Muqdsiho(ANN) Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa gebi ahaanba ku gacan saydhay qorshe uu watay ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga, kaas oo  doonayay in shir loogu qabto Somaalida  Nairobi bisha April, wuxuuna socdaal

uu shalay ku tegey magaalada Muqdisho ku wargeliyay masuuliyiinta dawladda iyo baarlamaanka inay kasoo qayb galaan shirkaa.

Laakiin kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdsiho Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee dawlada taagta daran ee uu Hoggaamiyo ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdullaahi, ayaa gebei ahaanba ku gacan seydhay shirka  uu Ergeyga Gaarka ah ee QM uu damacsanaa in uu ku qabto magaalada Nairobi bisha April.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga ayaa tegey magaalada Muqdisho shalay si uu Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ugu marti qaado shirka Nairobi, oo uu ku tilmaamay in uu yahay wada tashi ah, balse aan lahayn awood go’aan qaadasho, balse go’aanka golaha wasiirada ee dawladda taagta daran ayaa waxba kama jiraan ka dhigay qorshaha Mahinga ee hindisaha shirkaa. Xukuumadda Raysal wasaare Farmaajo  waxay caalamka ka codsatay in iyada looga dambeeyo go’aanka iyo waxa laga yeelayo arrimaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan, oo isagu ka mid ah Madaxda shirka lagu marti qaaday ayaa ku tilmaamay in uu ka baaran degayo jawaaabtiisa.

Baarlamaanka dawladda taagta daran ee Somalia ayaa mudo saddex sannadood ah korodhsaday xilka 4 February 2011, waxaana ay talaabadaasi ka cadhaysiisay qaar ka mid ah dawladaha taageera arrimaha Somalia, kuwaas oo ku tilmaamay mudada ay baarlamaanku ku darsadeen xilkooda mid aan loo baahnayn, balse Baarlamaanka ayaa ku adkaysatay go’aankooda, isla markaana dawladda taagta daran ee Sh. Shariif ayaa waqtigaa ka muquuratay aragtideeda ku wajahan mudada baarlamaanku ku darsaday.
Muda korodhsiga xiligaa ee Baarlamaanka Somalia oo u muuqday mid beesha caalamku ku kala  qaybsantahay ayaa kusoo beegmay markii ay soo baxeen hadal hanta hindisaha shira ay qorashaynayeen Qramada Midoobay iyo qaar ka mid ah wadamada arrimaha Somalia ugu cad cad.

Hase yeeshee Golaha wasiirada Dowladda taagta daran  ayaa iyaguna dhinacooda todobaadkii hore soo saaray  go’aan ay mudada xilka dhamaadkooda  ku kordhisanayaan sannad, taas oo meesha ka saaray  qorshihii doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo baarlamaanku hore go’aan ugu gaadhay in la qabto bilaha August iyo July ee soo socda, waxayna golaha Xukuumadda taagta darani ku doodeen in muda kordhintoodu tahay sharci, balse aanay muda kordhintii hore ee Baarlamaanka oo ahayd Saddex sannadood aanay waxba ka jirin. Laakiin Baarlaanka ayaa dhinacooda ku doodaya inay yihiin awooda sharci dejinta ee samayn karta mudo kordhin marka ay dhamaato mudada xilka Hay’addaha dastuuriga ah.

Talkaabooyinkaa muda kordhinta ayaa ah khilaaf weyn oo aan xal laga gaadhin
oo u dhexeeya labada dhinac dawladda taagta daran ee Somalia, isla markaana waxa muuqata in aanay labada dhinac ee dawladda iyo Baarlamaankuba raali ka ahayn shirka ay ku baaqeen qaramada Midoobay. Si kastba ha ahaatee waxa muuqata inay arrimaha Somalia u sii socdaan kuwo cirka ku laalmaya oo ay gebi ahaanba ku kala qaybsan yihiin dhinacyada dawladda taagta daran iyo beesha caalamkuba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *