Mahlakadda, Aafadda iyo masiibadda Qaran ee TAHRIIBTU waa mid deris iyo rafiiq la noqotay Da’yarta ka qalin-jebisa Dugsiyadda sare Iyo Jaamacaddaha Somaliland.

Masiibadda TAHRIIBTU Wa dariiq dheer oo Dhalintu ku raadsanayso camal Iyo Shaqooyin Ay quuskaga Taagan Yihiin Dhulkoodda Hooyo inta badan waxa loo nisbeeya Maamul xumi ku habsatay Haayadaha laamaha Dawladda ee ku shaqo leh camal usamaynta Jiilka Dhalinta Ee Dalka u kacaya.
Dabaaqaddi 2013 Ayay ahayd markii Saxiibkay marna Ah Walalkay Uu goor aan habeena ahayn maalina Ahayn Ukolayaystay Safarka dariiqa Dheer ee tahriibka.
Kedis ayay noqotay talo iyo go’aan uu goor habeen ah maankiisa ka keenay in laga hor istaago fulinteeda waxana uu habeenkaas isku qanciyay in uu siyar dhaldhalaalka Yurub ugaadhi doono isla subixii habeenkii uu tashadayna Waxa uu qaatay ka dhabaynta Riyaadiisi habeenimo waxa uu udiraay garoobay safarkii Dheeraa tahriibka.
Kol ay xili qado tahay salaadii duhur dabadeed ayuu iridda iga soo Galay waxana uu iga dalbaday Inaan iso soo duceyno Fajac amakaag iyo yaab kadib Hadaladiisa waxa uu iweydiiyay Go’ Cas oo agtayda yaalay ”GO’ Xidig Ah” in aan udhiibo waxana uu sheegay in Uu Tahriibayo.
Su’aal Xagu qabanayo, qaadashada go’aanka Xiligu ku dhashay iyo ujeedadiisaba ilaahay amarkii dhayal iyo dheeshiisi Ayay Saxiibkay ila ahayd maankaygana maan Gelin waa Ka rubad run ah Oo Wuu Tahriibayaa.
Kolku dareemay inaanay Iqudhqudhsamaynin Hadaladdi Xanafta badnaa iyo kelmadda qadhaadh ee uu maalintaasi Ku Hadlayay ”WAAN TAHRIIBAYAA” Waxa uu gostay in uu hadalkiisa bedelo kuyee Safar gaaban ayaan Hadaba saxiiboow kasoo laabanayaa Ee An Soo wada Haddalo.
Gortaa Dabadeed Galbtaa dabadeed Iyo gelinkaa dambe ee maalintaasi waxa noqotay tii igu dambaysay maqalkiisa iyo muuqiisaba.
Ehel iyo Xigaal gacal iyo Sokeeye Cid ka war qabtay may jirin Safarkiisa marka laga Reebo aniga oo uu hadalka ii saray iyo weliba Cidi uu waqtigiisa dhalinyara nimo Iyo Dareenka jacaylku mataaneeyay Mooyaane.
SAXARAHA:- Waa gawaan madhan oo cidla ah saxaraha libia hadh iyo biya la’ halis ah inbadan dadka tahriiba waa halka galaafatay
Ale haw naxariistee Saxiibkay Biimaddi iyo halistii saxaraha silic uu maray iyo xanuun badan kadib LIBIA Ayuu gadhay.
LIBIA:- Wa kawaanka Dadka lagu qasho hadaad hore umaqasheen kawaanka Hilibka, Dadka fara ku tiriska ah ee tahriibka ka badbaaday waxay weriyaan in ay isbaarooyin uyaalan rag loogu yeedho MA NAXAYAAL , MA GAFAYAAL Iyo Qaarkale oo ka ganacsada gadashada jidha bil aadamka iyo weliba adoonsiga Dadka aan udhalan dalkaasi ee sharci darada ku Gala.
LIBIA :- Jeelal waaweyn ayaa ku yaala waxana lagu adoonsadaa dadka tahriib doonka ah qaar badan oo kamid ah dadkaasi waxay xanuuno lagaran wayay ugu dhinteen jeelashaasi qaar kale nafta ayaa laga qaaday markii qoyskoodo so bixin wayeen madaxfurashada qawlaysatada Magafayaashu Sheegtaan.
Inbadan dadka tahriib waxay ka sheekeyaan Saxaraha LIBIA Balse waxa jira SAXARAHA MADOW Oo udhexeeyay SUDAN IYO ETHOPIA dadka ka badbaada silica iyo saxariirkaasi Tahriibka iyo safarka saxaraha waxay inta badan ku madhaan Jeelasha libia iyo Badaha
Kooxaha MAGAFAYAASHA Iyo MANAXAHU, Waa budhacad arxan laawayaal ah waxanay Cida ay gacanta Ku dhigaan ku xidhaan jeelashooda iyago uqabsada madaxfurasho.
Inbadan oo dadka Tahriiba kamid ah qoysaskoodu wa dan yar iyo dad aan waxa ay haystaan noloshoda dhafsiisnayna.
Magafuhu marka uu Dhalinta tahriibaysa qabsado waxay usoo qayla dirtaan qoyskooda si loogu soo diri lacagta madaxfurashada ah ee ay ku xukumaan inta badan ma awoodaan qoysaska danyarta ahi waxa ay ururiyaan iyo maqdaraha uqabtaana maa noqdaan wax ku filan lacagta Ay caadqaatayaashu sheegtaan Oo fara badan awgeed mudo ayaana lo qabta qofka qoyskiisa lagaga sugayo lacagtaasi.
Qaarkood waxa la sheegay in lacagtu soo dhacdo iyadoo Qofku mudo mootan yahay lana dilay markii ay qoyskiisu ku soo bixin waayeen lacagta mudadii loogu tala galay.
Hadaba isagu nasiib kiisa lama kulmin Xaalada adag ee Saxaraha Qafaalashada Magafayaasha oo markiiba siyar ayuu uga baxay inkastoy dhibteeda leedahay.
Waxa la sheega in uu habeen Ay doon ka raacayeen LIBIA iyago isagu jira Somalia Xabashi iyo Africadda Kale dad ka yimi oo iyaguna tahriib doon ah.
Dontaasi waxay ku xumaatay badda waxana ka go’ay wixi yaraa ee uu mid walba guntiga ku sitey ee quud ahaa waxa la weriya dadki saarnaa in mid ba midka uu ka xoog Weyn yahay naftiisa hunguriyeey ugu waxa nala soo sheegay in Saxiibkay kamid noqday dadki lagu Cunay Doontaasi.
SOMALILAND: Xukumadda jirta waxay ololaha ku gashay inay wax ka qabanayso afaadan TAHRIIBTA Balse waxaynu odhan karnaa waxay horseeday in Magayaasha iyo Tahribiyaashu Safaarado ka furtan WAJAALE
TAHRIIBTU WAA MASIIBO QARAN OO DA’YARTA HAYSATA
W/Q Reporter:- Mohamed Yousof Bakayle
Mbakayle@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *