Hargeysa(ANN)Dacawada shirkadda Telesom  ku wado Tafaftiraha shebekada wararka ee Araweelonews, Carraale M. Jaamac, ayaa loo balamay maalinta Axada ee 2 jan 2011. Kadib markii dib u dhac ku yimi sabtidii todobaadkii hore ee 25 Dec 2010, oo

 

Garsooraha Maxkamadda  ee dacwada qaaday dib ugu mudeeyay guda galka dacwadaa.
Iyadoo Maxkamadda Gobolka Hargeysa qoraal saman ah usoo dirtay Tafaftitaha Shebekadda Araweelonews,  kaas oo ku taariikhaysanaa  01/12/2010,  isla markaana  Maxkamaddu ku wargelisay suxufigaa inay u taalo  dacwad ka dhan ah. Sidaa awgeed uu maxkamadda horteeda ku yimaado mudada loo cayimay oo ah 02/12/2010 . Haddii uu ku iman waayana laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintaa, balse mar kale loo cayimay kiiska 2 jan, 2011. Kadib markii qareenka u doodaya shirkadda Telesom ku andacooday inuu soo saxayo qoraalka dacwadii uu hore ugu soo gudbiyay Maxkamadda. 
Dacwada shirkadda Telesom ku wado Tafaftiraha shebekada Araweelonews, ayaa la xidhiidha  Kadib markii Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom oo adeega Zaad ee ay dhowaan dalka keentay ku yimi khalkhal horaantii Sep, 2010, isla markaana dhacadadaa lagu baahiyay shebekadda Araweelonews oo wax ka qortay khalkhalkii ku yimi Adeega Zaad iyo mushkiladihii ay dadka isticmaala kala kulmeen maalintaa iyo sidoo kale warar sheegayay inay sabab u ahayd khal khalka ku yimi Adeegaa in si tuuga ah looga dhacay shirkadda lacag ku dhow $ 100, 000 USD,  taas oo si weyn uga cadhaysiisay shirakadda Telesom.
Shirakadda Telesom oo ku caanbaxaday inay awood dhaqaalle u adeegsato saxaafada ayaa hadda qorshaysay  inay kiiska u adeegsato awood dhaqaalle oo ay doonay inay ku meel marsato sida ay doonay, isla markaana loo ciqaabo Tafaftiraha shebekadda Araweelonews ee gudbiyay mushkilada ka dhalatay adeega Zaad ee aan isku halaynta lahayn.
Si kastaba ha haatee Dacwada ka dhanka ah Tafaftiraha wararka ee Araweelonews,  ayaa u muuqata mid la doonayo iyadoo dhaqaale badan la isticmaalayo in lagu hor istaago xoriyada saxaafada iyo  xaqa ay bulshadu u leedahay inay ogaato dhacdooyinka iyo wararka la xidhiidha nolosha ee ay saxaafadu soo gudbiso, taas oo ah waajib dastuuri ah, isla markaana shebekadda Araweelonews  iyadoo gudanay waajibkeeda saxaafadeed kama indha qarsanayso waxyaabaha dhacdooyinka iyo wararka ee saamaynta ku leh Bulshadeeda.

 

Related articles

Adeega Zaad Iyo Isgaadhsiinta Telefoonada Ee Telesom Oo Hawada Ka Maqnaa Saacdo Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Suuqyada Ganacsiga

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *