Washington(ANN)Dawlada Maraykanka ayaa shaacisay qorshe ay dhaqaalle iyo aduun gaadhaya malaayiin dollar ku bixinayso macluumaadka iyo wararka la xidhiidha hogaamiyayaasha sare ee Al-shabaab oo dagaal kula jira dawladda

taagata daran ee Somalia.
Warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka shalay, ayaa lagu sheegay in 33 milyan oo lacagta maraykanka ee dollarka lagu bixinayo macluumaadka la xidhiidha todoba hogaamiye oo ah horjoogayaasha Al-shabaab oo dhowaan ku biirtay Urur weynaha Al-Qaida ee dagaalka kula jira reer galbeedka.
Warbixinta waxa lagu sheegay in lacagta lagu raadinayo  Axmed Cabdi Aw-Maxamad o ah hogaamiyaha aasaasay Al-Shabaab, iyo Ibraahim Xaaji Jaam’a oo la sheegey in uu qeyb ka ahaa aasaasidda Ururka Al-shabaab ay ka bilaabmayso 7Milyan oo dollar.

Sidoo kale saraakiisha kala ah Fu’aad Maxamad Khalaf, Bashir Maxamad Maxamuud,  Mukhtar Robow,  ayaa  lacagta lagu raadinayaa ka bilaabmaysaa midkiiba 5 milyan oo dolar, iyadoo warbixinta lagu xusay in sido kale Zekeria Ismacil Ahmed Hirsi iyo Abdullaahi Yare oo ah saraakiisha sirta Al-shabaab lacagta lagu baafinayo laga bilaabayo 3Milyan oo dolar.
Dhinaca kale dhamaan xubnaha uu Maraykanku sheegay inay lacag ku baadi doonayaan inay helaan macluumaadkooda, ayaa ah hogaamiyayasha Al-shabaab ee Soomaalida ah, kuwaas oo aanay ku xusin muhaajiriinta ay hore u sheegi jireen inay ku biireen Al-shabaab, ama sidoo kale xubno ka tirsan Al-qaida oo ay marar badan sheegeen inay joogaan Somalia oo ay ka barbar dagaalamaan Al-shabaab.
Abu Mansoor Al-amerki oo mararka qaar loo yaqaanay Ommar Shafiik Hammami, ayaan lagu xusin warbixinta lacagta lagu baafinayo hogaamiyayaasha Al-shabaab, inkasta oo dhowaan la shaaciyay inay dileen al-shabaab ninkaa oo Maraykan, asalkiisa aabo Surian ahi dhalay.
Sidoo kale Sh. Xasan Daahir   Aways ooh ore maraykanku u sheegay inuu ku daray Liiska aragagixisada ayaan lagu xusin warbixintaa, taas oo iftiimisay jiritaanka wararka todobaadkii lasoo dhaafay soo baxay ee sheegayay inuu isu dhiibay dawladda taagta daran ee Somalia.
Dhinaca kale warxbinta kasoo baxaday Maraykanka,  ayaan lagu sheegay in  mashruucyada noocan ah ay USA ku bixisay lacag dhan 100 milyan oo doolar tan iyo intii la bilaabey 1984, waxaana lagu bartilmaameedsadaa ururrada ku jiro liiska argagixisada ee Maraykanka, waxaana lacagtaa qaatay sida lagu xusay warbixinta 70 qof oo dad kala duwan ah, iyadoo dadka lacagtaa qaatay ay ka mid ahaayeen kuwii soo basaasay Uday iyo Qusay oo ahaa  wiilashii hogaamiyihii Ciraaq Saddam Xuseen uu dhalay oo duqayn dhinaca cirka ah lagu dilay dhawr sano ka hor.
Sidoo kale waxa la rumaysan yahay inay Maraykanku hogaamiyayaal baddan oo uu hormood u ahaa Sh. Usama Binu Laden aasaasihii Ururweynaha Al-Qaida sidan oo kale ku dilay. Kadib sanado baddan oo uu ku jaahwareeray inuu helo macluumaad ku saabsan nolol iyo geeri halka uu ku suganyahay, balse ugu danbayntii ku guulaystay in la ogaado halka uu ku noolyahay oo ahayd Paksitaan. Sidaana lagu khaarajiyay markii lagu weeraray  guri dhawr talaabo u jiray xero ciidanka milateriga Pakistaan deganaayeen. Laakiin qorshaha waqtigan ee maraykanka oo la ciir-ciiraya dhaqaalle xumo iyo nacayb dhinaca mujtamaca aduunka kasoo waajahay, ayaa u muuqda  mid ay adagtahay inuu hirgalo, maadaama ay xubnaha uu raadinayaa yihiin dhamaantood Soomaali yihiin, isla markaana ku sugan yihiin gudaha Somalia oo ay dagaal kula jiraan dawladda taagta daran ee ciidamada AMISOM ilaaliyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *