Hargeysa(ANN)In ku dhow hal milyan oo qof ayaa saaka u dareeray codbixinta  doorashadda Goleyaasha deegaanka oo saaka si rasmi ah uga bilaabantay magaalooyinka iyo dhamaan deegaamada Somaliland, iyadoo magaalooyinka qaar xalay ay dadku sii galeen

 

safaf dhaadheer.
Codbixinta ayaa guud ahaan si nabadgelyo ah u bilaabantay, marka laga reebo degmada Lughaya oo haweenay ku dhaawacantay. kadib markii uu rasaas furay askari booliska ah.
Doorashada Goleyaasha deegaanka, waxa  ku tartamaya in ka badan 2000 oo qof iyo laba xisbi iyo shan urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa codkiisa ka dhiibtay saaka xarunta Huteelka shaqaalaha, iyadoo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
iyo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ereyo kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashadda deegaanku dalka uga qabsoonto si nabadgelyo ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
“Saaka codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay goobtan. Inshaalaahu Tacaalaa waxaynu rajaynayaa in Illaahay ummaddeena iyo dalkeena guul uga dhigo doorashada” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Dhinaca kale goobaha magaalooyinka iyo degaamada qaar ayaa dib u dhac ku yimi xiligii loogu talagalay in la furo. Doorashada ayaa u muuqata mid ay durba bilaabeen dadku kagaalooyinka qaar iyo goobaha qaarkood ay ku noq-noqdaan, iyagoo goobaha codbixinta meelo aan ka fogayn la taagan waxyaabo dareere ah oo ay khadka gacanta loo marinayo ku masaxayaan.
“Waxan codeeyay sadex jeer oo aan laba qof oo kala duwan oo laba Urur ka kala sharaxan u codeeyay, welina waxaan rabaa inaan sii wado ilaa inta aan tooban jeer codaynayo” sidaa waxa tidhi gabadh dhalinyaro ah oo ay la kulmeen koox suxufiiyiin ah oo mararay goobaha caasimada qaarkood.
Muuqaalada goobaha ayaa la arkaa inay jiraan caruur yar yar oo meelaha qaarkood safafka ku jira iyo kuwo ay la kulmeen weriyayaal ka socday shebekada araweelonews oo qayb ka ahaa kormeerka doorashada, caruurtaas oo u badan wiilal iyo gabdho, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale muujiyeen in nidaamka doorashada oo debecsan iyo waraaqihii aqoonsiga ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee meesha laga saaray ay fududeeyeen inay dadku ku noq-noqdaan codbixinta iyo inay caruurta aan sharcigu u ogolayni goobaha qaar safafka ka galaan oo ka codeeyaan.
Dhinaca kale dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka ayaa gebi ahaanba yaraaday magaalooyinka waxaana haawanaya wadooyinka waaweyn oo saxmada ahaan jiray magaalada Caasimada oo kale, mana jiran gaadiid soconaya marka laga reebo baabuur ay komishanka iyo axsaabta siyaasaddu wataan oo la siiyay numbaro taarikooyin gaar ah.
Weriyayaasha Shebekada Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *