Aqlabiyada xildhibaanada golaha degaanka Gabiley ayaa fagaare ku shaaciyey in ay kalsoonidii kala noqdeen Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo Ku xigeenkiisa, isla markaana

 

waxay u mudeeyen 25/06/2014,  in ay hoolka dawlada hoose fadhi aan caadi ahayn ay xilka kaga qaadi doonaan Maayarka gebilay iyo ku xigeenkiisa oo Masuuliyiin cusub ay halkaa ku dooranayaan.
Mudanayaasha qorshahaa wata ayaa ku eedeeyay Maayarka iyo ku xigeenkiisa xil gudasho la,aan iyo Musuq maasuq aan xadlahayn oo ay uga faa’idaysteen xilka ay bulshada u hayaan.

Waxa kale oo ay ku sheegeen eedaha loo jeediyay labada masuul in ay xidhiidh dhow leeyihiin xubno ka mid ah golaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo Xildhibaano.

Haddaba intii ay iclaamiyeen Xildhibaanadani in ay ku soo maqan yihiin Maayar Shucayb
ayaa waxaa isku yaacyaacay intii la socotay maayarka si ay uga hortagaan weerarka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo labadaa masuul, inlayn horaa loo yidhi “Nin la sugayoow maxaad sugi”
waxaanay  ila ka agdhow xaalada Maayar Shucayb ay u sheegen Shabakada Arabsiyonews in maayarku goor aan habeen iyo maalin ahayn uu ka soo hayaamay Gabiley ,isagoo  dhinaca caasimada Hargeysa soogalay, taas oo uu ku doonayo  hiil uu  ka eegayo wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolka  oo ay saaxiibka dhow ahaayeen.

Maayar Shucayb wuxuu gooni gooni ugu tegey oo lasoo wada tashaday masuuliyiinta uu hiilka ka sugayay, waxayna taladii ku soo ururtay maxaa xal ah?
Sida ay sheegayaan tibaaxo laga helay kulamadaa waxay masuuliyiintii taladoodii ku soo ururtay dood odhanaysa, ” “waa 14 Xilhibaan oo awood muuqata ayay leeyihiin sidaa darteed waxa  taladii lagusoo gunaanaday laba qodob oo ay u arkeen in haday fulaan in uu kursiga Maayar Shucayb baaqi ku sii ahaan doono, waxyana labadaa qodob noqdeen sidan:-
1.in dib loo dhigo  taariikhda ay fadhiga aan caadiga ahayn ay ku dhawaaeen Xildhibaanadu
2.in Xildhibanda mooshinka ku dhawaaqay lakala jajabiyo oo lacag lagu kala  furfuro

Balanku maanta ayuu ahaa laakin waxaa ka cudur daartay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine oo sheegay  in ilaa maalinta Sabtida ah dib loo dhigo ,
waxaanad is odhankartaa Maayar shucayb iyo Xulafadiisi  waa ay ku guulaysteen in ay dib udhigaan Moshinkii walow markaad dhan ka eegto aanay badnayn  hadana mrkad dhinac ka istaagto waa mudo wax lagu furfuri karo
dhanka kale Xildhibanda Mooshinka ku soo oogay Maayarku ma isku kalsoonyihiin mana ka goantahay in ay isbadal sameeyaan taasna waxaynu udhaafi dhacdada malinta Sabtida iyo hoolka Dawlaa hoose ee Gabiley,mise ka dhabtahay lexejecladii ay ku dhawaaqayeen xiligay dhaliilayeen Maayarka ,waxaana tusaal fiican inoowada ah ciyaarta ay la shiryimaadan
waxa kale oo Mooshinkan iyo xaalada cirka isku shareertay ee Golaha degaanka Gabiley si wanaagsan indhaha ugu haya Dadwaynaha ku dhaqan S/land gaar ahaan kuwa Gabiley kana dhursugaya  halka ay ku biyo shubato
Waxaa  layidhi sheekaba sheekay keentaaye Maayarkii hore ee Caasimada Hargaysa Ing Jiciir ayaa laga hayaa marka ay golihii degaanka ee wakhtigiisi ay soo diyaariyaan Mooshin Xilka xayuubin ah in uu safar ugu bixi jiray wadamada caalamku markuu soo noqdana uu usheegi jiray Xildhibaanada in uu caasimada Hargaysa uu la soo mataaneeyey tusaale ahaan caasimada Norway ee Oslo
laakin malaha maayar shucayb  waxaa  lagud boonayd in uu yidhaa Gabiley waxaan la soo mataaneeyey caasimada Sweden Stockholm oo mudaba ku maqnaa maayarku.
Si kastaba ha ahaatee waxay su’aasha lays weydiinayaa tahay Xildhibaanadu ma mididay usoo soofaysanayaan Maayar Shucayn mise  iyaguu  midiyo iskugu dhiibayaa, balse waxa su’aasha jawaabteeda la ogaanayaa maalmaha fooda inagu soo haya?
abdishakur Haybe

Arabsiyonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *