Muqdisho(ANN) Dawlada Federaalka Somalia ayaa baahisay warar been oo maqluubka loogu roggay heshiiska shalay 13 April ay labada dawladood ee

 

Somaliland iyo Somalia ku wada saxeexeen Madaxtooyadda Dalka Turkiga ee Ankara.
Heshiiska oo ka koobnaa todoba qodob, waxa qodobka ugu danbeeyay durba jebisay dawlada Federaalka Somalia oo heshiiska qodobadaasi nuxur ahaan ka kooban yihiin si khaldan u baahisay, taas oo ka hor imanaysa qodobka 7aad ee Heshiiska.
Qaabka loo baahiyay qoraalka qodobada heshiiska oo gef ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana ay ku saxeexan tahay Wasaaradda Farfaafinta, Boostadda Iyo Gaaddiidka.
Qoraalka Xafiiska Warfaafinta Dowladda Federaalka  ayaa u qornaa sidan “(Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa galabta soo gabagabeeyay kulan ay ku yeesheen magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga.

Waxaa goordhow labada dhinac ay wada saxiixeen heshiis ka kooban toddoba qodob kuwaasoo ay labada dhinac ku heshiiyeen kadib kulankii maanta ku dhexmaray labada dhinac magaalada Ankara oo ay ku martigelisay dawlada Turkiga.

Haddaba waxaa warbaahinta Dowladda Soomaaliya soo gaaray qodobada heshiiskaasi oo sidan u dhigan;-

1- Labada dhinac dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland inay sii wadaan wadahadalada u socda isla-markaasna ay been-abuurka ka dayso Ummadda Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliya ayagoo si toos ah ugu hoggansami doono sharciga dalka ee Faraalka

2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray Dowladii kumeel-gaarka ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaasoo lagu soo afjarayo hamigii beenta ku dhisaa Ummadda Soomaaliyeed lagu waali jiray.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto joojinta lacagaha been abuurka, baasabooradda iyo wixii caqabad ku noqon kara jiritaanka Ummaaadda Soomaaliyeed ee ay fowda horay ugu horseedeen Maamulka Somaliland.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka qaranka Soomaaliyeed ayadoo uu soo magacaabi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Saraakiisha sare Maamulka Somaliland taasoo ah wixii maanta ka dembeeya Maamulladda Dalka ka dhisan ee ku shaqayn doono nidaamka Fadaraalka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ay ka ka hesho sida Maamulka Puntland, Jubbaland, Soomaali Mayland, Maamulka Xiban Iyo Xeeb, Maamulka Galmudug iyo kuwa kale oo dhismi doono.

6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto dalka gudihiisa si loo soo afjaro beenta ay in badan ku jahwareerinayeen beesha Isaaq Ummaadda Soomaaliyeed, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda taasoo lagu soo afjari doono beenta iyo jahwareerka ay Maamulka somaliland ka waday dalka Soomaaliya taasoo ay si toos ah ugu ceebowday markii ay si qayaxan Bulshadda Caalamka ugu sheegeen inay sina lagu kala goyn doonin Qaranka Soomaaliya.

Heshiiskan dhanka Dowwlada Fadaraalka Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane C/kariinXuseen Guuleed, dhanka maamulka Somaliland waxaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Mudane Maxamed C/laahi Cumar.

Saxiixa heshiiska oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wufuuda labada dhinac iyo masuuliyiinta Dowlada Turkiga.

Heshiiskan toddobada qodob ah ayaa ka dambeeyay kulan hal saac qaatay oo madaxweyne Mudane Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ku wada yeesheen xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyadoo uu goobjoog ka ahaa kulankaasi wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Kulankaasi ka dib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo waxay kulan albaabada u xiran yihiin ay la yeesheen Raysul Wasaaraha Turkiga Rajjeb Deyib Erdugan iyo Madaxweynaha Turkiga Cabdallah Goul oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada ee magaalada Ankara.

Beeni raadi ma leg marka Urukra Waddamadda Barwaaqo Sooranta ee G8 ayaa runta u sheegtay marka wixii soo kordha waanu idin la soo socodsiin doonaa.

Wasaaradda Farfaafinta, Boostadda Iyo Gaaddiidka
Xafiiska Warfaafinta Dowladda” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadlin arrintaa, iyadoo ay suurta gal tahay in aanay waxba kala socon qaabka warbaahinta dawlada Somalia iyo kua gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya laga maamulo ay  dagaalka ugula jiraan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, kuwaas oo baahiya dacaayado ka dhan qaranimada Somaliland, isla markaana ku tilmaamaya Somaliland maamul dunidu iska soo xidhay sida ka muuqata qoraalkan, taas ay ku sheegayaan in ugu danbayntii khasab lagaga dhigay Somalialnd inay hoos tagaan dawlada taagta daran ee Somalia oo dalad ay u yihiin ciidamada AMISOM.

Nuxurka Qodobada heshiiska labada dhinac oo rasmi ah ka akhriso halkan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *