Britain(ANN) Dawlada Britain ayaa  ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland inay si deg deg ah uga baxaan dalka. kadib markii sida laga soo xigtay dublamaasiyiin ka tirsan xafiiska arrimaha debeda ee Britain ay heleen macluumaad la xidhiidha sida ay suurta gal u tahay

inay kooxaha argagixisadu ku filayaan muwaadiniintoda ku sugan halkaa  afduub la xidhiidha arrimo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo dilal loo bedelo kuwo aragagixiso oo ay suurta gal tahay inay ka dhacaan Somaliland.

Sidoo kale wararka laga soo xigtay xafiiska arrimaha debeda ayaa lagu sheegay in aanay muwaadiniintoodu aanay tegi karin Somaliland ilaa inta ay xaalada wax iska bedelayaan, iyadoo aanay Britain si cad u sheegin xaalada khatarta ah ee gelisay cabsida ay muwaadiniinteeda kagala baxay Somaliland oo ay la hayd xidhiidh dublamaasiyadeed oo taariikhi ah, iyadoo aanay muuqan waxyaabo sabab u noqon kara dhawaaqa dawlada Britain ee ku waajahan nabadgelyada Somaliland oo ah meelaha mandaqada ama aduunka ugu nabadgelyada badan.

Hase yeeshee wararka qaylo dhaanta ah ayaa kusoo beegmay maalmo yar ka dib markii Britain, Germany, Netherland iyo Canada muwaadiniintooda kala baxeen dalka Libiya, iayaga  oo ay sheegay  inay magaalada Benghazi  noqotay dugsiga nacaybka reer galbeedka. Laakiin Somaliland oo ka fayaw falalka argagixisada iyo fowdada ka taagan wadamadaa ma muuqdaan sababo loola xidhiidhiyo wadamadaa qalalaasuhu ka taaganyahay.

sidoo kale dhawaaqan dublamaasiyadeed ayaa kusoo beegmay iyadoo ay xaalad kacsani ka taagatan tahay woqooyiga afrika, isla markaana ay ciidamada Faransiisku dagaal kula jiraan malayshiyada ka dagaalanta dalka Mali ee lala xidhiidhiyay kooxda Al-Qa’ida, isla markaana kacdoonada ka dhacay dalka Masar ee xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak aanay sal dhigin, iyadoo Madaxweynaha dalka Masar ay dhowaan warbaahinta reer galbeedku shaacisay waraysi uu bixiyay ka hor intii aanu talada dalka ku guulaysan oo uu ku sheegay in aanu aqoonsanayn dalka Israa’il, taas oo cabsi ku abuurtay dalalka reer galbeedka, isla markaana ay xaalada dalka Masar weli ay ka jiraan kacdoono aan la saadaalin karin halka ay caga dhigan doonaan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay si sadex xagal ah isgu xidhmaan.
si kastaba ha ahaatee waxa muuqata cabsi soo waajahday wadamada reer galbeedka oo ka cabsi qaba natiijada kacdoonadii ka dhacay dalalka Masar iyo libiya oo aan weli sal dhigin. kadib markii ay kooxo wadaado ah oo lala xidhiidhinayo muslimiinta mayalka adag ay hogaanka u qabteen. sidoo kale waxa laga cabsi qabaa inay dawlada Faransiisku weeraro ku qaado kooxda Al-shabaab oo dhowaan weerar ay ku doonayeen kamaandowsta faransiisku inay kusoo furtaan sarkaal afduub looga haystay ay weji gabax kala kulmeen weerarkaa. kadib markii laba askari oo kuwii weerarka qaaday lagaga dilay, isla markaana kooxda Al-shabaab ay khaarajiyeen ninkii ay afduubka u haysteen.

Faallo March  2012 laga qoray xaalada kacdoonada Galbeedka  Afrika  Gasiirada Carabta iyo dhaqdhaqaaqyada Somalia ka akhri halkan

Sadex-xagalka Istiraatiijiyadda Cusub Ee Al-Qaida Somalia, Gasiirada Carabta Iyo Galbeedka Afrika , By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *