Somalia(ANN) Kooxaha ka dagaalama Somalia ee Al-shabaab oo hore loola  xidhiiddhin jiray Urur weynaha Al-Qaida ayaa dhowaan si cad u sheegay inay la midoobeen Ururkaa.  Dhawaaqa kooxda Al-shabaab ayaa kusoo beegmay maalmo ka hor shirkii dawladda Britain 23 Feb, ku qabatay London

 

ee lagaga hadlayay mustaqbalka Somalia iyo mushkilada Budhcad-badeeda Somalia,  Al-shabaab iyo sidii mashaariic dib u dhis iyo horumarin  loogu samayn  lahaa  Somalia.
Sidoo kale waxay Al-shabaab iskeed uga  baxday intii aanu dhicin shirkaasi magaalooyin waaweyn oo gacanta ku haysay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay. sida Baydhabo oo magaalo istiraaatiiji ah iyo meelo kale, iyadoo dhawr bilood ka hirna ay sheegeen inay dib u habayn ku samaynayaan ciidamadooda dagaalka  kula jira Huwanta Isbahaysiga ciidamada  Ethiopia, Kenya  iyo  AMISOM oo taageera ciidamada dawladda taagta daran ee Somalia.
Dhawaaqyada  iyo dib u gurashada dhinaca dagaalka ee Al-shabaab ayaa la rumaysanyahay inuu ka dhashay cabsida kaga timi dhinaca weeraro cirka ah iyo hawlgalo wadajir ah oo ay ciidamada huwanta ahi kusoo qaadeen, balse waxa jira tibaaxo iyo xoggo kale oo sheegaya in Al-shabaab oo ka dagaalnta Somalia , isla markaana ah wakiilada Alq-Qaida ee Bariga  Afrika  iyo kooxda ka dagaalnta dalka Yaman  ee Ansaaru Shareeca oo iyaguna ah Al-Qaidada Yaman ay qorshaynayaan sidii ay istiraatiijiyad cusub u qaadan lahaayeen, isla markaana u bedeli lahaayeen qorshayaashooda dagaalka ee k u wajahan reer galbeedka.  Sidoo kale waxa la rumaysan yahay in Al-shabaab  waqtigan oo Ururweynaha Al-Qadia  ay soo waajaheen dhirbaaxooyin iyo guuldaro sanadii u danbeeyay, kuwaas oo lagu dilay hogaamiyayaal waaweyn oo ururka ahaa Sida aasaasihii Asuma Binu Laden iyo hogaamiyaal lagu dilay Somalia, Yaman, Afganistaan iyo meelo kale, taas sababtay inay wiiqmaan hawlgalada ay dunida ka wadaan Al-Qaida.
Sidaa awgeed loo baahanayhay in qorshe cusub iyo istiraatiijiyad horle, iyadoo dhinaca dalka Kanya oo mararka qaar gabood ay ka dhigan jireen Al-shabaab marka ay wiiqmaan waqtigan cadaawad aan hore uga dhaxayni ka bilaabantay. Kadib markii weeraro ay ciidamada Kenya  sanadkii hore kusoo galeen gudaha dalka Somalia.
Sh. Maxamed Siciid Attam oo hogaamiya kooxda ka dagaalanta Buuralayda gal-gala ee duleedka Boosaaso, isla markaana ah Xidhiidhiyaha Al-Qaidada Somalia iyo kuwa Yaman ee Ansaaru Shareeca, ayaa   isna dhowaan sheegay inay la midoobeen Al-shabaab oo hoos tagta Ururweynaha Al-Qaida. Dhamaan dhawaaqyadaa iyo qorshayaasha cusub ee Al-shabaab ayaa la rumaysanyahay inay yihiin kuwo gogol xaadh u ah dib u habayn weyn oo lagu samaynayo ururka Al-Qaida, gaar ahaan kuwa galbeedka Afrika ee kooxda Boko Haraam, Ansaaru Shareecada Yaman iyo Al-shabaabta Somalia, waxayna xoggo  la xidhiidha qorshayaasha ay kaga bexeen magaalooyinka ay gacanta ku hayeen ee Somalia sheegayaan in xubno sare oo ka mid ah muhaajiriinta iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab u talaabeen dhinaca  Buuralayda Sisilada Golis, gaar ahaan aaga uu ka taliyo Sh. Attam, kuwaas oo qaarkood u talaabeen dhawr todobaad ka hor dhinaca dalka Yaman, iyagoo doonaya inay taageero xoojin ah siiyaan kooxda Ansaaru shareeca ee dalka Yaman, kuwaas oo ahmiyada dagaalka ay kula jiraan ciidamada dalka Yaman ku doonaya inay gacanta ku dhigaan magaalada mihiimka ah ee Cadan, taas qabsashadeedu fursad weyn u noqonay Al-Qaida, isla markaana suurta gelinay isku xidhka Al-Qaida ee Gasiirada carabta ee Yaman,  galbeedka Afrika iyo Somalia.  Kooxda Ansaaru  shareeca waxay  iskood uga baxday todobaadkan sida kooxda al-shabaab samaynsay oo kale magaalada Bayda ee dalka Yaman, taas  oo ay gacanta ku hayeen, balse iyadoo aan cidna ka saarin ay ku wareejiyeen  Odayaasha magaalada. Kadib markii  ay maamul u sameeyeen, waxaana la rumaysan yahay inay qayb ka tahay dib u habaynta AlQaidada gasiirada Carabta iyo bariga Afrika iyo inay xiliyadan oo kale dagaalka u bedelaan Hawlagalo shirqoolo dilal qorshaysan iyo qaraxyo is miidaamin ah. inkasta oo kooxo Al-shabaab ahi shalay socod ku mareen magaalada Muqdisho iayagoo taas jawaab uga dhigaya ka sifaynta magaalada iyo guusha ay sheegatay dawlada taagta daran ee Shariif, hadana waxay noqon kartaa fariin raadgadasho ah.
Sidoo kale kooxaha Al-shabaab ee gaadhay Buuralayda Silsilada Golis ee duleedka Boosaaso ayaa qorshayna inay hawlgalo ka dhan ah maamaulka Puntland ka fuliyaan magaalada Boosaaso iyo meelo kale, iyadoo hawlgaladaa  oo kalena  looga cabsi qabo inay qorshaynayaan inay ka fuliyaan Somaliland.
Dhinaca kale Al-Qaidada galbeedka Afrika, Masar  iyo kuwa Gasiirada carabta ee Yaman ayaa ka faa’idaystay fursad weyn oo ay ka heleen kacdoonadii sannadii hore  ka dhacay dalalkaa oo sababay in xukunka lagu tuuro hogaamiyaashii dalalka Libiya, Tunisia, Masar iyo Yaman, isla markaana ay waqtugan dib u habayn ku samaynayaan isku xidhka qorshohooda istiraatiijiyadeed ee dagaalka ay ku jiraan.
Qaar ka mid ah muhaajiriinta dagaalka ka waday Somalia ayaa sanadkii hore sida ay  shebekada Araweelonews oo heshay tibaaxo aarimahaa la xidhiidha oo ay   baahisay 11 May 2011 in  Boqolaal kale oo ka mid ah  dagaalyahanka Al-shabaab ay u haajireen dalalka Yamen  iyo Libya si ay uga dagaalamaan halkaa, iyadoo  koox lagu qiyaasay inay gaadhayaan dhawr boqol oo u baddan muhaajiriinta ka dagaalama  u talaabeen bilihii March iyo April 2011 dhinaca dalka Yamen oo lagu tilmaamo xudunta aasaaska u ahayd shebekada weyn ee Al-Qaida, kuwaas oo lala xidhiidhiyo kooxda ka dagaalanta Somalia  ee Al-shabaab. Waxaana jira warar iyo tibaaxo laga helay dhinaca dalka Yamen oo sheegaya inay kooxaha hoos yimaada urur weynaha Al-Qaida  ka qorshaynayaan inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee  gacanka cadmeed, halkaas oo ay rumaysan yihiin  inay hawlgalo ka dhan ah reer galbeedka si fudud uga fulin karaan iyo sidoo kale inay gabood ka dhigtaan Buuralayda silsilada Woqooyi Bari Somalia  ee Puntland oo  kulaalaya bada Cas, iyadoo goobtaasi saldhig u tahay Sh. Maxamed Siciid Atta moo ah  Hogaamiyaha xidhiidhiyaha Al-Qaida  ee Bariga Afrika iyo Gasiirada Carabta. Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada noocan ah ayaa u muuqda kuwo iftiiminaya khatar weyn oo soo waajahaysa mandaqada baraiga Afrika iyo guud ahaan amaanka marinka istiraatiijiga ah ee cadmeed, kaas oo markii horeba ay khatar ku ahaayeen kooxaha Budhcad-badeeda ee ka qawlaysta xeebaha Somalia ee usii jeeda dhinaca Badweynta India iyo afaafka marinka Badda cas.

By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *