu galo dekeda Magaalada, laakiin ciidanka Booliska oo daba socday koox uu ka midyahay oo la rumaysanyahay inay qorshaynayeen weeraro iyo hawlgalo ay ka fuliyaan halkaa, ayaa gacanta ku dhigay, waxaana loo soo gudbiyay dhinaca magaalada Hargeysa, balse sida ay sheegayaan xoggo shebekada Araweelonews ka heshay saraakiil la socotay hawshiisa, waxa aan suurta gelin in Ninkaa la horgeeyo maxkamad si loogu oogo eedaha loo haystay ee la xidhiidhay falalka aragagixisada. kadib  markii ay dib u dhacday tiraba laba goor dhegeysiga dacwadiisu. sida ay sheegayaan xoggahaasi waxa ninkaa si qarsoodi ah looga sii daayay xabsiga mudo yar kadib, iyadoo aan kiiskiisa iyo eedaha loo haystay maxkamaddu dhegaysan, wuxuuna ku laabtay dhinaca magalaada Muqdisho si uu hawlaha Ururka uu ka tirsanyahay ee Al-shabaab usii wato. laakiin mar kale ayaa xalay gacanta lagu dhigay sarkaalkaa isagoo hubaysan, lamana garanayo sababta loo sii daayay xiligaa iyo cida ka danbaysay sii deyntiisa.
Masuuliyiinta sare ee Ciidanka booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta loosii daayay ninkaa, iyadoo aan wax maxkamad ah la marin, ayaanay noo suurta gelin. laakiin wixii kasoo kordha wararkaa kala soco shebekada Araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *