uqdisho(ANN)Dawlada taagta-daran ee Somalia ee uu hogaamiye Sh. Shariif, ayaa Idaacad (FM) ah ugu deeqday kooxda falaagada nabad-diidka ah ee ku dhuumaalaysata deegaanka Buuhoodle. Kadib markii ay magaalada Muqdisho tageen todobaadkan dhawr nin oo ka mid ah kooxdaa, kuwaas

 

oo kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boosta iyo Isgaarsiinta dawladda Somalia C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn. Sida lagu baahiyay warbaahinta ay dawladda Sheekh Shariif Maamusho, waxa kulankaa lagu godoonsiiyay kooxdaa nabad-diidka ah Idaacad FM-ah.
Idaacadda lagu wareejiyay kooxdaa, ayaa lagu tilmaamay mid wax ka taraysa sidii ay dawladda taagata-darni  ugu fidin lahayd maamuulkeeda Somalia, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Somalia ka sheegay kulankaa inay soo dhawaynayaan wuxuu ugu yeedhay Maamul goboleedka ay sheegato kooxdaasi, isagoo sidoo  kalena sheegay inay xafiisyo ka furanayaan deegaammadda ay maamul goboleedyadu gacanta ku hayaan, basle wasiirka maamulka Shariif ma xusin deegaamada ay yihiin kuwa uu sheegayo inay xafiisyo ka furanayaan iyo meesha ay ka taliyaan ee uu ka jiro maamul goboleedka ay sheegatay kooxda uu Idaacadda siiyay.
Idaacadda  Dawlada Sheekh Shariif bixisay ee ay ugu deeqday kooxda nabad-diidka ah ee kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa qayb ka ah talaabooyinka ay dawladda Sheekh Shariif ugu tafa-xaydatay wixii ka danbeeyay go’aamadii shirkii London ee 23 Feb, 2012 inay qaado talaabooyin lagu wiiqayo qaranimada Somaliland, isla markaana fidno iyo khilaaf lagaga abuurayo qaybo ka mid ah deegaannada dhulka Somaliland ee xasiloonida, nabadgelyada iyo dawladnimadu ka hana-qaaday dhawr iyo labaatankii sannadood ee Somalia fawdada iyo dhibaatada dirirta iyo macaluushu ka taagnayd.
Sida ay sheegayaan ila wareedyo laga soo xigtay saraakiisha maamulka dawladda Sheekh Shariif Idaacaddaa iyo kuwo kale ayaa ka mid ah deeq ay dawladda Talyaanigu siisay maamulka Shariif. Kadib shirkii London oo dawladda Talyaanigu in baddan u ololaysay inaanu qabsoomin, maadaama shirkaa ay dawladda Britain majaraha u haysay, isla markaana aanay ku farxin kooxda Shariif iyo Talyaanigu go’aamaddii kasoo baxay, iyadoo Talyaaniga  iyo Britain uu ka dhexeeyo loolan weyn dhinaca arrimaha Soomaalida. Sidaa awgeed maamulka Sheekh Shariif, Talyaaniga, qaar ka mid ah dalalka carabta iyo Qaramada midoobay ee ay siyaasada Somaliya iskaga mawqifka yihiin qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku fashilinayaan hirgelinta go’aamadii kasoo baxay shirka London, iyagoo qodobka ugu weyn ee ay doonayaan in aanu suurta gelin uu yahay wadahadalka Somalia iyo Somaliland ee ‘lagu xusay go’aamadii kasoo baxay shirkaa.
Dawlada Somalia ee Sheekh Shariif ayaa hore u sheegtay inaany aqoonsayn kooxda reer Buuhoodle ee sheegata maamulka. Boqor Buurmadaw oo hada xabsiga  Hargeysa ku jiraa, basle waqtigaa ku sugnaa Magaalada Dubai  ee Imaraadka carabta, ayaa ka digay shirqoolada maamulka Shariif u maleegayio Somaliland. iyadoo aanay xukuumadda Somaliland ilaa hada ka hadlin shirqooladaa iyo siyaasadahaa uu maleegayo cadawga Somaliland.  Inakasta oo Sheekh Shariif  hore u sheegay inaanu aqoonsanayn kooxdaa,  laakiin tallaabada ay waqtigan dawladiisu  ku siisay Idaacadda FM-ta ah, ayaa meesha ka saaraysa mawqifkii uu hore uga qaatay kooxdaa maamulka Sheekh Shariif, waxayna tallaabadani u muuqataa mdi la doonayo in deegaankaa oo ka tirsan Somaliland lasii huriyo collaad marar baddan laga huriyay, isla markaana waxay ficilada foosha xun ee dawladda ku meelgaadhka ah ee Somalia ku wado xasiloonida, midnimada  iyo qaranimada Somaliland waxba kama jiraan ka dhigayaan go’aankii beesha caalamka ee kasoo baxay shirkii London oo ay beesha caalamku cod dheer ku balanqaaday inay tallaabo adag ka qaadayaan ciddii ka hortimaada go’aamada  kasoo baxay shirkaa ee loo arko inay abuurayaan xasilooni-daro iyo fawdo xaalada sii murgiya. Sidaa awgeed xukuumadda Somaliland waxa ku waajib ah inay dhawaaq dheer kula socodsiiso siyaasadaha huwanta isbahaysiga ee la doonayo in xasiloonida, deganaanshaha iyo qaranimada Somaliand lagu manjaxaabinayo.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *