Sida aynu ka warqabno waxa inoo soo galaysa bishii baraysnayd ee Ramadaan oo ah bil khayr badan oo dadka Muslimiinta ahi ay ajarkeeda ku dadaalaan iskana dhafaan wax kasta oo

 

xumaan iyo khilaafaad ah.

Sidaa darteed, waxaan hambalyo iyo boogaadin u jeedinayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uga tanaasulay Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo musharaxnimada Kulmiye ee doorasha Madaxweynenimo ee soo socota.

Waxan u arkaa in aanay ahayn wakhtigii ku habboonaa ee uu Muuse Biixi Cabdi isku hawli lahaa is-sharixidda Kulmiye dhexdiisa maadaama uu Madaxweynihii qaranka isla markaana ah aasaasihii xisbigu uu tartan diyaar u yahay. Marka laga yimaad xaqa uu Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo u leeyahay inuu Madaxweynenimada Somaliland qabto shan sanno oo dambe, waxa iyaduna jirta  oo aan inaga qarsoonayn in uu waddanka ka geystay waxqabad weyn haatana uu doonayo inuu horseedo horumar kan kasii weyn. Sidaas daraadeed ayaan u aaminsanahay in ay habboon tahay in fursad labaad la siiyo.

In kastoo uu Mudane Madaxweyne Siilaanyo caddeeyey in uu diyaar u yahay in xisbiga Kulmiye dhexdiisa lagula tartamo, haddana sharaftu waxay ku jirtaa in lagu taageero mar labaad in uu qaranka hoggaamiyo si uu u dhammeystiro hadafyada horumarineed ee uu hiigsanayo.

Waana sida xisbiyada dunidu ay inta badan yeelaan. Guddoomiye Muuse midhkaasi ma seegin oo wuu tanaasulay laakiin waxan kula talin lahaa in uu Madaxweynaha u muujiyo taageero kal iyo lab ah oo aan kala-hadh lahayn isla markaana tamartiisa iyo wakhtigiisa ku jiheeyo sidii looga adkaan lahaa labada musharax ee Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud la tartamaya. Taas ayaan u arkaa in Guddoomiye Muuse sharaf iyo taageeraba ku heli doono mustaqbalka.

Guddoomiye Muuse, si uu mustaqbalkiisa iyo kan dalkaba uga hawl-galo, waxa u furan in uu awoodda saaro arrimo dhawr ah oo istiraatiji ah. Waxa ka mid ah booqashooyin uu ku xoojinayo xidhiidhada uu la leeyahay dadweynaha ku kala dhaqan dhammaan gobolada Somaliland iyo weliba xidhiidhada da’yarta dalka iyo ururada bulshada.

Sidoo kale, waxan ku talin lahaa in uu ka fikiro xidhiidhada dibedda, gaar ahaan waddamada aan ku talin lahaa in uu xidhiidhkooda adkeeyo wax aka mid ah Britain, Kenya, South Afrika, France, Australia iyo Belgium isagoo arrinkan kala kaashanaya wasiirkeena arrimaha dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis. Waxa la joogaa xiligii midnimo gudaha ah loo muujin lahaa dunida looguna caddeyn lahaa go’aanka ay dadka Somaliland qaateen in uu yahay mid aan dib looga noqonayn bulshada caalamkana looga fadhiyo in ay Somaliland ku taageerto waxa ay dadkeedu doonayaan iyo horumarka ay hiigsanayaan iyagoon cidna xumaan u qabin.

Ugu dambayn Guddoomiye Muuse waxan kula talin lahaa in uu ku dedaalo kulamo joogto ah iyo xidhiidh dhow oo uu Madaxweynaha Qaranka la yeesho kana fogaato cid kasta oo dano gaar ah ka leh in ay marba batrool hor leh ku huriyaan khilaaf xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah kaas oo wax uu guddoomiyaha iyo xisbigaba u soo kordhin karaa aanu jirin.

Tallaabooyinkan oo Mudane Muuse Biixi qaado waxay mustaqbalka u horseedi karaan guul waxayna wax ka tari doonaan mustaqbalka xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan mustaqbalka dalka.
Illaahay Xaqa iyo Ajarka Bishan Barakaysana Ha Ina Waafajiyo,
Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan,
Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *