cabdow AayarBoorama(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayar ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Boorama kaddib kudhawaad laba bilood oo uu dalka debeddiisa ugu maqanaa

arrimo caafimaad .
Badhsaabka oo kulan albaabadu u xodhaanaayeen kula yeeshay xafiiskiisa qaar ka mid ah madaxda laamaha dawladda, shacbiga iyo hogaamiyedhaqmeedyo iyo sidoo kale qaar ka mid ah xildhibeenada Golaha degaanka Boorama, kuwaas oo inta badan dhaliila maamulka golaha deegaanka.
Kulankaa oo aanay labada dhinac midkoodna ka hadal ,ayaa waxa ka maqnaa Maayarka magaalada oo hawlo shaqo u jooga caasimadda Hargeysa.
Dhinaca kale Badhsaabka gobolka, Cabdoo Axmed Aayar, ayaa  xafiiskiisa kulan saxaafadeed u qabtay warbaahinta maxalliga ah  isagoo kulan saxaafdadeedkaasina kaga warramay arrimo door ah oo khuseeya fasaxiisa ,faaiidooyinka laga helay isku shaandhaynta badhsaabada dalka,faraqa u dhexeeya  wakhtigii uu  fasaxa caafimaad kaga maqnaa gobolka iyo haatan oo uu dib ugusoo laabtay, isagoo dhinaca kalena badhasaabku baaq ku saabsan wax ka qabashada Ayaxa hareereeyey degaanno ka tirsan gobolada Awda iyo Selel.
Wuxuuna Badhsaabku isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan in muddo ah ku maqnaa dalka debediisa oo aan arrimo caafimaadkayga la xidhiidha ugu maqnaa, waxan ammaanayaa shacbiga gobolka ee intaan ka maqanaa dantooda gartay, soona dhaweeeyey Madaxweynaha dalka.
Runtii waxa uu ahaa socdaal taariikhi ah waxna ka beddelay guud ahaanba dalka iyo gaar ahaan gobolka Awdal, waxaan soo laabtay shacbigii oo maanta taageeraya xukuumaddooda iyo Madaxweynahooda,iyagoo uga mahadcelinaya mashaariicdii horumarinta ee uu waxna furay waxna dhagaxa dhigay,waxa kale oo an soo laabtay wakhti Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisaasi ku xaqiijyey soohdimaha dalka, socdaalkiisii Laasqorayna uu albaabada u xidhay damacii cid kasta kaga jiray  degaanadaasi, Awalba xukuumadda iyo Madaxweynahaba waa la taageeri jiray laakiin maantay reer awdal caddaysteen”
Dhinaca kale badhsaabka Awdal Cabdow Aayar ayaa iskushaandhaynta Badhsaabada dalka ku tilmaamay mid muujinaysa dawladnimada ,isagoo yidhi, ‘haddii la raaco habkii loo magacaabay gobolada dalka waxad iska ogtihiin inuu ku salaysanyahay beeleysi iyo wax la mid ah, haddii masuul kasoo jeeda degaanadaasina loo magacaabo gobol kastana waxa uu u ekaanayaa uun maamul gobol oo beeleysan, maanta idinma barteen intiinan halka fadhida ,iyo in kaleba, waana calaamadaha dawladnimada”.
Ugu dambayntiina badhsaabka Gobolka awdal waxa baaq u diray xukuumadda, Wasaaradeheeda iyo hay’addaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay inay wax ka qabtaan Ayaxa guurya ee hareereeyey gobolada galbeedka gaar ahaan Gobolka Awdal, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “waxaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo ha’addaha dawladda sida wasaaradda Beeraha iyo kuwa caalamiga ahba ugu baaqaya inay wax ka qabtaan baabiinta ama la dagaalanka Ayaxa ku baahay daafaha gobolka Awdal, Ayaxaasi aasayaa koronkorada ,sannadaha dambena wuu kasii khatarsanaan doonaa kan maanta aynu u utaalka la’nahay wuxuu baabiinaya dalaggii   ,deegaankii iyo wax kastoo nolosha dadku ku xidhantahayba ee dhulka kasoo baxa” ayuu yidhi Cabdow Aayar.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *