Dhinaca kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa soo saaratay qodobo loogu talo talagalay nidaamka Eedaanka si aanay dadku ugu jaahwareerin, kuwaas oo lagu amray Culimada Iimaamyada Masaajidada iyo mu’adimiintu inay raacaan.

Qoraalka Wasiirka ee lagu farayo Iimaamyadu inay dhawraan nidaamka eedaanka, ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Kahliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo saaray sadex qoddob oo uu tilmaamay Bisha Barakaysan ee Ramadaan in lagu Nidaamiyo Eedaanada Salaadaha, gaar ahaana Salaada Subax, waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray u dhignaa sidan:- Xiliyadda Eedaanka bisha ramadaan ee Barakaysan 1433 Hijra 2012 July/Augusta

Marka hore Mahad dhamaanteed waxa yeeshay Illaahay oo ina soo gaadhsiiyey fadliga bishan Ramadaan, waxa aan Illaahay inooga baryayaa inuu inoo barakeeyo bisha Ramadaan Fadligeedana inagu manaysto Amiin.

Walaalayaal sidii aynu horeba u sheegnay waxa haboon in xilliyada salaaduhu joogaan mar keli ah laga wada Addimo masaajidada si aan dadka tashuush ugu dhicin. Waliba xilliyadda Addinku marka uu isku midka yahay waxa ay muujinaysaa nidaamkeena iyo dadka oo xilliga barta, gaar ahaan Salaadda subaxii iyo labadeeda Eedaan oo aynu  go’aaminay inaga oo khilaaf ka baxsanayna in lagu dhaqmo sidan:-
In Eedaanka hore ee subaxii aan lagu darin Erayada ah Assalaatu khayrun mina nowm,  balse lagu daro Eedaanka danbe ee waaberiga ee ay salaaddu joogto

In labada Eedaan ee Subaxa ay u dhaxayso 40 daqiiqo
In Salaadaha Dhamaan Eedaankooda iyo Aqiimistooda ay u dhaxayso Haddii ay meeshu Xaafado tahay 20 daqiiqo, haddii ay Suuq tahayna 15 daqiiqo

Ugu danbayn waxa aan idinka rajaynayaa in Nidaamkan aad ilaalisaan, Ilaalahyna aad ka cabsataan masuuliyadda idin saaranna aad Illaahay dartii u gudataan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland soo saaray, caawa oo dunida Islaamka laga dhawaaqay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa kaga duwan sanadkii hore oo ay dunida Islaamka soo martay 26 sanadood ka dib Ramadaantii saacadaha ugu baddan la soomayay, iyadoo 14 saacadood iyo dheeeraad la soomay maalmihii ugu danbeeyay ee ramadaantii kal hore, balse waxa la saadaaliyay inaanay bishan ramadaan ee sanadkan ahayn sida tii kal hore.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

 

//

 

 

]]>

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *