Hargeysa(ANN)Agaasimaha Xarunta Komishanka Qaranka ee Xanuunka HIV/AIDS, Maxamed Daahir ayaa soo bandhigay macluumaad lagu ogaaday khatarta xanuunkaa, iyadoo tirada dadka la baadhay oo laga ogaaday ay yihiin dadweynaha iska baadhay ee dhiigaga laga qaaday

 

oo tegey goobaha caafimaadka iyo haween ku umulay cisbitaalada, ama lagu baadhay xarumaha dhalaanka iyo caruurta.

Agaasimaha ayaa sidaa ka sheegay  Munaasabad balaadhan oo lagu xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan manta oo taariikhdu ahayd 1 Decembar  2012, taas oo lagu qabtay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

 

Munaasibadaa waxa ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Muxumud (Xuseen Xoog),  Agaasimaha Xarunta Kumishinka Aids-ka  Maxamed Daahir, saraakiil iyo hawl-wadeeno ka kala socday ururada bisha case e Somaliland iyo Dalladda Sahan ee wada shaqaynta la leh hay’adaha ka shaqeeya wacyigelinta xanuunkaa.

Munaasibadaa waxa sidoo kale  goob jog ka ahaa  tiro badan oo ka mid ah dadka la nool cudurka HIV-AIDS, iyadoo lagu soo  bandhigay riwaayad ka turjumaysa dhibaatooyinka Aids-ka, qaabka looga hortegayo iyo hanaanka ugu haboon ee lama huraanka u ah sida loola dhaqmayo dadka la nool xanuunka HIV-ga.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Xoog oo ka hadlay munaasibadaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababaha dhaliyey in maalmo gaar ah loo sameeyo arrimaha ay ka mid yahiin Aids-ka,  isagoo arrintaa  ku sifeeyay mid   looga dan leeyahay baraarujin dadweynaha ku waajahan si loogu istaago looguna midoobo wax ka qabashada dhibaatada cudurkaa.

Agaasimaha Komishinka Aids-ka Maxamed Daahir oo warbixin ku saabsan qiyaasta uu wadanka ka marayo Cudurka HIV /Aids ka jeediyey halkaa ayaa sheegay in weli uu taagan yahay xanuunku  1.3% , halka sidoo kalena uu sheegay in sanadihii u dhexeeyey 2004 ilaa 2012 tirada dadka la baadhay ay gaadhayso Labaatan Kun sadex Boqol iyo Konton iyo Kow ruux oo sadex iyo Toban kun iyo labo boqol iyo kow iyo todobaatan ka mid ahi ay ahaayeen haween.

Maxamed Daahir oo ka warbixiyay xanuunka, isagoo  yidhi,  “Waxaan jecelahay inaan faahfaahin kooban idinka siiyo xanuunka iyo halka uu dalka ka marayo, marka aanu eegno cilmi baadhis aanu samaynay wali waxa uu taagan yahay 1.3%, marka aanu dib u eegno dadka la baadhay 2004-tii ayuu bilaabmay hawsha baadhitaanku iyo wax ka qabadka HIV, mudadaasi ilaa maanta wakhtigii u dhaxeeyey waxa la baadhay 20,758 (Labaatan Kun todoba boqol iyo sideed iyo konton ), kuwaasi oo kala ahaa 10,316 (toban kun sadex boqol iyo lix iyo toban) dumar ah, 10469 (Toban kun afar boqol iyo sagaal iyo lixdan) rag ah, waxaana mudadaasi dadka la baadhay laga helay 1,575 (Kun shan boqol iyo shan iyo todobaatan) dumar ah iyo 1,239 (Kun laba boqol iyo sagaal iyo sodon qof),rag ah. waxaana isku gayn mudadaa  laga helay xanuunka  2,814 (Laba kun sideed boqol iyo afar iyo toban qof).ayuu yidhi.

Agaasimaha xaruntaa Maxamed Daahir, waxa uu iftiimiyay marka loo eego xogta  sanadkan ee gobolada  laga helay oo noqonay Feb, 2012 – August 2012 tirada dadkii la baadhay oo noqonay 20,351, isla markaana la barbar dhigo mudada  dhawrka sanadood ahayd iyo  inta  tirada  la baadhay mudada sideedda  bilood ahayd  ay  isku dhaw dhaw yihiin, kuwaas oo  13, 271 (Sadex iyo toban kun laba boqol iyo kaw todobaatan) ay  dumar ahaayeen, halka ay raggu ahaayeen  6, 880 (lix kun sideed boqol iyo sideetan), isla markaana tirada dumarka ee la baadhay laga helay xanuunkaa 266 (laba boqol lixdan iyo lix), iyadoo sida uu sheegay Agaasimaha Xarunta HIV/ADIS ee Somaliland tirada ragga laga helay noqotay  195 (boqol iyo shan iyo sagaashan), taas oo ka dhigaysa tirada Ragg iyo Dumar ee laga helay dadka laga baadhay xanuunkaa ka dhigay sideed bilood 461 (afar boqol iyo kaw lixdan),taas oo sida uu xusay marka loo qaybiyo  sideedaa bilood iyo wadarta guud ee la helay mudadaa ka dhigaysa in bil walba  58 qof oo qaba HIV la arko.
Dhinaca kale sanadkii hore ayay Komishanku sheegeen inuu jiro hoos u dhac ay sheegeen in cudurku hoos u dhacay, balse ma ay sheegin cadaymo muujinaya inay jiraan waxyaabo iftiiminaya, ama tilmaamaya inuu hoo s u dhac jiro, isla markaana waxa muuqata inaan si dhab ah loo ogayn halista cudurkaa oo kasoo talaaba xuduudaha dhinacyada Djibouti iyo Ethiopia, isla markaana aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn baaxada uu bulshada ka marayo iyio heerka xawaaraha uu ku soconayo. (Warbixin sanadkan 12 January 2012, halkan ka akhriso).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *