Copenhagen(ANN) Dawladda  Denmark ayaa mar kale ku celisay inay danaynayso horumarka nabadgelyada  iyo dumuqraadiyada Somaliland, isla markaana ay  dhowaan ka  furanayso xafiis caasimada Hargeysa, taas qayb ka ah sida ay   indhaha  ugu hayso Xalladaha kala duwan ee Somaliland.  sidaa

awgeed ay kor u qaadayso Xidhiidhka ay la leedahay.
Mr. Christian Friis Bach oo ah Wasiirka iskaashiga Horumarinta iyo Isuduwida deeqaha caalamiga ah ee Dalka Denmark oo todobaadkan  ka qayb galay kulan dawladda Denmark Magaalada Copenhagen ee dalkeeda  kula yeelatay Jaaliyada Soomaalida ayaa lagu weydiiyay Mr. Christian  qorshaha dawladooda iyo Somaliland, wuxuuna  si cad u sheegay  inay Denmark  si wanaagsan indhaha ugu  hayso Xaallada Somaliland, isla markaana  talaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan tahay inay xafiis ka furtaan Maglada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.
Mr. Christian oo faahfaahin ka bixiyay halka ay maray hawsha xafiiska ay ka furanayaan Somaliland,  ayaa sheegay  inay  dhowaan diyaariyeen  masuulkii xafiiskaa madaxda ka noqon lahaa oo  ay raacin doonan masuul sarkaal  kaalmeeya,  isla markaana waxanu si cad u sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay  dawladdiisa Denmark ku rajo weyntahay inay xafiiskaa si  rasmi ah furato Bisha July ee Sanadkan.
Wasiirka iskaashiga Horumarinta iyo Isuduwida deeqaha caalamiga ah Christian Bach ayaa socdaal ku yimi  Hargeysa Dabayaaqadii bishi Jenewary ee Sandkan, isagoo  la kulmay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), waxaanu xiligaasi ku dhawaaqay in Magalada Hargeysa ay dawladiisu ka furan doonto Xafiis. Wuxuuna waxyaabaha uu  qaban doono xafiiska dawladdiisu ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo waqtigaa sharaxaya  yidhi; “Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliyeyaal ah waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dedaalka lagu kobcinayo waxbarashada, annagoo la kaashan doona dawladaha hoose ee la doortay.”
Mr. Christian Booqashadiisa xiligaa ayaa daba socotay booqasho uu Somaliland ku yimi Nov, 2010,  Mr. Soren Pind oo ahaa Wasiirkii hore ee  Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark  ee isaga ka horeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *