Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magcaabay  sadex gudi  oo hawlo  kala duwan uu u xilsaaray. Sida dhamaystirka Khilaafka deegaanka Ceel-Berdaale , gudida Bilicda magaalada caasimada Hargeysa iyo Gudida qaban-qaabada Ciyaaraha

 

gobolada dalka, kuwaas  oo laba ka mid ah uu hore u magcaabay. Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay magacyada gudiyadaa iyo hawlaha ay qabanayaan, balse qoraalka laguma xusin laba gudo oo Madaxweynuhu hore u magcaabay, kuwaas oo kala ah gudida dhamaystirka khilaafaadka Ceel-Berdaale oo Madaxweynehu magcaabay  4 January 2011, isla markaana ka  kooban shan wasiir iyo Odayaal kasoo jeeda labada dhinac ee deegaankaa Muranku ka taagnaa ee Ceel-Berdaale.
Hase yeeshee gudidan danbe oo Madaxweyne Siilaanyo  u magcaabay   dhamaystirka arrinta khilaafka Ceel-Berdaale oo uu soo saaray ka hor intii aanu dalka ka dhoofin  Jimcihii Oct, 28, 2011, ayaa ah sagaal xubnood oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo salaadiin, waxaana qoraalka lagu magcaabay u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ugu mahad haya Duqaydii iyo waxgaradkii ka hawl gashay, hawsha ceel-bardaale ee ku guulaysatay in ay isu soo dhawayso dadka deegaanka, isaga oo u mahad-naqaya Odayada labada Dhinac ee garawsaday in ay nabadu tahay ta guul lagu gaadhi karayo, isaga oo xaqiiqsaday in loo baahan yahay in la qodax tiro oo la dhamaystiro Arrinta shaqaaqadii la baxday ceel-bardaale in la dhamaystiro  waxa uu magacaabay Guddida kala ah:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Xildhibaan Cali Maxamed Muuse
Ku: Xildhibaan Mahdi Xuseen Caraale
Ku: Muxumed Aw Axmed Aadan
Ku: Cawil Xuseen Axmed
Ku: Xildhibaan Axmed Daahir Jirde
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Ujeedo: Magacaabid Gudi
Laga bilaabi maanta waxa aan idin magacaabay Gudida Dhamaystirka xalinta Khilaafaadka Ceel-bardaale
Hadaba mudanayaal si ay hawshaasi sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro waxaa Guddidan Gudooomiye u noqon doona Xildhibaan. Cali X.Maxamed Muuse.”

Sidoo kale Gudida Madaxweyne  Siilaanyo u magcaabay Bilicda caasimada ee uu soo saaray Jimcihii shalay  28 Oct, 2011, ayuu hore u magcaabay sanadkii  hore  30 October 2010, kuwaas oo ka koobnaa lix xubnood   oo isugu jiray shan  Wasiir iyo Maayarka caasimada, balse gudida hada la magcaabay ayaa ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira wasiiro xukuumadda ka tirsan, Maayarka caasimada Hargeysa iyo Agaasimayaasha Ururada Bulshada.
Qoraalka gudida cusub oo aan lagu xusin gudida dhigeeda  ah ee sanad ka hor madaxweynuhu u magcaabay hawshaa (halkan ka akhri gudidaa hore) iyadoo  mar kale dib u magcaabay ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada,
Waxa uu magacaabay
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada
Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ku: Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Duqa Caasimada
Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad
Ku: Agaasiamaha Sonyo
Sida aad ka warqabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaata milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay  iimaanka.
Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).”
Gudida Ciyaaraha ee Madaxweynuhu magcaabay oo aanu hore u magcaabin gudi noocooda ah, ayaa ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin kale oo Hay’addaha dawladda ah  iyo salaadiin, waxaana qoraalka uu ku magcaabay Madaxweynuhu u qornaa sidan:-  
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada.
Waxa uu magacaabay gudi Wasiiro ah oo wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartanadani u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo,
waxa uu magacaabay Gudidan.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalin yarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada
Ku: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Ku: Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo
Ku: Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha
Ku: Maareeyaha Hay’adda Dawrista Tayada ( Quality Control )
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Sida aad ka warqabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaata dhismaha bulshada iyo horumarinka dhalinyarada waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka.
Sidaa Dartee lag bilaabo taariikhda qoraalkan waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011.
Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mudane, Cabdi Siciid Faahiye.”
Si akstaba ha ahaatee magcaabista gudiyadan oo Madaxweynaha Somaliland soo saaray ka hor intii aanu safar ugu bixin dhinaca dalka Britain 28, Oct, 2011, ayaa marka laga reebo gudida Ciyaaraha ay labada gudi ee kale hore u jireen, kuwaas oo Madaxweynehu magcaabay sanadkii hore Oct, 30, 2010, gidida Bilicda magaalada caasimada, halka gudida dhamaystirka khilaafaadka Ceel-Berdaale uu Madaxweynehu magcaabay (halkan ka akhri gudidaa hore) ee Madaxweynuhu magcaabay  4 January 2011, balse uu labadan gudi dib u magcaabay, iyadoo aan qoraalada magacaabistooda danbe lagu xusin asbaabaha loo cuskaday in  ka bedel lagu sameeyay labadaa gudi ee hore iyo in laga wareejiyay hawshaa hore madaxweynuhu  ugu magcaabay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *