Hargeysa(ANN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa caawa cawayskii xabsiga  u taxaabay Agaasimihii Guud ee wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland Mr. Maxamuud Raagge oo xilkaa iska casilay todobaadkii hore Feb, 13  2012. Kadib markii uu sabab uga dhigay is casilaadiisa musuq-maasuq iyo

maamul xumo uu dusha ka huwiyay Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, kuwaas oo sidoo kalena uu sheegay inay ka danbeeyaan Urur siyaasadeedka Nasiye ee dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddu kasoo saartay xadhiga Agaasimahaa, balse warar kala duwan oo shebekada Araweelonews heshay, ayaa sheegay in Agaasimhii hore ee arrimaha debeda caawa caweyskii ciidamo ka kaxaysteen gurigiisa oo ku yaala Degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa. Iyadoo la geeyay xarunta CID, ee baadhista denbiyada. warar kale ayaa sheegaya in  la saaray xayiraad dhinaca safarka ah, balse aan weli xabsiga loo taxaabin, isla markaana amar xalay lagu bixiyay in lasoo xidho la hakiyay oo dib looga celiyay ciidanka doonayay inay soo qabtaan Agaasimaha xilka iska casilay.  Masuuliyiinta Ciidanka Booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino xadhiga Mr. Maxamuud Raagge ayaanay noo suurta gelin.
Wasiirka Arimaha  gudaha  Duur Carraale ayaa shalay  Madaarada dalka dhigay amar ku saabsan  in la qabto Maxamuud Raagge Agaasimii iska casilay wasaaradda arrimaha debeda haddii ay ciidamada Boolisku arkaan inuu dalka ka baxayo, iyadoo gebi ahaan ciidanka laanta  socdaalka la siiyay amarkaa.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha debeda ayaa warbaainta kusoo noq-noqonayay  dhawrkii maalmood ee u danbeeyay. kadib markii lala xidhiidhiyay fadeexadahaa musuq-maasuq iyo maamul xumuda uu daaha ka fayday agaasimhiisii, iyadoo  wasiirka Arimaha  debedu ku dooday inaanu waxba ka jirin eedaymahaa, isla markaana uu dalbaday hantidhawrku  inuu baaddho wasaaradda arrimaha debeda.
Sidoo kale warbaahinta dawladu maamusho gaar ahaan telefishanka qaranka ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay laga baahinayay jawaabo  la doonayo in meesha lagaga saaro fadeexadaha musuq-maasuq ee masuulka is casilay shaaciyay, iyadoo laga arkayay caawa shaashada Telefishanka Qaranka  oo wararkii uu baahin lahaa iyo barnaamiyadiisuba noqdeen jawaabta Agaasimihii xilka iska casilay oo warkiisa beeniyaan  masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aan shaqo ku lahayn wasaaradda arrimaha debeda iyo shaqsiyaad kale, kuwaas  oo la fuulay agaasimihii is casilay weerar  iyo aflagaado  ku wajaahan shaqsiyadiisa qof ahaaneed.
Dhacdada xadhiga Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha  debeda Somaliland  iyo jawaabaha weeararka lagu ekaysiiyay ee warbaahinta dawladda kaga socday tan iyo markii uu todobaadkii hore xilkaa iska casilay ayaa noqday kuwo ay ra’yal caamka bulshadu is weydiinayeen sababta loo eryanayo muwaadinkaa ka  gil-gishay fadeexadaha musuq-maasuq iyo maamul xumo  ee weliba xabsiga loogu daray. Iyadoo is casilaada masuulkaasi durba sabab  u noqotay dhawaaqyo khilaaf oo soo kala dhexgalay hogaanka sare ee xibiga KULMIYE iyo xukuumada oo  kasoo jeedo  xisbigaa. kadib markii gudoomiye xigeenka koowaad ee KULMIYE, isla markaana ah ku simaha Gudoomiyuhu si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fadeexadaha musuq-maasuq iyo lunsiga hantida qaranka ee lagu eedeeyay wasaaradda arrimaha debeda, taas oo keentay in nin lagu magcaabo Jaamac  Shabeel oo Telefishanka dawlada ka hadlay caawa ku hanjabay in gudoomiyaha KULMIYE xilka laga qaadayo, isla markaana aanu xaq u lahayn inuu ka hadlo arrimahaa lagu canbaaraynayo xukuumadda, iyadoo jawaabta Jaamac shabeel iyo weedhaha uu gudoomiye xigeenka KULMIYE u mariyay warbaahintu ahaayeen kuwo si weyn uga yaabiyay rayal caamka Bulshada, kuwaas oo ay dadku qaarkood ku tilmaameen fadeexado hor leh iyo khilaaf  kusoo waajahan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa iyo sidoo kale xisbiga gudihiisa oo dhacdooyinkani muujinayaan inay jirto kala qaybsanaan weyni, taas oo horseedi karta bur bur aan loo baahnayn waqtigan oo saamayn ku yeesha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *