Aden(ANN)Dooni shixnad hub ah u sida kooxda Al-shabaab, ayaa kasoo shiraacatay xeebaha dalka Yamen todobaadkii tegey. Kadib markii ay Doonidaa oo ay  Al-Qaidada Yamen ee lagu magcaabo Ansaaru shareeca ay maalintii

 

Jimcihii ee todobaadkan Doonidaa oo sida hub noocyo kala duwan ah usoo direen dhinaca xeebaha puntland si loo gaadhsiiyo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalnta Koonfurta Somalia.
Sidaana waxa laga soo xigtay warar saraakiisha  dhinaca amaanka ee dalka Yamen, oo ay heshay  shebekada Araweelonews, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay Al-qadiada Yamen ee Ansaaru Shareeca iyo Ciidamada dalka Yamen dagaalo ku dhexmarayeen deegaamo ka tirsan dalka Yamen gaar ahaan deegaanada Koonfurta ee dhinaca magaalada Istiraatiijiga ah ee Cadan u dhow.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay ku jiraan hubkaa gantaalaha Roket loo yaqaan iyo hub kale oo laga iibsaday Ciidamada badda ee Yamen oo ay ku jiraan waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayay ciidamada Yamen xabsiga u taxaabeen kooxo Soomaali ah, kuwaas oo ay sheegeen in looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab iyo Ansaaru Shareeca oo ka dagaalanta Yamen.
Dhinaca kale shebekada Al-Jazira ayaa lagu baahiyay in sodoneeyo Soomaali ah oo sita qorayaha cul-culus ee RPG lagu arkay deegaanka Makula ee dhinaca koonfurta Yamen.
March 2012, ayay dawladda Yamen sheegtay inay dalkeeda soo galeen in kabadan 300 oo malayshiyada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia, kuwaas oo doonaya inay gacan siiyaan kooxda Ansaaru Shareeca ee dagaalka kula jira ciidamada Yamen.

Dhinacakale marar badan ayay kooxaha ka dagaalama Somalia hub sidan oo kale kasoo iibsadeen dhinaca dalka Ertria iyo Yamen sanadihii 2010 iyo 2011 ayay doonyo sida shixnado hub ah marar kala duwan ku xidhteen xeebaha dhinaca Puntland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *