Hargeysa(ANN)Maydka Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar ayaa lagu filayaa inuu maalinta berri ah soo gaadho Magaaladda Hargeysa iyada oo lagu aasi doono xabaalaha Qaranka ee Magaallada Hargeysa. Sida ay sheegeen guddida qaban qaabada

ee aaaska marxuumka,  Waxaana maalmihii u danbeeyay ka muuqday xarunta caasimada Somaliland ee Hargeysa diyaar garaw ku waajahan aaska Marxuumkaa. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay guddi qaban qaabisa aaska Marxuumka.

Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Magaalada Tokyo ee xarunta Dalka Japan oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ka ahaa macalin wax ka dhiga jaamacad ku taala halkaa ayaa waxa uu ka mid ahaa halyayadii maskaxdooda iyo naftooda u huray xoriyada Somaliland ee ururkii SNM, isla markaana wuxuu ahaa siyaasiyiinta dalka Somaliland iyo Somalia  Magaca Ku leh.

Marxuumka oo dhamaadkii January 2011 si keddis ah ugu geeriyooday Dalka Japan ayaa la filayaa in aaskiisa ay ka soo qayb gali doonaan madax badan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Geerida Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar ayaa ahayd mid falaadh ku wada noqotay guud ahaanba shacabka reer Somaliland iyada oo yar iyo waynba laga wada naxay.
Marxuum Ibraahin Maygaag ayaa dad badani xusuusan yihiin doodii u danbaysay ee dardaarankiisa oo ku wajahnayd aqoonsiga Somaliland, wuxuuna Marxuumku ka tegey weedho dhaxal gal ah oo ahaa, ““Somliland  Way Noolaan  Kartaa Sida Taiwan, Citiraaf Yeelkeede Anagu Nabaddaanu Samaysanay, Ninka Dagaalamayaa Ha Dagaalamo,”  Professor Ibraahim Maygaag Samatar. halkan riix wheedhihii u danbeeyay ee Marxuumku kaga hadlay xaalada siyaasada somalia iyo aqoonsiga somaliland.

 

Araweelonews mobile
Somaliland  Office
By. Carraale M. jama
E-mail jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *