booliska puntland
Boosaaso(Araweelo News Network)Taliyaha Qeybta Baliiska Gobalka Beri , Abdiraman Cali Cabaas ayaa sheegay in xalay saqbadhkii ciidanku qabteen dad falal argagixiso doonayay in ay ka fuliyaan

goobo aanu cayimin. Kadib markii qarax laga maqlay meel xaafad ka mid ah magaalada Boosaaso.
Waxa uu sheegay in markaa ka dib ay Boolisku baadhitaan kusoo qabteen 10 qof oo guri ka mid ah xaafad ka mid ah magaalada Boosaaso ku jiray, kuwaas oo uu sheegay in waxyaabihii ay ku xidhayeen qaraxyada lagu diyaarinayay goobtaa ku qarxeen, isla markaana qaarkood dhaawacyo soo gaadheen.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolada Bari ee maamul goboleedka Puntland Maxammed Maxammuud Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda la qabtay iyagoo diyaarinaya qaraxyada, isla markaana baadhitaano ku socdaan, balse waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin dadka la qabtay oo isugu jira rag iyo haween Ururka Al-shabaab ee xidhidha la leh Al-Qaida, isla markaana sharciga la horgaynayo dadkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *