“Ilmahan yarna waxaan ku dhalay xabsiga, aabbihiina wali maan arag, intii aan xidhnaana iimuu iman, ilaa haddana….”
Hooyo Xamda Maxamed Cali oo ilaa 22 jir ah

Hargeysa (ANN) Saddex dumar ah oo laba ka mid ahi carruur wataan, ayaa toddobaadkan laga soo daayey jeelka haweenka ee ku yaal magaalada Gabiley, kadib markii warbixin ka hadlaysa xaalladaha iyo duruufaha jeelkaas lagu

 

baahiyey shabakada wararka ee Araweelonews.com iyo  wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa Hargeysa,  iyadoo warbixintaasina si gaar ah farta ugu fiiqday xaaladaha jeelka ku dhex haystay haweenka xoriyadooda helay iyo qaar kale oo weli ku jira,  kuwaas oo iftiimiyey in tacadiyo lagula kacay mudadii ay xidhnaayeen.
Saddexda dumarka ah ee jeelka Gabiley laga soo daayey oo kala ah; Aamina Cali Guuleed oo ah hooyo 60 jir ah iyo gabadh ay dhashay oo la yidhaahdo Xamda Maxamed Cali oo da’deeda ku sheegtay ilaa 22 jir oo iyana ilmo yar ku dhex umushay jeelka, halka Canab Guure Samatar oo waday ilmo yar oo ay ilaa laba sanno jeelka kula jirta la soo daayey, dumarkaas oo si gaar ah ugu xusnaa warbixin toddobaadkii hore lagu baahiyey araweelonews.com iyo Jamhuuriya.  warbixintaas oo lagu iftiimiyey xaaladaha kala duwan ee ka jira jeelka dumarka magaalada Gabiley iyo qaabka ilaalada jeelku ula dhaqmaan maxaabiista ay hayaan.
Sida lagu sheegay warbixintaas hore loo baahiyey Hooyo Aamina Cali Guuleed iyo gabadha ay dhashay ee Xamda Maxamed Cali oo jeelka ku dhex umushay, waxay xabsiga ku jireen iyadoo muddadii la xukumay dhammaatay, kuwaas oo u xanibnaa lacago ganaax ah oo la sheegay in loo haystay, halka gabadha kale ee Canab Guure Samatar oo iyana la xidhay muddo hadda laga joogo ilaa laba sanno ay muddadaas jeelka ku dhaxhaysatay ilmo yar oo markii la xidhay aan afartan bixin. Dumarkaas oo muddaday xidhnaayeen jeelka kala kulmay duruufo kala duwan iyo nolol cidhiidhi ah.
Haddaba, Carraale Maxamuud Jaamac oo ah suxufi madaxbanaan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha (Free lance Journalist and Human Rights Activist) oo diyaariyey warbixintii hore loo baahiyey ee ka hadlaysay xaalada jeelka Gabiley oo sabab u ahayd sii deynta dadkaa,  waxa uu 2 July 2012,  qaar ka mid ah dumarka lasoo daayey ku booqday xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa oo ay degen yihiin, isagoo ka warraystay duruufaha iyo xaaladaha nololeed ee ay weheshanayaan, waxaannu ka diyaariyey warbixintan.
‘Aamina Cali Guuleed waa hooyo 60 jir ah oo xabsiga ku jirtay muddo saddex sanno ah. Aamina waxay dhashay gabadh la yidhaa Xamda Maxamed Cali oo qiyaastii da’deeda ku sheegtay 22 sanno. Xamdi waxay xabsiga ku dhashay wiil yar oo dhawr iyo toban bilood jira, waxaanay ka warameen duruufaha iyo xaaladahay ku sugan yihiin.
“Xaaladaayadu waa mid aad u liidata, mana haysanno wax daryeel ah, ilmaha yari waxa uu la qaylinaya waa caano la’aan, mana garanayno bani’aadam aannu ui qayshano Ilaahay mooyaane.” Sidaa waxa tidhi Aamina Cali Guuleed oo farta ku fiiqday ilmaha yar ee inanteedu xabsiga ku dhex dhashay oo gaajo xilligaas la ooyaayey.
Xamda iyo Hooyadeed waxay ku jiraan sandaqad yar oo hal qol ka kooban oo ku taal Dooxa Xaafada Daami qarkiisa, waxaanay sheegeen inay sandaqadaas ugu jiraan kiro, kadib markii ay dhawr habeen dulsaar ku ahaayeen qoys kale, markii xorriyadooda loo soo celiyey, iyagoo ka hor intii aan la xidhina magaalada  kaga jiray guri kiro ah, balse aanay hada u suurta gelayn inay awoodaan hoy kale, sababaha dhaqaalle iyo duruufohooda awgood.
Xamda iyo hooyadeed waxa ka muuqatay duruufo iyo diif ay kala soo baxeen xabsiga Gebilay, iyadoo Hooyo Aamina Cali ay ku adkayd inay istaagto oo cagaheeda ku socoto, waxaanay iyadoo arrinta ka hadlaysa tidhi; “Xabsiga Gebiley waxa nagu helay duruufo qalafsan, lugahan aan ka kici kari la’ahayna waxa sabab u ah duruufihii adkaa ee xabsiga nagu helay iyo dumarka askarta ah ee jeelka ilaaliya oo suun faraha lugaha nagala dhici jiray, waase Ilaahay mahadii, haddaannu xorriyadayadii helnay, markii hore noloshayada waannu dabari jirnay, laakiin hadda xaaladdu way nagu adag tahay, itaalkayagana waad aragtaa, mana jiro ehel iyo qaraabo aannu u qayshanaa.”
Sidoo kale, Xamda Maxamed Cali oo la waydiiyey ilmaha yar ee xabsiga ku dhashay aabbihii xagga uu ku sugan yahay, waxay tidih; “Markii aannu ninkayga is-mehersanay wax yar kadib ayaa la i xidhay, aniga iyo rakaab kale oo gaadhi la soconay, muddo dheer ayaan u xidhnaa wanjal iyo dambi aanan qabin oo dusha la iga saaray, ilmahan yarna waxaan ku dhalay xabsiga, aabbihiina wali maan arag, intii aan xidhnaana iimuu iman, ilaa haddana oon maalmo xorriyadayda haysto wax war ah kamaan helin.”
Cabashooyinka iyo daryeel la’aanta Xabsiga magaalada Gebilay, waxay noqonayaan kuwo kasoo horjeeda xuquuqda Aadamaha, isla markaana ah gabood fal ka dhan ah baaqa caalamiga ah iyo dastuurka dalka  Somaliland. arrimahan ayaa si cad u iftiiminaya  khalad iyo gef loo geystay dadka maxaabiista ah, iyadoo tacadiyada  iyo dulmiga uu astaanta u noqday xabsiga gebilay qaybtiisa haweenku  ka duwan yihiin xabsiyada kale ee dalka, isla markaana nadaafad ahaan iyo nolol ahaanba aad u liito, taas oo aan waafaqsanayn xuquuqda qofka maxbuuska ahi  u leeyahay inuu helo caafimaad iyo daryeel nololeed iyo sidoo kale in kor loo qaado  dhaqankiisa  iyo waxbarashadiisa  si looga suuliyo waxyaabaha uu xabsiga ku mutaystay, isla markaana marka uu xorriyadiisa  helo  uu bulshada ula qabsado. Sida dumarkan maxaabiista ahaa sheegeen dhamaan  arrimahaa iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland u damaanad qaaday jeelka Gebilay kumay helin, balse taa beddelkeedii waxay la kulmeen tacadi iyo dhibaato saamayn ku yeeshay.
Saddexdan dumarka ah oo laba ka mid ah carruur yar yar ku dhex korsadeen jeelka, waxay u baahan yihiin gargaar iyo taakulo bina’aadam, iyagoo dadweynaha ka codsaday in Ilaahay dartii loo caawiyo.

Xabsiga Magaalada Gebilay ee Haweenka maaha markii u horaysay ee laga dayriyo xaaladiisaa iyo habdhaqanka haweenka maamulaa ay ula dhaqmaan maxaabiista, balse dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa ka jiray cabashooyin  soo taxnaa ilaa xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan, waxaana  dhamaadkii Sep  2011, ku geeritootay xabsiga Gebilay  marxuumad Sahra Biixi Shire, taas oo dayac iyo darxumo u dhimatay. Kadib markii xaalad nafaqadaro soo waajahday,  isla markaana ay eheladeedu ku warheleen markii la aasay kadib. Sidoo  kale badhatmihii 2010, waxa  ku geeriyootay xabsiga,   iyadoo katiinadaysan Maxruumad Shaadiya Cabdi Ducaale oo  ka mid ahayd koox dad ah oo gudidii nabadgelyada ee xukuumaddii Maxadweyne Rayaale xabsiga u taxaabeen xiliggaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *