Berbera(ANN)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ahaa xudunta muranka xisbiga UDUB ee musharaxnimadiisa khilaafka weyni ka abuurtay hogaanka xisbgaa, ayaa maanta dalka kusoo laabtay. Jamaal  oo kasoo degey garoonka  diyaaradaha  ee berbera, isagoo

 

kasoo laabtay dhinaca dalka Tanzania, waxaa halkaa si diiran ugu soo   dhoweeyay kooxo dadweyne u baddan dhalinyaro, watay gaadiid lagu dhejiyay sawirkiisa iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Udub.
Jamaal Cali Xuseen oo qolka nashada ee Madaarka Hargeysa ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dadweynihii kala duduwana ee sida diiran u soo dhaweeyey, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo uu uga mahadceliyay soo dhowaynta ay u sameeyeen.
Hadal kooban oo uu saxaafada siiyay, waxa uu kaga hadlay ujeedada xiligan ee safarkiisa iyo waxa u qorshaysan mar haddii musharxnimadiisu keentay khilaaf weyn oo kala daadiyay xisbiga UDUB, kaas oo ugu danbayntii hogaankiisa lagu kala saaray Maxkamadda dastuuriga ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ waxaan u imi wada tashi, Markaa wada-tashigaasi balaadhan kadib aan sameeyo ee dadka figradaheeda ogaado ee go’aammadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay,  ama UDUB ha noqoto,  ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajinno ayuun bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo, waxaan rejaynayaa in Illaahay sida khayrka leh innagu waafajiyo. Madaxtinnimaduna waxa weeye wax Illaahay dadka calaf u siiyo,  ama uu u qoray inta badan karti kuma timaaddo.”Ayuu yidhi Jamaal.

wuxuuna meesha ka saaray inuu wax heshiis ah la galay xisbiga UCID, isagoo dhinaca kalena ka muujiyay inaanu weli go’aan ka qaadan siyaasada iyo hankiisa musharxnimo oo hantaaqo weyn uu kala kulamay bilawgiiba hindisihiisa uu ku doonayay inuu noqdo musharaxa doorashada madaxtooyadda ee xisbiga UDUB, marka la gaadho waqtigeeda, isagoo yidhi, “Madaxtinimada  marka ay qofka dadku u gartaan Illaahayna u garto ayuun buu qofku helaa. Taasna markaan dadka la tashado ayaannu go’aan ka gaadhi doonnaa, Faysalna (Gudoomiyaha UCID) waanu isku aragnay Dubai, saaxiibkay weeye. Laakiin wax go’aan ah ama heshiis aannu soo wada-galnay ma jiraan. Marka aan dadka la tashado ayaanan go’aankeeda gaadhi doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.” Ayuu yidhi, Jamaal Cali Xuseen oo su’aalo kooban safaaxadu weydiisay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.co

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *