Muqdisho(ANN) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilal culus oo mihiim ah u magcaabay Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo labaduba kasoo jeeda Somaliland, isla markaana ka mid ah koox tiro yar oo si weyn uga soo horjeeda qadiyada

 

madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo lagu shaaciyay magcaabista labadaa Nin iyo xilalka loo magcaabay oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia, balse warar laga soo xigtay ilo dublamaasiyaseed iyo dad ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in labadaa nin loo magcaabay danjirayaal, iyadoo wararka iyo xoggaha hordhaca ah ee shebekada araweelonews heshay sheegayaan in Prof. Cali Khaliif Galaydh loo magcaabay Danjiraha dalka Maraykanka u jooga dawlada Somalia, halka Axmed Ismaaciil Samatar loo magcaabay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya dawlada Somalia.
Inkasta oo Raysal wasaaraha cusub ee dhowaan loo doortay dawlada Somalia aanu weli dhisin golaha wasiiradda xukuumaddiisa, hadana waxa jira warar sheegaya inay jiraan jagooyin iyo xilal si hoose loo magcaabay, kuwaas oo aan la shaacin weli.
Labada Nin ee Galaydh iyo Samatar oo u dhashay Somaliland, isla markaana kasoo horjeeda qaranimada iyo madaxbanaanida ay Somaliland dhawr iyo labaatan sanadood ku raadinaysay aqoonsiga, ayaa saamayn  ku yeelan kara siyaasada arrimaha debeda Somaliland haddii ay magcaabistooda xilalka danjirayaashaal qaramada midoobay iyo dalka Maraykanka noqdaan, isla markaana waxay talaabadani u muuqanay mid hordhac u ah qorshayaal siyaasadeed oo u qarsoonaa Madaxweynaha cusub ee Somalia, kuwaas oo uu doonayo inuu dagaal siyaasadeed kaga hortago qadiyada aqoonsiga Somaliland iyo baadi goobka ay ugu jirto inay dunida ka hesho aqoonsi maadaama ay buuxisay shuruudihii iyo nidaamkii dawladnimo.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay door ku lahayd doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo talaabada siyaasadeed ee uu qaaday Xasan Sheekh Maxamuud ee magcaabista labadaa Nin weji gabax ku tahay siyaasada arrimaha debeda Somaliland oo ah mid fidhiidh ah.
Waxa  la filayay inay  dib u bilawdaan  wadahadalo hore ugu furmay Xukuumadda Somaliland iyo Dawladii lagaga guulaystay  doorashada ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif oo beesha caalamku dabada ka waday, isla markaana uu Madaxweynaha cusub ee Somalia markii uu doorashada ku guulaystay sheegay inuu sii wadayo wada hadalkaa sida uu dhigayay heshiiska is fahamka ee beesha caalamku u kala saxeexday Dubia badhtamihii sanadkan.
Sidoo kale wararka sheegaya magcaabista labadaa xubnood ee aan weli la si rasmi ah loo shaacin, ayaa soo baxay, iyadoo ay magaalada Muqdisho shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland safar ugu baxeen, kuwaas oo ka mid noqday kooxaha hore u joogay halkaa oo ka tegey dhinaca qurbaha, isla markaana hunguri ka qaba in laga qayb geliyo dawlada cusub ee Somalia. waxaana ugu danbaysay Haweenay lagu magcaabo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah  haweenay asal ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse seygeedu u dhashay Koonfurta Somalia.

Haweenaydan ayaa dhowaan Somaliland kaga dhawaaqday Urur siyaasadeed, kaas oo ka mid noqday ururadii ku hadhay wareegii hore ee qiimaynta Ururada, waxayna markaa ka dib hormood u noqtay koox ka mid ahaa Ururada hadhay oo ku doodayay in la reebay oo aanay ku qancin qiimaynta gudida, taas oo ugu danbayntii gaadhay inay maxkamadda sare ee Somaliland go’aan ay  kasoo saartay arrintaa ku cadaysay inay buuxin waayeen Ururada hadhay shuriidihii looga baahnaa ee xeerku tilmaamayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *