Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUUM XAAJI AXMED XAAJI MAXAMUUD CABDI (XAAJI ACTOOBER) oo ku geeriyooday Dalka dibediisa

laguna aasay 30/11/2012, Magaalo Madaxda Goblka Togdheer ee Burco.

Xaajigu waxa uu ka mid ahaa odayaasha gobolka magaca iyo maamuuska ku leh sidoo kale waxa uu marxuumku ka mid ahaa oday dhaqameedka gobolku ku faano marka ay noqoto wada jirka bulshada ku dhaqan gobolka oo uu mar walba jeclaa wada noolaanshahooda iyo inay wax wada qabsadaan.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii uu ka baxaydayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *